Wararka naga soo gaaraya Gobalada Ogaadeeniya ayaa sheegaya in Xoogaga Jabhada ONLF ay dul fadhiyaan Magaalooyinka Halkaas oo aan Ujeedada Dhabta ah aan la ogayn, Wararka Intaas waxay Ku darayaan In Goobaha Qaar lagu arkayo Gaadiid ay wataan oo ah Baabuurta Dheeraya ee loo yaqaan Cabdi Bilayaasha, Ilaa hada lama Hayo in Jabhada ONLF maagan tahay weeraro Iyo In ay tahay Dhoola Tus ciidan.
Magaalooyinka ay dul fadhiyaan xoogagaas ayaa ah,Godey, Jigjiga, Qorahay, Fiiq, Dhagax Buur Iyo Tuualada Baabili, Gawaarida soo kala baxay Magaalada Jigjiga iyo Harar ayaa la sheegay in Sedex Habeen u danbaysay Jabhada joojisay Iyagoo ka baaraya Sirdoonka Dharcada ah ee Ciidanka Itoobiya oo mar mar ku soo dhuunta.
Mid ka mid ah Muwaadiniinta oo Magaalada Diridha Jooga ayaa noo xaqiijiyay in Baabur meel u dhow Magaalada Harar ku joojiyeen, Muwaadinkaas wuxuu yiri," Marka hore dadka dhan cabsaday waxaan saarnayn Bus yar ee Makhribkii ka soo baxay Jigjiga, Mid ka mid ah Ciidanka soo dajiyay dadka , wuxuu Hadalka ku Bilaabay, Salaamu Calaykum Ha baqin wax yar idin waydiin?
Kadib wuxuu na waydiyay inaan nahay Sirdoon waxaan u sheegnay inaa nahay Shacab kadib way na faasxeen.
Dhanka Kale Magaalada Godey ayaa Ciidamo Xoogan Fadhiyaan, Waxaa Sidoo kale Joogaan . Dhagaxbuur Dusheeda,
Gaadiida Dowlada Itoobiya laba Bilood Mar baxaa Iyagoo ah ILAA 200 Baabur lama ogola in baxaan.
Xoogagagan ONLF ayaa dagaal kula jira Ciidamada Itoobiya laga soo bilaabo aas aaskii Jabhada ONLF 1984, Balse Jabhada ONLF Ayaa Dagalka Xoogan bilowdy 1993.
Hadafka oogu wayn ee Jabhadan u dagaalanto ayaa ah gooni isu taaga Soomalida Ogaadeeniya ee Xukumada Gumaysigu ee Ingiriiska Iyo Itoobiya isku Wareehiyeen 1896-1954.
Ogadentoday





