Postby Queen_Arawello » Thu May 28, 2009 5:39 am
Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada
iyo qaninimada dhulka loo yaqaano Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed.
Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada nadir ka ah ee Dhoodaan.
Wuxuu yidhi:
1. Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
2. Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaarsiine
3. Ila daawo oo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne
4. Hanfi, dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
5. Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
6. Oo daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e
7. Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
8. Mana dookhdo duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
9. Inta Dahare, Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
10. Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne
11. Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
12. Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali daf oo buuxa
13. Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daacye
14. Biyaha daadka dooxiyo hundaba, way dindimayaane
15. Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye
16. Madardarin farsamadii shacbigu, tacab ku doontaaye
17. Harqodkii dagtay kootar adag, dacal u saaraane
18. Jiqirtidaan dabcayn nugi durtiyo, kooshi noo dadabye
19. Minaaq daloolay bay marashadii, loo dusinayaane
20. Digiraday dabfiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
21. Minaaq daloolay baa marashadii, la isku daabtaaye
22. Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, layska wada duubye
23. Sango dacayan dagaal kaa u sudho, lagu dabaabeeye
24. Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane
25. Alaabtaa carada jeexi bay, dibidu jiidaaye
26. Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane
27. Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
28. Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
29. Oo dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
30. Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiinkara e
31. Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnaaye
32. Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
33. Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
34. Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeerre
35. Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e
36. Mudayba laydh dabaalane kolkay, diircadaad noqoto
37. Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
38. Looguma daree beerta waa, laga daryeelaaye
39. Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
40. Qofkii aan dagmada gaadhin bay, sii dibiriyaane
41. Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeerre
42. Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guute
43. Bakaar duugte xero ood la dayr, oo karoodsada e
44. Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diq-diqayaaye
45. Dhulkani deeq allaalehe intuu, naga durduursiiyay
46. Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
47. Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
48. Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed mariye
49. Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
50. Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e
51. Inkastoo daraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
52. qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
53. Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
54. Danga malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
55. Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge
56. Iyaase dahalkii aan damcay, tani duwaysaaye
57. Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine
58. Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
59. Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge
60. Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo dooga
61. Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne
62. Hadalkii aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
63. Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
64. Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane
65. Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline
66. Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye