Ciida-Gale oo Isaaq ah iyo Reer Cali oo Ogaden ah ayaa dagaal dhexmaray.
Aad ayaa dagaalkaa rag badani ugu go’ay. Hayeeshee waxay guushu halkaa ku raacdaay Reer Cali oo si ba’an birta ooga aslay Ciida Gale. Arab niman la yidhaahdo oo iyana Isaaq ah ayaa usoo hiiliyey oo lasoo saftay Ciida Gale.
Reer Cali ayaa Arabkii soo hiiliyeyna ka adkaaday oo ka daba geeyay Ciida Gale. Maxamed Cumar Dage ayaa haddaba halkaa gabaygan ka tiriyey isagoo dhinaca saaraya Reer Cali,tahniyad iyo bogaadinna u diraya, Isaaqna u tilmaamaya khasaaraha kasoo gaadhay dagaalkii ay soo qaadeen iyagu. Wuxuu Maxamed Cumar Dage aad gabayga ugu ridayaa Arabka soo hiiliyey ee waxbase qaadi waayey. Wuxuu yidhi:
Warkii xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi
Iidoor galbeed iyo warkii, idhan ka soo duulay
Eraygii xaqiiqoow hadaad, alalad moodeen e
Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede
Siddii aaran geel oo dideey, ooda jabiyeene
Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane
Afkii Ina Warsame Baashe iyo, amarkii beenoow ye
Ayaan iyo ayaan buu, sanguhu daba ulaysnaaye
Oon baa ku daayimay kuwii, daba aasnaaye
Abshir dhaha Isaaq iilay oo, aarsay Reer Caliye
Afartaa sidii alifka iyo aaayad, ma u sheegay
Ma anafacay ilama adeeraday, waa u abaal gudiye
In yar kalana waa iiladkii, uunka kala gaadhay
Irdaha Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta reer Muummin
Siddii Orobadii Yurub haday eedi kala gaadhay
Midkood ilanka qaataba haddii, dirir la eegaayey
Edeb xumo waxaa u soo hormaray, ey lasoo diraye
Umalkii waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye
Ido-maaladii baa go’iyo, uuskii Guulane e
Asad iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyay
Waraabuhu afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey
Wuxuu uubateeyaba markii, la isu soo ururay
Arbihii madoobaa hadduu, uurka ka higooday
Orodka iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo
Onkod iyo siddii roob, loola amakaagye
Ma adkaysto adhi gaadka, oo aar ku duufsadaye
Goortuu intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye
Waxaa u aaraha lagu dilaa, uufanaha weer e
Araayaha maroodiga ninkii, agab usoo qaata
Ma anfaco atoor guuyo oo, soo agjoogsadaye
Gaaniga markuu ku ajaluu, ayaahiis bogane
Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
Uubuu galaa inan gumeed, ururta laa caaye
Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe
Asxaan ma laha Alamaan hadduu, aaladii hale e
Aji iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye
Waxaa ololoy uubadii Samane eegadii hore e
Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe
Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
Waxaa ololay oobadii Samane eegadii hore e
Damal Aadan iyo ha is arkeen, owrta Reer Caliya
Ugaasyadu ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye
Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?
Markuu Maxamed leeyahay:




