Cabdirashiid Xidig, xidiga Jubbaland ee DKMG ah ?
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 18 August 2009
KN: Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa loo magacaabay wasiiru dowlada arrimaha gudaha, magacaabistiisa ayaa timid kadib isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada ee DKMG ah, hadaba ninkani oo ah siyaasi kasoo jeeda Jubbaland halkeebuu ka dhacaa tusaha siyaasada?
Magacaabistiisa waxay ka dhigantahay in uu noqdo xidiga DKMG ah uga lib keena Jubbaland, lama oga inta hamigaasa uu guuleysan karro.
Wallow uusan ahayn shakhsiga kaliya ee golaha kaga Jirra reer Jubbaland, hadane waa ninka ugu galaangalka badan marka laga hadlayo dadka gobolka ku dhaqan, waxaa la sheegey in uu sameeyo xariiro badan, islamarkaasina taageero ka heysto jaaliyada Jubbaland ee Nairobi oo ah tan ugu saameynta badan
Isaga iyo Maxamed AMiin Cabdullaahi Cusmaan Geele (Cusmaan Geele = Boqorkii Waamo ee qarni ka hor) waa labbo siyaasi oo Jubbooyinka kasoo jeeda oo markasta gacan midig u ahaa dowlad kasta oo dibada lagu soo dhiso.
Runta jirta ayaa ah in uusan Xidig cag dhigi Karin gobolada loo igmaday in uu dowlada taageero uga helo, waxaana taasi wehliya in beesha uu kasoo jeedo ay taageersantahay muqaawamada inka badan inta ay taageersantahay DKMG ah
Wali ma jiraan wax ka hadlay magacaabistani oo ka tirsan Jaaliyada Jubbaland iyo waxgaradka Jubooyinka
Dadka shacabka ah, magacaabista ninkani waxay uga dhigantahay murugo soo foodsaartay amaankooda iyo xasiloonida gobolkooda
Magacaabistiisa waxay kusoo beegmeysaa xilli abaabulo dagaal oo xoogan ay DKMG ah ka waddo meelo ka tirsan dalka iyo dibadiisa, kuwaasoo meelaha ay dooneyso in ay la wareegto ay ka midyihiin gobolada Jubooyinka.
Xidig waxaa la sheegey in isaga iyo rag kale ay ku lug lahaayeen abaabul hore oo dagaalo Jubbada Hoose uga dhaceen balse laga itaal roonaaday maleeshiyaadkii, xiligaasi wax taageero badan kama heysan DKMG ah oo uu xildhibaan ka ahaa.
Mid ka mid ah aqoonyahanada Jubbaland oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa sheegey in fursadaha Cabdirishiid Xidig ay aad u yaryihiin, wuxuuna yiri “Isaga iyo raga kale ee dowlada ku jira ma lahan wax aragti siyaasadeed oo fog, waa rag ku qanacsan xilalka ay hayaan isla markaasina aanan gorgortan muuqta u galin qadiyada Jubbaland, rag ayaa 2 sanno baarlamaanka iyo dowlada ka maqan oo xilka ay hayaan ka hormariyey in ay marka hore gaaraan gool ay hiigsanayaan, haddii firimbigii la yeeriyaba aad salaan saarto dhibkeeda ayay leedahay, waxaan ka warhaynaa in abaabulka Jubbooyinka kusoo wajahan hormuud looga dhigey rag aan gobolka Shaqo ku lahayn, isagana iyo raga kalena lagu qasbay in ay dabodhoon u noqdaan” ayuu yiri aqoonyahankani oo gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
FG: Qormadani waa faalo ku salaysan fikir
Cabdullaahi Dhasheeg
Email:
Afmadou@hotmail.com