Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ehiopian opposition groups and ONLF in washington for talks.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Ehiopian opposition groups and ONLF in washington for talks.

Postby hanqadh » Sun Jul 19, 2009 11:15 am

Xoghaya Arimaha Dibada ONLF iyo Mucaardka kale oo Washington DC ku sugan.
Caasimada dalka Maraykanka ee Washington DC, ayaa waxaa kusugan Xooghayaha guud ee Arimaha dibada ONLF, Mudane Cabdiraxmaan Sh.Mahdi, sidoo kale waxaa iyana kusugan Madaxda Jabhada OLF, oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha OLF, Da’ud Ibssa, mucaardka Amxaarada oo uu horkacayo Berhanu Nega oo gudoomiye u ah ururka Ginbot7, waxaa iyaguna kusugan jabhado kale oo Mucaarad ku ah Xukuumada Tigreega oo ay kamid yihiin Mucaaradka Sidaamo iyo Gambela.

Hadaba Safarada Madaxda Mucaaradka ay kujogaan Washington DC, ayaana ilaa hada si toosa ah loo shaacin ujeedadooda rasmigaa warar hoose oo dufaan.com u kuurgashay ayaan ku ogaanay in ay kujiraan wadahadalo gaar- gaar ah oo ay la leeyihiin Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Obama iyo Congresskaba kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la shaacin ujeedadooda iyo wixii kasoo baxayba.

Mucaaradka dhexdooda ayaa iyaguna wadahadalo uga socdaan Washington DC, kuwaas oo looga arinsanayo Mustaqbalka dalka Itoobiya oo dadbadani aaminsan yihiin in Xukuumada Tigreega wakhtigeedii dhamaaday dalkuna bur-bur qarka usaaran yahay Mucaaradka Tigreega ku kacsan ayaa maalin walba sii badanaya iyada oo wakhtigan xaadirkaa ay jabhada ONLF tahay mida ugu xoog wayn xagga Millitariga Islamarkaasna Siyaasada dhinaca dibada ee ONLF si aan caadi ahayn kor ugu kacday wixii kadanbeeyay dagaalkii Cobale ee 2007.

Magaalada Washington DC ayaa labadii bilood ee ugu danbeeyay ay kusoo qul-qulayaan siyaasiin saamayn badan ku leh Gobalka Geeska Afrika kuwaas oo kala ah Mucaarad iyo Dawladaba arintan oo salka ku haysa dabka ka holcaya Geeska Afrika oo aan meel kaliya salka ku hayn lakiin saamayn kuleh dhamaan dalalka Geeska Afrika warar hoose ayaa sheegaya in Xukuumada Madaxwayne Obama wali ayna qaadanin go’aan rasmiya lakiin ay ubadantahay dhinaca ah in Dagaalada ka holcaya Geeska Afrika ubaahanyihiin in dhamaanba xal guud laga wada gaadho oo loo wajaho si kaduwan xukuumadihii hore ee Maraykanka.

Sikastaba ha ahaatee Muwaadiinin badan oo Reer Maraykan ah asal ahaana kasoo jeeda Geeska Afrika ayaa Isha kuhaya siyaasada Xukuumada Madaxwayne Obama kula dhaqmi doonto Geeska Afrika gaar ahaan Xukuumada Tigreega dadkan oo dhamaan u codeeyay Obama iyo xisbigiisa Democrat, qaar kamid ah Congreeska Maraykanka ayaa iyana cadaadiskooda dhinac ka wada kuwaas oo balan qaaday in ay wax ka qabanayaan dhibka haysta dadka geeska afrika.

Dhinaca kalena waxaa si dhumaalaysiya dhawr jeer ugu soo noq-noqday magaalada Washington DC, Wasiiro Tigree ah oo horkacayay Wasiirka Caafimaadka Ethiopia, oo Isagu ah ninka uu Males Zenawi sida gaarka ah u wato isagoo raba inuu noqdo ninkii badali lahaa xukuumad ku sheegta Tigreega oo wal-wal badani haysto ayaa baryahanba Reer galbeedka iyo warbaahinta caalamkaba usheegaysa in isbadal dhici doono KT.Males Zenawi-na xukunka ka dagi doono.

Dufaan.com kala soco wixii kasoo kordha safaradan aan la shaacin ee Mucaaradka Itoobiya kujogaan Washington DC.

Dufaan/Washington DC.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ehiopian opposition groups and ONLF in washington for talks.

Postby hanqadh » Sun Jul 19, 2009 11:16 am

ONLF by far is the most significant group politically and militarily here...we must use the ethio's like the TPLF did.

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Ehiopian opposition groups and ONLF in washington for talks.

Postby Ducaysane_87 » Sun Jul 19, 2009 11:35 am

Good News


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests