Postby Faarax-Caytame » Thu Aug 06, 2009 2:06 am
Waxaa idiin soo gudbiyay suugaantan uruuriska ah, Studio Aartubane.
Qoyska uu Raage Ugaas ka dhashay waxaa la yidhaahdaa anagoo Jilib Kore ka sheegeyna, Laakin la soco ma,aha abtirkii oo isdaba-joog ah oo aababa aan aabo ku xijineyno, Jilibada Unbaan qoreynaa. ( Reer Cumar Ugaas, Reer Ugaas Faarax, Reer Guuleed, Reer Ugaas Samatar, Reer Ugaas Xirsi, Reer Ugaas Khalaf, Reer Cabdille, , Maxamed-Zubeyr, Baahale, MiyirWalaal, Ogaadeen, Absame, Daarood)
Gabayadii Raage Ugaas Warfaa
Abwaanku wuxuu gabygan tiriyay Dagaal ay la galeen Jidwaaq Absame, Ayaa waxa la laayay rag badan oo u ku dhaadan jiray , waxaa ka mid ahaa ragaas, Geel-Toosiye Geeydh, Iyo Askar Cumar Ugaas.
Abwaanku wuxuu aad uga xumaaday dumarkii dumaasha sugayay iney heleen niman aan ku habooneyn oo ragii la laayay aan udhigmi karin.
Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee
Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin
Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo
Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah
Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh
Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane
Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin
Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo
----------------------------------------------------------
Abwaanku wuxuu gabaygan marshay mar gabadhii u doona-neyd ee uu xoolaha ka baxshay, uu guursaday Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal.
Wuxuu Raage Ugaas Gabaygan kusoo bandhigay arimo badan oo dareen taabad leh.
Wuxuu ugu horeeyn afnaqay dhibaatada uu gabadha u maray, Wuxuu Mar labaadna Xusay Sida tolka uu ka dhashay aan loogu aqoon jirin iney samraanba, Mar Sadexaadna dagaalka ka fool ka fool oo shaqsiyeed isaga iyo Garaad Faarax ka dhex dhici doona,Ayuu kusoo gunaanaday.
Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho
----------------------------------------------------
Abasguul Jidwaaq Absame ayaa waxeey marti qaadeen Raage Ugaas.
Raage oo horayba qoyskaa dekeno uga qabay ayaa ka shakiyay marti qaadka, Wuu soo yeelay oo wuu aaday.
Maalin ka dibaa walaalkii Ugaas Xuseen isna la marti qaaday, Raagase wuu uga digay inuu aado meejaas.
Ugaas Xuseen hadalkii raage dhag uma dhigina wuu aaday marti qaadka.
Abasguul iney qudho ka jarteey rabtay ugaaska, Gargaar allase wuxuu soo baxday isagooyna dhagna kaga jirin, oo faraskii gees walba waran ka taaganyahay oo luudin haya.
Raage Ugaas baa markaas gabaygan tiriyay oo aqli celin ah.
Wiyil gaarin geeskiyo dhagtiyo, giirka qaban maayo
Shabeel oon gabraartiis ogahay, gacantogleyn maayo
Gojaxiyo nin waran ii watoo, ani i gaadaaya
Gag intaan idhaahdo oon hurdada, ugu garaardaayo
Garbahayga hilibkaa ku yaal, gooso odhan maayo
God abeeso gacantayda midig, galin aqoon maayo
Garaadkeygu meelaha badhkood, ani i geyn maayo
--------------------------------------------------