Gabaygii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Jees-Jeeska ahaa, Uu Soomaali oo dhan ku digtay, Awooda ogaadeen leeyahayna sheegay.
Ogaadeen haddaan ahay dad, wow amar sareeyaaye
Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashimiye
Abtirsiimadey waxay gashaa, odayo waaweyne
Halkaan ugu arooraana waa, odayga Daaroode
Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e (csws)
Sayidkii Axmed ahaana, way awow runna ahee
Ibraahiin Rashiid aabbahay, odaygii weeyaane
Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye
Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye




