Postby ina aadan » Sat May 08, 2010 9:08 am
1-Ugu horayntii amiirkii Herer Amiir C/laahi ayaa kadib markii caasimadii laga-qabsaday, u soo baxsaday dhinaca somaalida, wuxuuna halgamayay 1887-1889kii, kadibna Jigjiga aga gaarkeeda ayaa lagudilay.
2-Cabdi garaad ayaa isna bilaabay inuu ka hor-isataago inay xabashidu fooda soo galiso gobolka dhagaxbuur sagaashameeyadii qarnigii 19aad, ilaa uu hubkiisii markii danbe Sayidkii ku wareejiyo.
3-Sayid Maxamed ayaa halgan aad uxoog-badan, oo socday(1897-1921kii) la galay dhamaan quwadihii shisheeye ee dalka Soomaaliyeed qaybsaday.
4-Cabdi Cumar ayaa isna kacdoon kasameeyay gobolka Nogob.
5-Dhicis Muuse ayaa wuxuu ka hawlgali-jiray Goday eeriyadeeda.
6-Dhaqdhaqaaqii uu hogaaminayay Suldaan Olol Diinle ayaa wuxuy ka hawlgalayay gobolada Qalaafo iyo Hiiraan 1925kii iyo sanadadii kadanbeeyay.
Ragan xageed ku ilowday