Jabhadda ONLF oo Guulo ka gaartay Dagaallo Culus oo ay Ciidanka Itoobiya kula gashay Dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya gumaysiga ku hayso.
Garowe,Somalia (AOL)-Jabhadda ONLF ayaa shaaca ka qaaday in ay Guulo ka gaartay Dagaallo Culus oo ay dhawaan lagashay Ciidamada Itoobiya ee gumaysiga ku hayo Dhulka Somaligalbeed.
Saraakiil katirsan Jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay Khasaara xoogan Dhabarka u saariyeen Ciidanka Tikreega ee dhibaatada ka wado dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya maamusho.
C/qaadir Hirmooge oo katirsan Mas'uuliyiinta ONLF ayaa sheegay in Ciidankoodu ay Itoobiya kala wareegeen Fariisimo ay ku lahaayeen Dudumo Cad iyo Duufaan oo ku dhaw degmada Dhagaxbuur Dhulka Somaligalbeed.
Jabhadda lamagac baxday ONLF ayaa la sheegay in ay qabsatay Saldhigyo Ciidan oo hub farabadan ugu xaraysnaa Ciidanka Itoobiya oo ka cararay goobta markii uu dagaalku ku adkaaday.
Ciidanka Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday kuwa Daciifay marka loo Eego dagaaladii ay ka wadeen dhulka Somaligalbeed waloow ay weli wadaan dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Somaligalbeed ee Noloshu ku adagtahay.
Daahir Guuleed, Allgedo Online,Garowe/Somalia





