Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhoobley liberated from Shabab Al-Takfiiri.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Dhoobley liberated from Shabab Al-Takfiiri.

Postby hanqadh » Thu Feb 18, 2010 11:40 am


Waxaa Warsidaha Dhanaan.com si isdaba joog ah ugu soo dhacaya warar iyo faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Dhoobley a ee loogu awood sheegtay ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada.Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay xaqiijinayaan in dagaalka saaka ciidamadii Al-shabaab looga dilay 9 askari halka 7- baabuurna loogaga qabsaday .

Khasaaraha soo gaadhay ciidamadii qabsaday magaalada ee uu hogaaminayey Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay hal dhimasho ah taasoo tirada wadareed ee khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhigaysa 10 ruux.

Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada.
Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 7-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab.

Ciidamadii Al-shabaab ee laga saaray magaalada ayaa ku baxay dhanka wadada aada Husingoo iyadoo sida wararku sheegayaan lagu daba jiro oo ay sii baacsanayaa ciidamadii Sheekh Axmed Madoobe.

Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu goor dhow shir jaraa'id ku qaban doono gudaha magaalada Dhoobley kaasoo uu kaga hadli doono dagaalkii saaka ciidamdiisu kula wareegeen magaalada Dhoobley.

Wararka ugu dambeeya ee xaalada Dhoobley iyo guud ahaan jawiga kacsan ee Jubooyinka kala soco Dhanaan.com

Dhanaan.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests