Postby ina aadan » Thu Mar 04, 2010 7:28 pm
Queen_Arawello
inaabti reerku inay geesiyaal yiin nina kuma haysto
e waxaa khalad ah inaa tidhaahdid ogadenbay dagaal kaga adkaaden
iyadoon arinku saa ahay saydka iska daaye muxuu aderkaa ka yidhi bal eeg gabaygan
Xarbi ismaciil
Dagaal xun dabadii, Geel Gafuure Xume loo bixiyey ayuu Ogaadeen kasoo qaaday Isaaq iyo Jilibyo Dhulbahante ah xilliyadii ay socdeen dagaaladii Rayadka ee u dhexeeyey qabiiladii Ingiriis la socday ee uu sida gaarka ah u hubeeyeey iyo kuwii Absame. Ragga dhinaca Rayad ka diriray waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan waxaana dirirtaa lagu laayey rag ka mid ahaa kuwa uu ku dhaarto abtir ahaanna ay isu dhaw yihiin. Haddaba Cali-dhuux wuxuu mariyey tixo dhawr ah oo uu ragga la jaray ugu baroordiiqayo, waxna ku guubaabinayo. Waxaa ka mid ahaa kolkii uu lahaa:
Aniguba gankaasaan ahoo, way gablamiyeene
Gadhcaddiyo Casayrow maxaa, reer la guban waayey
Giddigii Ogaadeen maxaa loo, gondoli waayey
Gaar ahaan Abraahiin maxaa, loo ganbiyi waayey
Markii kalena waa kii lahaa:
Anigaba cidlaa looga tagay, curadadaydiiye
Ragga cudduda weyn liyo haddaan, Caliyo soo waayey
Cabdi Gaabku iigama dareen, Cumar Abraahiine
Tixihii ay meerisyadaa kore ku jireen ayaa gaadhay Xarbi Ismaaciil Samatar oo xilligaa Jarar joogay. Xarbi wuxuu soo faray tix aanu ka helay meerisyadan hoose oo uu ugu jawaabay Cali-dhuux. Wuxuu yidhi Xarbi:
Calool xumo Alleylehe raggii, ciil la baday baa og
Inuu geel cir weyn yahay raggii, ceel u shubay baa og
Inuu cawlku doodiyi ninkii, celi yidhaahdaa og
Dharku cawraduu qarin ninkii, calalna waayaa og
Subag inuu casiis yahay ninkuu, Carab u miisaa og
Cunto inay macaan tahay ninkii, kaa ceshaday baa og
Inay ceebi daba taal ninkii, calafka dhiibaa og
Cirro inay gabow tahay ninkii, la cimrisiiyaa og
Doqon inuu canaad yahay ninkii, ciirso yidhi baa og
Cududaha Ogaadeen haddii laga cabsoon waayo
Inaan layska celinayn raggii, caayi jiray baa og
Kolkii curaddadiisii la jaray, uu cidla istaagay
Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye
Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone
Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyn