ONA - CWXO oo la wareegay gacan ku hayntii dagmada Dhadhame
CWXO qaybta Gorgor ayaa saaka ku waabariistay degmada Dhandhame oo gacanta ku dhigay. Barqiyad dagdag ah oon ka helnay qaybta Gorgor waxay noogu sheegeen inay qabsadeen dagmadaas ka dib markay cagta mariyeen ciidamadii joogay halkaa. Khasaaraha soo gaaray waxaan ka soo sheegi doona dib.
Waxay kaloo noo sheegeen inay agab farabadan iyo hanti wixii cadawga u yaalay goobtaaba ay la wareegeen.
Khasaaraha soo gaaray cadawga inta hadda la ogaaday waa 13 dhimasho ah iyo maxaabiis gacanta lagu hayo oon cadadkooda dib ka ogaan doono. Dhandhame waxay raacsanaan jirtay degmada Baabili oo ka tirsan gobolka Jigjiga, waxayna ka mid ahayd degmooyin uu waa dhaweyd gumaysiga magacaabay.
Waxaa soo baxaya warar badan oo sheegaya inay ciidamadii cadawga iyo wixii ku hadhay ee dhidid-dhowrka ahaa ay aad uga walwalsan yihiin CWXO oo baryan dambe bilaabay qorshe cusub iyo hab dagaal oo aanay horey u arag.
Guul iyo Gobanimo




