Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dagaalo ka socda gobolada ogadenia.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Dagaalo ka socda gobolada ogadenia.

Postby EEGA9 » Tue Aug 10, 2010 3:52 pm

CWXO oo weerar qorshaysan ku qaaday ciidamada gumaysiga

OT: ONLF oo Xalay Lix Degmo Weeraro Qorshaysan Ku Qaaday.
Saraakiisha Ciidamada ONLF oo la soo Xariiray Warsidaha Ogadentoday ayaa u Xaqiijiyay Inay xalay qaadeen Weeraro Qorshaysan oo ka Dhan ah Ciidamada Itoobiya Waxayna Weeraradan ahaayeen Kuwo Halmar Dhacay oo ka Dhacay Degmooyinka Gobalada Ogaadeeniya.

Saraakiisha Ayaa sheegtay In Dagaalkaas Xalay ay qaadeen Saqdii Dhexe uu ahaa Mid Dhowrgoobood lala Beegsaday oo ka mid ah Degmada Godey gaar ahaan Dhanaan, Qabridahar, Wardheer Iyo Fiiq.

Weeraradan ayay Sheegeen inay Ku Furteen Hub Badan Gubeen Goobaha Ciidamada Itoobiya Fadhiyeen Balse ay sheegeen inay Faafinta Dib ka soo Baxin Doonaan.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya Xilli maal mahan ay ka socdeen Gobalka Ogaadeeniya gaar ahaan Dhagaxbuur Dagaalo, Sidoo Kale Xilli ay Dowlada Itoobiya Sheegtay in ay Kooxa ONLF wada hadlayaan hase ahaatee Ciidankii ONLF uu Dagaal ku Jiro.

Wararka ayaa waxay Intaas ku Sii Darayaan In Labadii Maal mood ee u Danbaysay ay Dagaalo ka socdeen, Deegaamada Daakhato, Toga Booraale Iyo Ceelo Obo, Saraakiisha ayaa sheegtay In Ciidankii Itoobiya ee Goobtaas Joogay ay u kala Jabeen Seddex Qayb.

Ogadentoday.com
Warbaahinta Ogadentoday Waxay ku Jirtaa Ilaa hada Aruurinta Dagaalo goos goos ah oo Jabhada ONLF ay ku Qaaday Labadii Habeen ee oogu Danbaysay Fariisimo ay Ciidamada Itoobiya ku Lahaayeen Gobalada Iyo Degdoomiynka Ogaadeniya.

Waxaa Wararka Maanta na soo gaaray ay sheegayaan In Dagaalkii uu sii Balaaranaya Iyadoo Magaalada Dhagaxbuur ay Maanta Geeyeen Ciidamada Itoobiya 40 Tank Iyo 21 Beebe, oo ay ku sheegeen inay u qaybinayaan Gobalada.

Dadka Shacabka ah ayaa sheegaya in Dagaalku sii Xoogsanayo, Iyadoo Ilaa hada aan la hayn Khasaaraha Dhabta ah ee Dagaaladaas ka Dashay kuwaas Saq-Dhexe Lagu Fuliyay Goobo Cayiman oo Ciidamada Itoobiya ku Sugnaayeen oo ka Baxsan Goobaha Shacabka.Jabhada ONLF ayaa aad ooga Taxadaraysa in Goobaha Shacabku uu Dagaalku Ku Fido.

Illaha sida Tooska ah nooga soo waramaya Waddanka ayaa sheegaya In Xalay Goob ay ku Cawaynayaan Ciidamada Itoobiya oo ku Taalla Magaalada Shilaabo ay ka Dhacday Israsaasayn Ilaa hada waxaa la Xaqiijinaya in Halkaas Laba Askari oo Ciidamada Itoobiya ku Dhinteen.

Dhanka Kale Xerda Ciidanka ee Magaalada Shilaabo ayaa loo gaystay Duqayn Hubka Culus ah.

Illaha aan Wararkan ka soo Xiganay ayaa ah Kuwo Seddex Qayb ah si aan u Xaqiiqsano, Illaha Shacabka, Illo Madaxbanaan Iyo Illaha Saraakiisha Ciidanka ONLF oo Xariir nala sameeyay.

Dhamaan Wararkan oo Faah-Faahsan waxaan ka soo Gudbin Doona Gadaal

Ogadentoday.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests