Wariye Shilaabonews ka socda oo xaaladda dalka ka warbixiyay
shilaabonews- Arbaco/23June/2009 London.
Wariye Gaacuur oo nooga soo warami jiray magaalada Adisababa casimada gumaysiga Itoobiya ayaa ku soo noqday magaalada London dhawaan wuxuuna warbixin kooban ka bixiyay xalada ogaadeenya.
Waxaa ka jira guud ahaan Itoobiya qalalaaso wayn oo aad moodo inaysan donaynin aduunydu inay buun buuniso lakiin xaqiiqdii xaaladu maha mid sahlan oo sidaas loo qarin karo mustaqbalka dhow maxaa yeelay xaqii afka laga xidhaa wuxuu ka dilacaa ganaca.
Waxaan kuu sheegyaa runtii in Itoobya ay ka socdaan dagaalo aad u xoog badan oo ay wadaan dhamaan qomiyadaha ku nool oo dhan. Dagaalka ogaadenyana waa kan ugu culus ugan cimriga dheer. Dagaalo aad u badan ayaa gabi ahaanba ka socda Ogaadeenya waxaana la gaadhsiiyay gumaysiga meeshii uugu danbaysay. Wuxuu gaadhay in xitaa cidamada gumaysigu ay noqdaan kuwo ka goosta cidamadooda, markii ay u adkaysan waayeen gulufka cidamada JWXO oo gaadhay heer aan la qiyaasi karin awoodiisa ciidan. Arintaas ayaa ku kaliftay in ay cidmada gumaysigu ka wada hawal gali waayaan dhulka ogaadeenya oo dhan maxaa yeelay waxaa ku waynaaday baxada dhulka oo aysan u maamuli karin inay siday rabaan ula dagaalamaan halgamayaasha geesiyiinta ah ee u guntaday inay cidhib tiraan gumaysiga waynaha ilaa ay ka xoreeyaan ogaadeenya. Runtii waa niman aan dhihi karo halgamayaasha way u dhabar adaygeen wakhtiga adagee ay ku jiraan.
Gumaysiga itoobiya wuxuu ka niyad jabay markii deegano badan oo Ogaadenya ah oo markii hore aysan ka jirin dhaq dhaqaaq cidamada JWXO ay ka hana qaaday saxwada ay wado JWXO.
Intii aan joogay Itoobiya gaar ahaan magalada Haraar waxaa xusuus mudan markii dadk ku nool Baabili ay is xilqaameen oo ay iskood ula dagaalameen gumaysiga iyagoo ku go'aansaday inay ku dagaalaman magaca JWXO. Nin reer Baabili ah oo an ku arkay Harar oo uu ku adkaa afka soomaaliga ayaa iiga sheekeeyey dhibaatada gumaysigu ku hayo. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisii; "aniga ma ihi magaca ONLF dadka ku abtirsada lakiin waxaan diyaar u ahay inaan qaato fikirka ay qabaan ee ah in aan la dagaalamo Itoobiya maxaa yeelay Ogadenya iyo Itoobiya waa laba magac oo mid walba la bixiyay marka maxaan Ogadenya ku diidi hadaaban xitaa Itoobiya-nimadaba koley ku tahay la iiba ogalayan xuquuqdeeda".
Ogaadeenya waxaa ka dhacay dagaalo aad u badan oo intii aan joogay gaadhaya ilaa 45 dagaal hadaysan kaba badnayan intaas oo dagaal waa lagu jabiyay cadawga waxaana looga furtay hub aad u badan iyo sanad kale dhaawaca cidamada Itoobiya wuxuu buux dhaafiyay isbitaalka Harar, qaar kamida wayba gubteen markii lagu qarxiyay gawaadhidii ay saaraayeen.
Itoobiya waxaa dhibatada dagaalada u dheer dhaqaalo dari baahsan, oo nooc walaba leh ADISS-ABAB intii aan joogay korontada waxaa loo qaybiyaa kaltan oo qayba habeen ayay heshaa. Korontada magaaladu waxay i xasuusisay burburkii Soomaaliya saansankii muqdisho.
Tuugsigu wuxuu gaadhay meeshii ugu saraysay. Dadka itoobiyaanka ah ee ku nool dalka waxaa asiibay faqari cudur iyo rajo la,aan. Haya'da cuntada ee WFP, ayaa ka codsatay, nidaamka ka jira Adisabab inay ogalaadaan in dadka lala soo gaadho raashin degdega oy u ogalaadan inay isticmaalan dekada Casab ee Eratria, lakiin arintaas way diiday xukuumda gumaysiga Tigreegu, xitaa waxay codsatay in WFP ay isticmaasho gaadiidkeeda gaarka ah hayse ahaatee way diideen wayanuhu oo waxay yiraahdeen gawaadhida Tigreega oo qudha ayaa qaadi karta ee kiraysata. Taas oo sababtay in ay korodho tirada baahida ee dadka gar gaarka u bahan.
Isku soo duuboo reer ogaadeenya ha adkaystaan hana ka faa'idayastaan fursda ay haystaan ee gobonima doonka ah.
Inshaalaah guul gobonimo alahu akbar
Gaacuur Shilaabonews/London



