Page 1 of 1

Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 12:43 pm
by XKeyse_
I had a debate with one Cagdheer about their own history, the Cagdheer claimed that Mataan lived generations before the British arrived. I argued that Mataan Ciideed died as recently as 1890. Somalis have the habit of not been able to put a presise date or an approxmiation on events.

Mataan Ciideed was a foruth geneartion decendant of Dalal Ugaas Magan, his uncle was Axmed Muxumed Xirsi Dalaal Magan he was a Ba-Xawaadle , whereas Nuur Jiir and Cali Xudur were Bah-Magan (reer Xandule) , the son of Cali Xudur ( Yuusuf Cali "Xudur" Faarax Xandulle Magan) was a contemprary and a third/second cousin to Qamaan Bulxan Yuusuf Faarax Xandule Magan. Yuusuf Cali was killed in 1919 so his father who was killed my brothers of Mataan Ciideed couldn't have been dead more then 30 years ago.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 2:03 pm
by Queen_Arawello
You need to take break from studying dooro history :up: your obsession with us is unhealthy :up:

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 2:17 pm
by Faarax-Caytame
Waad ku saxsantahay Qiyaas ahaan in mataan dhintay dhamaadki qarnigii 1800..Laakiin Inta kaloo idilba waad ku saxsantahaye, Yuusuf caliga aad sheegtay waa kuma ee 1919 la dilay?
Axmed Muxumed iyo Mataana isu adeer ma,ahee waa Ilma adeer.. Mataan waa ina Axmed Xirsi Dalal, Axmedna waa Ina Muxumed Xirsi Dalal

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 2:26 pm
by XKeyse_
Yuusuf Cali, waa Ina Cali Dhan , oo dilkiisii waxa ka gabyay Qamaan Bulxan waxa dilay Abraahiin.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 2:31 pm
by Faarax-Caytame
Waakee Gabaygaasi, Ma kii uu qamaan lahaaba, Dawac baan hantiyay aar libaax doono baan idhiye..?

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 2:42 pm
by XKeyse_
haa markii jilibkii dilay Yuusuf Cali jilib kale lagu qalday.. sax

Nimankan yaad ka taqaan:

1-Gaani cilmi Kaahin
2- Xuseen Xayle
3- Jaamac Deleb
4-Gaydh Muuse Rogaal.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Wed Sep 30, 2009 11:02 pm
by XKeyse_
one more thing, who was Ugaas Muxumed who ruled during the days of Mataan? his son Buraale Muxumed married Salaado Xudur the sister of Cali Dhan ? since Ugaas Muxumed is most likely is Ugaas Muxumed Ugaas Warfaa aar brother of Ugaas Nuur Cabudhiye.? , did he took the Ugaasnimo after Nuur then does that mean Ugaas Xaashi's father (Faratoon) never became an Ugaas and the Ugaasnimo followed from a great uncle Muxumed to a nefew Xaashi Faratoon Nuur.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Thu Oct 01, 2009 1:33 am
by Faarax-Caytame
Raga aad kor ku qortay waxay ubadanyihiin reer dalal...
Hal nin baan ka shakisanahay Geydh muuse rogaal, Ninkaasi ma jiro ee armaad ujeedaa, Geeydh cumar aw Muuse Xaaji Cali?
Xeylaa dilay ina muuse rogaal ( Reer Ceynaanshe) , Reer dalalna way diideen magtii, Waxaana loo dilay Geeydh.

Qowdhan Ducaale sidaan filayo waa kii ka gabyay arintaas ee lahaa:
Aleeylehe waxaa goba ninkii gaani iyo geydhba loo dilaye...

Salaan carabeey oo la hadlaya cali dhuuxna wuxuu yidhi
Afkaagaaba gaani lagu diliyo geydhba berigiiye


Gaani oo dhulbahante ah oo cali dhuux adeer uyahay baa jira, Waxaana dilay Reer Cabdille, Cali dhuux arin u sameeyay ayuuna udhintay wiilkaasi. Kaas in loo jeedo iyo inkalase mahayo qisadaas.

Qamaan Bulxana wuu ka jawaabay waa kii lahaa
Birmad Eyga Gaalka ah iyo raboo ku baxsha mooye
Baddaay celi haddaan lagu odhan beenlow anigaa ah


----Dagaaladii Geydh ka dambeeyay markeey dhaceene,
Saahid Qamaan Calina waa kii yidhi:
Darabtiina Bahalkii Bartiyo Dufanka Jiidhkiina
Ha idiin duceeyee danood dib ugu soo laabta

----------------------------------------------------- Taasi waa su,aashii korre intaan ka hayay-----------------------------------
Tan dambe ee reer Ugaasna, Ugaas Muxumed Ugaas Xaashi-Cade Ugaas Faratoon Ugaas Nuur Cubudhiye.. Inuu sidaas abtirkiisu yahay baan filayaa, Kolay waan soo hubsane, Nin Baa gablamay oo Ugaas ahaa oo markuu dhintay ina adeerkii qaatay jakada, Waa kii Uu Gabay-Hawle lahaa ( Hayin Nimuu ka jiifsaday wax uuun hilayga saarsaarye /Xuseen Baa Kaga Haboonaa Weynu Heli Heyne / Aan Haaramanee Faratoon Inaga heeryeeya)...

Teeda Kale, Maxaa sidan kuu kala baray Reer Ugaas Maganka, Yaad istaqaanaan Ood wareeysataa oo reerkaas ah, Waa intaas oon gartee?.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Thu Oct 01, 2009 1:55 am
by XKeyse_
Nimankaas aan kor ku xusay waxan ka qoray cajalada kali ah ee u duubay nin ka mid ah raggi Guba ka qeyb qaatay , wakhtigaasna joogay Wardheer 1924kii. 1968kii baa Prof. Diiriye Caraale cajalad ka duubay Jaamac Xirsi Guuleed "Ina Dubbe" isagoo wakhtigaas ah oday 80 kor u dhaafay. Wuxu kaga sheekaynayaa maalintii cali dhuux Wardheer yimi, jawaabtisii iyo jawaabtii u Qamaan Bulxan ugu jawaabay ka dib dilkii Gaani iyo Gaydh iyo dagaalkii ka dhacay Hara Digeed iyo raggi reer Dalal iyo kuwii reer Caynaashe ee la kala dilay.

Qyebta 1aad http://www.hoygasuugaanta.com/Guba_JXDubbe.rm , Jaamac iyo Cali dhuux

Qeybta 2aad http://www.hoygasuugaanta.com/JXDubbe4.rm , Jaamac iyo Qamaan Bulxan.

Raga dagaaladaas ku xusan :

1- Nuur Ismaaciil Codoy
2-Yuusuf ismaaciil Codoy
3- Cismaan Goray (Ogaadeen)
4- Xuseen xayle (Ogaadeen)
5- Ina Cilmi Kaahin (Ogaadeen)
6-Caabi Muuse (h.Y)
7-ina Keenadiid ?
8- Jaamac deleb (ogadeen)
9- Muuse Rogaal (h.y)
10- Gaydh.(Ogaadeen)
11- sheekh Cabdi samad ( H.Y)

Dadku waxay isku qaldaan Gadyhka reer Dalal u talinayay iyo Gaydhkii dhulos ee reer Cabdile dileen.

Gabaygaad kor ku xustay waa gabaygii Jaamac tiriyay maalintii la dilay Gaani iyo Gaydh uguna jawaabayo Qamaan Bulxan:

1-Awal maanso guubaabadeed gawska kuma hayne
2-Meeshii iyo gu'yaaladan ba wey igu gullaanlayde
3-Gudbiyeye anoo xalay hurda, baa goosin ii yimiye
4-Afarleyda gaagaaban bay golaha keenaane
5-War kama gaboodaan ee wey nagula guulaane
6-Gabni toocsada baa loogu go'ay goob la joogabo'e
7-Marku se ila gudboonaado waataan gurayn jiraye?
8-Goodaadin maayo ee badaaan gacan ka sii dayne
9-Meeshii iyo Gal-duur waxan galiyay waaweyne
10-Bal iga gura gidi caawa waa gololocdaydiiye

11-Gaaroodigii Ciidagalane galalaf haw qaado
12-Amxaar oo galbeed iga xiga oo go'an ha waydaarto
13-Godka Adari nimankii fadhiyay golahu haw tuuro
14-Gaadhiga iyo minwaarada guda ha sii raaco
15-Garbo iyo caatii ku xigay galabta haw dhoofo
16-Gufaacada Majeerteen ha galo giniyo weeyaane
17-Salaan baa ku geeraarayee gacanta haw dhiibo
18-Cali Dhuuxna wow guuxayee gogasha haw seexdo
19-Haku guuro waakii Qamaan waa noo gabyoon jiraye
20-Guunida iyo waatu ku waday sida gubintaaye
21-Gabraartaba ninkii soo dhex galay goolka ka abaarye
22-Gurguro muxuu yidhi geeri ku filan guulna tari waaye
23-Gob ma tahay haduu Gaani ka baxay gaanki Ba-xawaadle

24-Afartaas wax laysuma gudbiyee gaw ma ka siiyey
25-Kolba ararta lama soo goobtee godlo ma yeelay
26-Gadhka meylka buuxsaamaya gaaf ma ka hilaacshay
27-Gaban kalana way Dalal Ugaas midaan ku gawdiidshay

28-Inagoo geyiga eebahay wada garmaaxayna
29-Inagoo dadkii gacal noqday oo laysu googooyay
30-Inagoo madheedhkii Gar-Duur geelu wada daaqo
31-Saw inamdiinii gudiyay geesta kama dhaafin
32-Saw gaadmadii Caaddme iyo gaanki lama gaashan
33-Gu' waa dili jirnaye saw Afmeer lama gadaafaynin
34-Anna guuldaro iyo waa niqiin guluf ku dooyayse
35-Saw guriba gurigii ku xigay gobol ma naafoobin
36-Ilma Xirsi tey geeyeen sow mid ?
37-Guraase iyo Warsame ilmada gabaxsan laabtooda
38-Geesaaska reer Cabdi Cali sawki go'ayey maaha
39-??????????????????????????????????????maaha?

40-Afartaas wax laysuma gudbiyee gaw ma ka siiyey
41-Kolba ararta lama soo gunttee godlo ma yeelay
42-Gadhka meylka buuxsaamaya gaaf ma ka hilaacshay
43-Gaban kalana waa iga gunid iyo?

44-Idinku geysatoon nooma hadhin iyo guuto xoog badane
45-go'doon reera waataad maadhiin gaadh ka qabateene
46-Gondaa reer Xirsi Dalal waa badnaa gooshigii hor'e
47-Markii se geelu waa nagu xunyee Guuxo ololaysay
48-Gudbankii Gassisiga kolkay gibil madoobaatay
49-Ee gabanta ?
50-Gocolo orodka kolkay goray ku laafyootay
51-Hadaba geesiyaal maali jiray laysku soo gaadhay
52-Gabgablaa ka soo cararay waa noo gurxamayaaye
53-Isagaan geyin abid haduu guudka ool yahaye
54-Isagaan garaad iyo caqli garan inshlaaya?
55-Inaanu gaashaan naqaan Gaani bay furaye
56-Xuseenkii garaadka u eekaa goolna dayahayne
57-sidii xayni tuug dhex galay geela kaga ceershay
58-Gocolo orodka waataad godol ka tuurteene
59-Waxaba hadalku yaanu ila gudbine waxan ku soo gooyay
60-Aleyle Waxa gob ah ninkaan Gaani iyo Gadhyba lo diline

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Thu Oct 01, 2009 2:38 am
by Faarax-Caytame
Waa sidaan ku waday Qiyaastii Sheekadan,waad saxday.
Laakiin Ina dubbe siduu kusoo gaadhay xiligan, Soo ninkii ka gabyay Dilkii Mataan Ciideed ee cadan joogay ma aheyn?..
Teeda kale silsiladaas Rayad baa la dhahaa, Gubba Waa silsiladan Ogaadeen dhexdiis ah.
Raga rayad ka qaybgalay ee Cajalad laga duubayna,Ninkaas kali ah ma,aha, Xuseen Hudle oon filaya inuu ahaa Ninkii ugu dhimisho dambeeyay Ragii silsiladaas rayad ka qayb galay, Wuxuu Dhintay 1972dii Magaalada Qabridahare.
Cajalada ina dubbe waan dhageysan, eeggase shaqaan joogaaye.. ... Adigu ma reer ceynaanshe baad tahay hadaad sidan xogogaal utahay?
Salaamu Caleykum.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Thu Oct 01, 2009 2:42 am
by XKeyse_
Jaamac Xirsi Guuleed waa reer Caynaashe wuxu dhashay 1893, waagu Guba ka gabyay wuxu ahaa qiyaas ahaan 28 jir waa Bacluul Is Qaad walaalkii ninkii odhan jiray " ma ka soo mudh idhi" ee sheekada dheeraa. Adan Dube 'gabay xoog" wuxu dhashay 1841 wuxu dhintay 1909kii waa nin Sacad Yoonis ah oo raggi hore ee gabayga juunaa ku ahaa . waa kala 2 nin laakiin wadaaga naanaysta Dube.

Ma ihi reer caynaashe , habar yoonista kalaan ahay.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Thu Oct 01, 2009 6:49 pm
by CoolPoisons
Queen_Arawello wrote:You need to take break from studying dooro history :up: your obsession with us is unhealthy :up:


:lol: :lol:

have U ever seen IIdor who knows more about Darod history then he knows IIdor history

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Thu Oct 01, 2009 7:26 pm
by The_Emperior5
CoolPoisons wrote:
Queen_Arawello wrote:You need to take break from studying dooro history :up: your obsession with us is unhealthy :up:


:lol: :lol:

have U ever seen IIdor who knows more about Darod history then he knows IIdor history



Professor xplaya is an expert in Somali history No matter what clan he will tell you about the first isaaq king. He will tell you about ogaden ugaasyo bit by bit. Its called knowledge Jeberti boy.

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Fri Oct 02, 2009 1:40 am
by CoolPoisons
Waraa Emperior runta sheeg ninyaho

thats not being expertnimo. That's learning the rich history of Jaberti cause he's a fan

Re: Dating Mataan Ciideed and Nuur Jiir

Posted: Fri Oct 02, 2009 8:46 am
by The_Emperior5
CoolPoisons wrote:Waraa Emperior runta sheeg ninyaho

thats not being expertnimo. That's learning the rich history of Jaberti cause he's a fan


Its called Cilmii Taarikh Isaaq ha noqotto Taarikh Daarood ha noqoto tu hawiye ha noqotto Taarikh Dir iyo carab iyo Xabashi ha noqotto way wadda muddantahay in la soo ururiyo sxb :up:
Thats why Professor Xkeyse is A Expert in East african history
:up: