War Deg Deg ah: Hawlgal cusub oo loogu magacdaray -Mahiigaan- ayaa 12 saldhig cadawgu lahaa cagta lagu mariyay.
Dec 10, 2009 (QOL) Waxaa war degdeg ah uu naga soo gaadhay goobaha dagaalka ee halganka gobonimadoonka Ogadenya uu ka socdo.
waxay wararku sheegayaan in bisha Decembar 9keedii 2009, oo ku beegnayd maalintii gumeysatada Itoobiya lagu qiimeynayey sharci ku tumashadeeda uu Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya (CWXO) hawl galka lagu magacaabay Mahiigan uu ku fuliyey in ka badan 12 saldhig oo ciidan cadowga uu ku lahaa gudaha Ogadenya oo badan kood cagta la mariyey.
Hawl galka Mahiigaan oo bil ka dambeeyey midkii Eebo Cadow ayaa dhacay habeenkii bisha Desembar ahayd 9ka ee 2009 iyadoo isku mar la weeraray sladhigyadaa. Meelaha uu sida siman uga dhacay waxaa ka mid ah: W/Dheer, Q/Dahar, Dh/Buur, Gunagado; Dh/Madow, DuDun, Gebiga Faareysa (Gobolka Shabeele), Eimeyda Bari, Dhuxun, Xamaro, Fiiq, Bambaas (G.Jigjiga) iyo Anane (G. Jigjiga).
Waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in cadowga dhibaato weyn oo faahfaahintiisa gadaal laga soo sheegi doono lagu gaadhsiiyey Hawlgalkan Mahiigaan.
ONA.




