Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block
You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.
Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan layidhaahdo Alleyl Dumay.
Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh u doonan nin kale khaasatan rag-adagaaga, nin karmeedka, laqanka ah, haday dhacdana waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug. Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey) Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Tuduca ka horeeya midka uu gabaygu ku dhamaado ee ah "Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye" ayaa xilligii dawladdii ugu dambaysay ee Soomaliya ay uruurinaysay suugaanta Raage Ugaas ayaa loo badalay "Nin ugaas wallaalkii yahoo eeday baan ahaye." Marka siddaa ula soco haddii ay kuugu muuqato in gabayga wax laga badalay. Tuduca u dambeeya isna wax baa ka badalan oo sidan ma ahayn asalkiisu ma hayno asalkii ee nala soo socodsii haddii aad isagoo sax ah hayso.
Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da'dii ka yarayd gabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Waatii Soomaalidu tidhi "nin meeli u cadahay meeli ka madow e" Raage gabadhii waa la'aqal galay, laakiin indhihiisu waa dhaafsanaayeen. Caado waxaa ahaan jirtay marka gabadh laguursado inay reerkooda ladaganaato sanadka ugu horeeya si loo sidaa baro maamuuska iyo maamulka reer leeyahay, daraadeed Raage iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeen reerkii ay gabdha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Faarax Wiil-waal haweenaydiisa usheegay inay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraan dulleed ka reerka. Faarax intuu u yimid Raage ayuu ku yidhi war inakeen aan kabdhoodka shax kusoo ciyaaree, kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la'is waydaarsaday tixahan halgaada ah:
Hadda Raage oday buu noqdoo ka amar weynaaday. Ardaydaan ka tagay buu ahaa alif bilowgiiye. Al-baqrana ma gaadhine hadduu dhigan idaajaaye. Halka Ina-Jadeer ka unkadaa awrta loo rariye. Aan ardaayo wada oodanee waa inoo idhanka.
Raage Ugaas ayaa tixdii gaadhay wuxuuna kaga soo jawaabey gabay dheer oon hadda aanu wax yar ka hayno. isagoo Ina Jadeer la hadlahaya.
Raagena Wuxuu Yiri:
Bus xaggaaya jiilaal balyaday qaranka oo biifay. Barin doog leh nayluhu gugay baqalyo rooraane. Baakiro tarkeed wow bishaa laba bakuuroode. Bintadii lahayd dhaan hadday uga buseylayso. Birisku biyaha ceel ma sido mana baqool daayo.
Baaluqe ismood wiil hadduu buuryo-goys yahaye. Bisqinbaa nin weyn kugu dirtoon biidna kuu tarine. Shansho iyo baruuriyo hadduu badhi wan weyn yeesho. Baraar habartii loog kama baxshoo gowrac kama baajo. Buulalaydh maraakiibta waa lagu bidhaanshaaye. Intaan baxar sitiin kula galaan kaaga soo bixiye. Badda hooy ka joog moolka yaa bahalo jiifaane. Bi'i waaye Habar Yooniseey baadidaada cesho.
That wasn't Muxumed Liibaan Jadeer who was Habar Awal, that was Xirsi Boqon of the H.Y, the poetic compat that lasted for years was lost by Raage Ugaas. Xirsi Boqon then advanced to Muxumed Liibaan Jadeer the elder master of the genere.
^^ Don't hate ,congratulate..father of Gabayga Soomaaliyeed --> RAAGE UGAAS invented "hooyalayey hooyaalayey" which is recited the beginning of gabays...all modern abwaans will tell u this...
All if not most of those poets you posted only use to do gabays praising/bashing clans so what is that something to be proud of and as for Hadrawi he is a good song writer he's not that good at gabays when compared to gaariye or cabid qays or hassan ganey.
Laakin Timacadde(AUN) was a great patriot and wadani his greatest gabay and probably the best gabay ever was this:
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar isdiidsiiso Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye Haddii gole dabbaaldeg iyo farax, loo dalbado maalin Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo Uu mid aan daryeelini xakame, daamanka u geliyo Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye Jeeroon direyska u gashoon, dibeda soo taago Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo, diirka uga qaaday Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye Soomaaliday dayaya wanaag, idinka doorsoonye Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa'in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.