Maalintii Khamiista ee 27 May 2010 ayaa waxaa magaalada Rome ee dalka Italy ka furmay shirweynihi 10aad ee ururka UNPO ee u dooda Shucuubta aan ku lahayn kursi QM.
Waxaa shirkaas u matelayay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha jabhadda Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oy la socdaan Hogganka Arrimaha Dibedda mudane C/raxmaan Sh.Mahdi iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee siyaasadda iyo Diblomaasiyadda Mudane Axmed Gurxan.
Shirka ayaa lagu qabtay aqalka Senetka Talyaanig. Waxaa furay shirka Senator Marco Perduca oo ka tirsan xisbiga Radical-ka oo iyagu shirka martigelinayay.
Waxaa ka dib shir-guddoonka la wareegay Mudane Ledum Mitee oo ah guddoomiyaha ururka UNPO oo warbixin dheer ka jeediyay xaaladaha shucuubta dulman.
Waxaa kale oo Goobtaas ka hadalay madax badan oo ka kala tirsan baarlamaanka iyo senetka dalka Talyaaniga oo ay ka mid yihiin Mrs Emma Bonino, Senator Marco Panella oo ah hoggaamiyaha xisbiga Radicalka, Senator Pietro Marcenaro oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka talyaaniga.
Dhamaan madaxdaas waxay ballan qaadeen in ay taageeri doonaan shucuubta dulman oo ay Soomaalida Ogaadenya ka mid tahay fagaarayaasha Yurub iyo adduun weynahaba.
Shirka qaybtiisa labaad waxaa lagu ansaxiyey ajendayaasha iyo warbixintii guud ee maamulkii hore. Waxaa kale oo cod loo qaaday oo si buuxda uu u ansaxiyey golaha guud ee UNPO iyadoo uu halkaas ku saxiixay heshiiska guddoomiyha jabhadda.
Shirka oo socon doona dhowr maalmood waxaa lagala socon karaa oo laga daawan karaa si live ah http://www.radioradicale.it .
Xigasho----ONA/Rome









