wararka naga soo gaadhaya magaaladda Diri-dhawe ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan CWXO ay iminka ku gaaf wareegayaan dhamaan deegaanada gobolka shiniille.
CWXO ayaa lagu soo waramayaa in ay qiyaas ilaa 120 km ay u jiraan magaalada wayn ee Hawaash taas oo cabsi balaadhan ku keentey taliska ciidamada gumaysiga ee fadhigiisu yahay Harar ka dib markii ay ka war haleen in CWXO ay si aan caadi ahayn ugu qul –qulayaan aaga shiniile iyo waliba iyagoo ku sii siqaya galbeedka fog ee Itoobiya.
mar aan wax ka waydiinay dadka deegaanka ayay noo xaqiijiyeen in CWXO ay iminka kulaaxayaan magaalada Hawaash taas oo dad-waynaha S/Ogaadeenya ku abuurtey qiiro hor leh iyo dareen gaar ah.
dhinaca kale taliska gumaysiga ayaa ka cabsi qaba in khadka tareenku istaago mar hadii CWXO ay iminka baarid ku bilaabeen baabuurta isaga gooshta Addis iyo Diri-dhawe.
isku so duuboo hawlgalkan ay CWXO wadaan ayaa ah mid dhamaan shacbiga S/Ogaadeenya ay ku diirsadeen waxaana iminka dhamaan gobolada dalka Ogaadeenya la isugu marxabeynayaa guulaha ay ka soo hoyeen CWXO hawlgalkii nasri oo ah mid si wayn loogu jabiyey cadawga gumaysiga Itoobiya.
Dufaan/diri-dhawa
JWXO IS HEADING TO ADDIS





