Postby Faarax-Caytame » Mon Dec 21, 2009 5:41 am
haa gabaygaasi wuxuu ahaa
Subxaanyaduba waa halaq hadday surin maraysaaye
Senti-taano waa lacag hadday saaran tahay miise
Saratoosiyuhu waa wax weyn waana haad suga e
Sambab waa cad weyn oo kuyaal sarara hoostoode
Sooxaari waa timir Barni yaysan saakumine
Siin iyo dhareer waa candhuuf waana shay si ahe
Saaladu lo'du waa cagaar waana sixinsiire
Sacad Waa Ogaadeen haddaan sidig la doonayne
Siwaaqroonba waa niman hadday socoto Xaafuune
Subeer Maxamed, Siin Waaq, Bah Geri, Habar Siciid oo dhan
Sacad iyo Makaahiiliyo Intaa Sarar Ogaadeen ah
Saddexdii Harti iyo looma tegin Sade Mareexaane
Daarood silsiladiisa kore ayaan laysa soo sudhine
Saaxiibkayow ma anigaa suqayar lay mooday?
Mise wiilku wuu salal-anbaday Siiyahay magane?
Surgin baan ku jiriqsiin lahaa sidii sagaareede
Sanduuqbaan ku aabudhi lahaa soomadaaye ahe
Samo aabahaa falay baryaad sado ku maashaaye
Samaanteeda Habaryoonis baan salax rogaayaaye
Caku reer Suldaan Diiriye iyo Sugulle Caynaashe