Written by Administrator
Tuesday, 26 May 2009
DUF_Addis-Ababa: Burburka magaalo ama wadan ayaa beryahan ka muuqda magaalo madaxda Ethiopia ee Addis-ababa,waxyaabo badan ayaad ka xusuusan kartaa magaalo madaxdii Somaaliya ee Muqdisho,calaamadahas oo dhan ayey maanta leedahay Adis-ababa Ilaa 3week magaalada kolba qayab ayaa loo shidaa lightka,badhkeedna waa mugdi,hadhka cad waxaad arkeysaa ciidan iyo baabuurta gaashaaman oo magaalada senterkeeda dhex mushaaxaya,qoriga sida ay askartu u haystaan,ee aad moodi in ay goob dagaal joogaan,ta kale gabalku haduu dhaco,xabadaha dhagahaagu wey maqli,markaas ayad is dhihi war miyaa la is galey,biyaha kolba xaafad ayaa loo soo daayaa. Intaa aan kor ku soo sheegay oo dhan waa intii Muqdisho taaley sanadadii 89ilaa90,kadibna meeshii u danbeysey waad garan kartaan,waa sidaa maanta Addis-ababa,qof walbana wuxuu dhahayaa,xili hore hala dheelmado. Afduubkii la isku dayey iyo xidhxidhkii oo batey awgood Tigreega oo dhexdooda colaadoodu ay cirka isku shareertey,Oromadii oo kala shakisan,Amxaaradii oo qaarkood dagaal cilaamiyeen,qaarna xabsiyada ay ka buuxaan,miciishadii oo qaali ah,baabuurta plka ah 6makhribkii gababsi ah,dukaamada oo xili hore la xidho. Akhristow waxaa haysa(Addis-abab) maanta inta magaalo xumeysa dawladna bur-burisa. Intaasi waa xogta ka jirta maanta Addis-abab DUFAAN.COM/ADDIS-ABABA
inshallah ma foga!!



