Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Aden Abdullahi Nur Gabyow and Gedi Ugas Madhar

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Aden Abdullahi Nur Gabyow and Gedi Ugas Madhar

Postby Siciid85 » Mon Mar 22, 2010 10:13 am

Can anybody tell me who this guys were? I know they played some role in the civil war.

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Aden Abdullahi Nur Gabyow and Gedi Ugas Madhar

Postby ina aadan » Mon Mar 22, 2010 10:16 am

Jeneral Adan Cabdilaahi Nuur ( Gabyow) waxa uu ku dhashay magalada Madogaashe ee gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya.

Waxa uu askarinimada qortay 1947-dii xiligaasoo uu ku biiray ciidamadii la oran jiray KAR King African Rifle oo Ingiriisku uu lahaa , Batalyanka sadaxaad. Dhibowgana waxa uu kaga baxay Magaalada Jinja ee caasimada labaad ee dalka Uganda.

Isla sanadkii uu dhibowga dhameystey, waxaa loo qaaday magaalada Jigjiga oo ciidamadii KAR ay xaruntoodu ahayd.

Jigjiga ka dib waxaa loo soo badalay magaalada Kismaayo 1950-kii markii dowlada Ingiriisku ay koonfurta Soomaliya ku wareejisay Talyaaniga. Addan gabyow waxa uu ka mid ahaa Cutubkii ugu dambeeyay ee laga soo qaado magaalada Kismaayo. Waxaana lo soo wareejiyay magaalada Yanyuki ee dalka kenya.

1951-dii waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee ka dagaalamay Dalka Kuuriya. 1952-dii waxaa lagu soo celiyay dalka Kenya.

Isla Sanadkaasi 1952-dii markii uu dhintay King Goerge-kii England adan gabyow waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Africaanka ee loo qadaay caleemo saarkii Boqorada Queen Elezabeth waxa uuna ka mid ahaa askartii Kenya ka socotay.

Subaxaasi boqorada la boqrayay Adan Gabyow Allaha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa ciidamadii ku horgaardiYay Boqarada waxa uuna safka ugu hore kaga jiray gardigaasi loo samaynayay caleemo saarkii Queen Elizabeth darajadiisuna waxau ahay Sajin Major.

1953-dii waxa uu macalain tawabare meleteri ah ka noqday xerada meleteriga ee Lanet ee ku taala magaalada Nakuru ee dalkan Kenya oo markaasi ahay xarunta Tawabarada ee wadamada Bariga Africa.

1954-tii waxa lagu celiyay Batalyankiisii ama guutidiisii KAR oo markaasi dagaal kula Jirtay Jabhadii Maw Maw-ga ee Kenya xornimada u raadinaysay .

Taarikhdiisii Soomaaliya

Jeneraal Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow, Allaha-u-Naxariistee waxa uu Soomaaliya soo galay sannadkii 1970-kii isagoo ka soo baxsaday maamulka dalka Kenya halkaasoo la sheegay in uu ka ahaa Gaashaanle ciidamada ka tirsan.

Isla markii uu soo galay dalka waxaa masuul looga dhigay xero markaasi cusbayd oo la dhihi jiray Bootiko, kaddibna loo bixiyey Xerada Tababarka Xalane, halkasoo uu darajada Gaashaanle Sare ku qaatay sannadkii 1976-kii, waxana uu joogay Xalane ilaa sannadkii 1979-kii.

Laakiin, markii la aasaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed sannadkii 1976-dii ayuu Allaha-u-Naxariistee Jeneraal Aadan Gabyow waxa uu ka noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan golihii dhexe ee xisbigaasi oo ahaa midkii keliya ee jiray isla markaana talada dalka hayey.

Sannadkii 1979-kii waxa uu General Gabyow qaatay darajada Jeneraalnimada, waxaana laga dhigay wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. Sannadkii 1986, ayuu misana waxa uu noqday wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga.


Allaha-u-Naxariistee Jeneraal Gabyow siyaasadda intaasi kagama harin ee waxa uu durbaba noqday guddoomiyaha garab ka mid ah garabyada ururkii SPM.

Jeneraal Gabyow waxa uu misana taxaaluf siyaasadeed la yeeshay Cali Mahdi Maxamed oo markaasi hoggaaminayey rag kaloo badan oo dhammaandoona ka soo wada horjeeday Jeneral Caydiid, waxayna shirkii Addis Ababa ee sannadkii 1993-kii uga qeybgaleen iyagoo la yiraado ururrada 12-ka ah.

Sannadkii 1995-tii waxa uu Jeneraal Gabyow ka mid noqday ururro ku bahoobay magaca SSA oo 13 urur ahaa oo uuna guddoominayey Cali Mahdi Maxamed, waxuuna Jeneraal Gabyow ka qeybgalay shirkii Soodare ee Itoobiya iyo weliba kii Qaahira ee sannadkii 1997-dii kaasoo ay isaga iyo Colonel Cabdullaahi Yuusuf isaga baxeen.

Xilligaasi kaddib, Jeneraal Gabyow waxa uu muddo dheer joogay dalka Itoobiya, isagoo misana mucaaraday shirkii dalka Djibouti ee lagu soo dhisay dowladda KMG ah, wuxuuna dabadeed ka mid noqday guddoonka wareegga ah ee ururka SRRC-da ee lagu soo dhisay dalka Itoobiya, sannadkii 2001.

Geerida Allaha-u-Naxariistii Jeneraal Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow waxa ay tirada hal ka dhimaysaa ragga ay weli tiradoodu soo kordhayso ee hadda u sharraxan madaxweynennimada Soomaaliya ee shirka Soomaalida ee Kenya, waxaana weliba si weyn mar kasta loogu xusuusan doonaa hadalladiisii aanay dhagarta ku jirin ee uu masraxyada siyaasadda dadka ka hor dhihi jiray. Jeneraal Aadan Gabow, Allaha-u-Naxariisto

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Aden Abdullahi Nur Gabyow and Gedi Ugas Madhar

Postby hargaysaay » Mon Mar 22, 2010 11:04 am

Aadan gabayow waa reer cabdule sax

inankiisu baarlamaanka somalia ayuu ku jiraa.

waa ninkii markii hargeysa snm laga saaray calankii ogaadenka ka dhex taagay intii uu calankii somalia ka dhex taagi lahaa ee yidhi dhulkii iidoor inaga qaaday maantaynu soo ceshanay ninku wuu yara caadifad badnaa, laakiin hada iilkuu ku jiraa ee ilaahay ha u naxariisto

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Aden Abdullahi Nur Gabyow and Gedi Ugas Madhar

Postby Siciid85 » Mon Mar 22, 2010 11:23 am

Inadaan, thanks for the biography.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Aden Abdullahi Nur Gabyow and Gedi Ugas Madhar

Postby hanqadh » Mon Mar 22, 2010 11:44 am

Gabyow :heart:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests