Today
Jigjiga, 25 Jan, 2010 (Ogaal)- Dawladda Itoobiya ayaa muddo 48 saacadood ah xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, waxaanay joojisay gebi ahaanba isu-socodka gaadiidka ee u kala gudbi jiray labada dal, marka laga reebo Baabuurta Qaadka.
Inkasta oo aanay labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya si rasmi ah uga hadal arrintan, haddana siday Wargeyska Ogaal u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Dawladda Itoobiya ayaa shalay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, kaas oo ay sheegtay in uu xidhnaan doono muddo 48 saacadood ah oo shalay ka bilaabma, kuna eg maanta oo Isniin ah. “Toddobaadkii u dambeeyayba waa la adkeeyay xadka, si adag baana loo baadhayay dadka ka gudbaya, balse maanta (shalay) ayaa la xidhay. Dhinaca Somaliland waxa tuman dad badan oo u gudbi lahaa dhinaca Itoobiya, waxaanay buux-dhaafiyeen Huteellada la seexdo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalo-xuduudeedda Wajaale oo Wargeyska Ogaal uga waramay arrintan. “Baabuurta Qaadka ka soo qaada Itoobiya oo kaliya oo aanay Darawalka iyo raacuhu oo kaliya la socdaan ayaa la ogol yahay inay ka gudbaan Xadka, kuwaas laf ahaantoodana lama ogola inay dib ugu noqdaan Itoobiya ilaa amar dambe oo waxa la faray in ay joogaan dhinaca Somaliland.” ayuu intaa raaciyay qofkaasi. Waxaanu sheegay in dadkii ka bixi lahaa Itoobiya ee u socday dhinaca Somaliland lagu joojiyay Magalaada Jigjiga oo aan loo ogolayn inay ka baxaan ilaa xadka la furayo.
Sababta loo xidhay Xadka ayaa lagu sheegay in uu Ra’iisal-Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi markii ugu horraysay muddo 20 sano ku dhaw oo uu xilka hayay uu socdaal ku imanayo magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. “Magaalada Jigjiga waxa lagu qabanaa shirkii xoolo-dhaqatada Itooobiya oo beri (maanta) oo Isniin ah, marka laga yimaaddo masuuliyiinta kale ee ka qayb-galaya, waxa Shirkan imanaya oo ka qayb-galaya Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo la filayo in uu Diyaarad ku yimaaddo.” Waxa isna sidaa Ogaal u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta u dhuun-daloola arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.
Masuulkani wuxuu intaa ku daray in waqtiga la filayo in la furo Xadka Somaliland iyo Itoobiya ay tahay marka uu Meles Zenawi ka amba-baxo magaalada Jigjiga. “Waxa la filayaa in uu Jigjiga joogo muddo afar saacadood ah, waxaana la furi doonaa xadka marka uu noqdo gelinka dambe ee beri (maanta). Inta ka horraysa waxa la sheegay in uu xidhnaan doono xadku.” Ayuu yidhi masuulkaasi.
Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Booliska ee Jigjiga oo loo magac-bixiyay Booliska cusub (New Police), ayaa la keenay magaalo-xuduudeedda Wajaale, kuwaas oo ilaa shalay hubinayay hirgelidda xidhitaanka Xadka, isla markaana kormeerayay xadka.
Maaha markii u horraysay ee ay Dawladda Itoobiya xidho xadka ay la wadaagto Somaliland, hase ahaatee sanadkii hore ayay ahayd markii muddo gaaban ay sidan oo kale u xidhay, balse ay markii dambe dib u furtay.