http://www.kismaayocity.com/uploads/img ... 585444.jpg
Waxaa galabnimadii Jimcaha taariikhda ahayd 12/06/2010 caasimada Denmark ee Kobenhegen
kadhacay shir si heer sare loosoo agaasimay kaasoo looga hadlayay xaaladda guud ee somaaliya, gaar ahaan xaaladda Goballada Jubooyinka.
Shirka waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Culumaudiin, Waxgarad iyo dhamaan qaybaha Bulshada waxaana marti sharafka sirka ahaa Prof Maxamed Cabdi Gaandi, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo gudi lasocday oo aay kamid ahaayeen Xildhibaan ugaas cabdi-wahaab ugaas oo katirsan DKM Soomaliya iyo wufuud ka kala yimid wadamada yurub qaar kamid ah iyo mas'uuliyiin kasocotay Golaha Qurbajoogta Jubooyinka
shirka ayaa jawigiisa isbadelay markuu soo galay br Gaandi iyo wafdigu hogaminayay asagoo sacab iyo mashxarad lagu soo dhoweeyay. Shirka ayaa aad loogu gorfeeyay xaalada Jubooyinka siyaasad ahan iyo amni ahaanba iyo horomarkaba. Oogu horayntii wuxuu shir gudoonka kusoo dhoweeyay madasha Xildhibaan Ugaas Cabdi Wahaab, asagoo aad oogu dheraaday xaalada Soomaaliya halkay marayso guud ahaan gaar ahaanna Jubooyinka. Kadib waxaa lagu wareejiyay hadalka Prof. Gaandi oo aay dad waynuhu aad usugayeen. Prof Gaandi oo ah aqoonyahan siyaasi rugcaddaa ah, ahna Wasiir katirsan DKM iyo waliba mas'uulka uqaabilsan howlaha Jubooyinka DKM ayaa markuu hadlaba dad waynuhu ay sacbinayeen asagoo kahadlay xaaladda Soomaliya dhan walba, xaalka ugu wanaagsan Soomaaliyana kutil maamay in deegaan hab dhismeedka soomaaliya lagu saleeyo iyadoo cadaalad iyo sinaan iyo in cidna cid kale inay dulmiso aan la ogolaanayn. Prof. Gaandi ayaa ka hadlay ciidamada iyo maamulka iyo barnaaijka siyaasada ee DKM ee Soomaaliya ee ku aadan Gobalada Jubooyinka asagoo dad waynihii aad uqanciyay kadibna wixii su'aala ahaa uga jawaabay si hufan. Dad waynihii meesha isugu yimidna waxay balan qaadeen inay Prof Gaandi hiil iyo hooba ay lagarab taaganyihiin barnaijka uu mas'uulka kayahay. Waxaa kaloo shirka kahaday mas'ul katirsan Golaha Qurbajoogta Jubooyinka Mudane Xasan Cabdi asagoo kudheeraaday waxqabadka Golaa Qurbajoogta dhanwalbo iyo teegeerada uhayaan shacabka kudhaqan Jubooyinka. Waxaa kaloo shirka kahadlay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Dr Gacal iyo Mudane Ducale iyo Mudane CabdiCasiis oo iyagana kahadlay taageerada aay u ahayaan dadka kunool Jubooyinka.
Shirka ayaa kudhamaaday farxad iyo damaashaad iyo casho sharaf loo sameeyay Prof Gaandi iyo wafdigiisa. Golaha Qurbajoogta Jubooyinka ayaa Prof Gaandi iyo wafigiisaba ku casuuntay Qaaradda yurub. Wuxuuna Prof. Gaandi u gudbay isaga iyo wafdigiisa wadanka UK, halkaasoo ooga qaybgalayo shir waynaha Golaha Qurbajoogta Jubooyinka ee UK.





