^^^^ ok thanks you reminded me this

Dagaal ka dhacay Degmada Danood oo 40 ruuxi ku dhinteen
Sunday, May 10, 2009 - 07:01 PM
In ka badan 40 Ruux ayaa dhimatay dagaal dhexmaray Beelaha Ogaadeen iyo Giri oo gobolka wardheer wada dega..
Waxaa Dagaal Xoogan ku dhexmaray duleedka Degmada danood laba Beelood oo degmadaasi dega dagaalkaasi ayaa ahaa kii ugu Xooga badnaa ee dhexmaray laba beelood oo deegaankaasi gobolka wardheer wada dega.
Dagaalkaasi ayaa galay maalintii labaad waxaana ku dhintay in ka badan 40 Ruux tio kale oo intaasi ka badana dhaawac ayaa Soo gaadhay,dagaalkaasi ayaa dhexmaray Beelaha ogaadeen iyo Giri oo gobolka wardheer wada dega.
Waxaana goobihii lagu dagalamay Gaadhay Ciidamo ka socda dawlada federalka itoobi iyo waxgarad kale oo doonayey inay kala dhexgaaln Beelahaasi.
Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaa iminka Waxaa lagu daawaynayaa magaalada wardheer iyo degmada Danood. Dagaalka dhexmaray labaadaasi Beelood ayaa soo laab laabtay waana dagaalkii ugu Xumaa ee iminka dhexmara labadaasi Beelood.
Magaalada Buuhoodle ayaa iminka dagaalkaasi si weyn looga hadal hayaa waxaana waxgaradka deegaanka Buuhoodle ugu baaqeen Beelaha dagaalamay in dagaalka lagu Xoojiyo sharuud la,aan.
Goobihii dagaladu ka dhaceen ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka barakaceen dad farabadan oo reer guuraa ah.
Posted by GERICOMMUNITY at 11:03 PM 0 comments
Wednesday, May 13, 2009
WARAR AAN KA SOO XIGANEY WARDHEERNEWS.
Dagaal kulul oo ka dhex dhacay beelo Soomaaliyeed oo wada dega gobolka Wardheer
Wardheer, May 11, 2009 - Wararka naga soo gaadhaya gobolka Wardheer ee dagaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in dagaal kulul ku dhex maray beelo Soomaaliyed degaanka Danood. Dagaalkaasi oo bilowday dabayaaqadii usbuucii ina dhaafay, iyada oo ay wararku sheegayaan in wali colaadaasi ay socoto.
Iska horimaadkaasi ayaa ka dhacay degmada Danood gaar ahaan deegaanka Widhin Widhaale, kaasi oo dhex maray labada beelood ee reer Sh. Abayoonis ee Geri iyo Abraahiin oo ka tirsan beesha Makaahiil, Ogadeen.
Dagaalkan oo geystay khasaare xoogan oo naf iyo maalba leh, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad gaadhaya 23 qof oo labada dhanac iskugu jira iyo dhaawac ku dhaw 20 qof. Waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan in dagaalkan ay si buuxda uga qayb galeen maleeshiyo ka tirsan jabhada ONFL, kuwaasi oo taageero siinayay beesha Abraahiim.
Ilaa iyo hadda wali ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca maamulka degaaanka Soomaalida Itoobiya ama cuqaasha labada beelood oo ku aadan daminta dagaalkaasi, iyada oo lagu soo waramayo in xaalad colaadeed oo aad u saraysa ay ka taagan tahay aagaasi, dagaalakuna uu wali socdo.
Dagaalkan oo ah mid soo noqnoqday, ayaa afhayeenka qurba joogta beesha Geri Md. Xasan Carab oo nala soo xidhiidhay maanta uu ku tilmaammay mid ay sii holcinayso maleeshiyada ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan. Isaga oo ugu baaqay cuqaasha labada beelood in ay ka shaqeeyaann sidii coldaadaasi ka dhex aloosan labada beelood ee walaalaha iyo ood wadaagta ah loo soo afjari lahaa.
Wixii warara ee ka soo kordha dagaalkaasi waxaanu idinkula socodsiin doonaa wararka dambe.
WardheerNews,