2 days ago Onlf attacked Qabridahare and Dagaxbuur for the second night.Great development from the Onlf, more to show they can take this region within the next few years Inshallah.The Xabashi forces of the north are also doing well, let Ethiopia burn.War cusub oo hadda soo gaaray Wakaalada Wararaka Ogadenya (ONA) ayaa naloogu sheegay in magaalada Dhagaxbuur xalay fiidnimadii ay CWXO dagaal culus ku soo qaadeen laba xero oo ka mid ah xeryaha ku teedsan magaalada. Warku wuxuu intaa ku daray inuu dagaalka oo socday saacado ay CWXO ku qaraacayeen xeryaha boobaha culus iyo hub kaloo ay sheegeen dadweynaha in meela fogfog laga soo ridayay xeryaha taasoo u muuqda in hub cusub oo ama ah madaafiicda fudfud ama hoobiyaha ay CWXO ku dagaal galayaan hadda. Dadweynaha magaalada ayaa saaka isla dhex marayay inay aad u gadoodsan yihiin ciidamada Wayaanaha taasoo muujinaysa inuu khasaare xoogan ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xalay.
Arintaa ayaa galisay argagax balaadhan ciidamada Wayaanaha ee dhufaysyada ka qotay xeryaha iyo daafaha magaalada.
Faafaahinta dagaaladan iyo khasaaraha xooga leh ee soo gaaray cadawga ayaan gadaal ka soo sheegi doonaa.
Guul iyo Gobanimo.
ONA/Dhagaxbuur.




