Interesting Report from I.Dheere's hometown of Godey
Posted: Sun Aug 22, 2010 1:03 pm
Safarkii Culimada ee Gobolada Godey & Af dheer oo soo gaba gaboobay(Daawo Masawirada)
Posted to the Web Aug 22
Jigjiga:-Bilowgii socdaalkii dacwadeed ee ay culimadu ku tageen gobolka Godey waxa uu bilowday Axad 7-8-2010 oo ku beegneyd (28-08-1431) waxayna Culimadu xiligaa ka soo socdaaleen magaalada Jigjiga ee Caasimadda dhulka Somaligalbeed, wafdigaa Culimada ahi waxa uu ka koobnaa Culimo, Egnineero, Qurbo joog iyo Wariyayaal.
Saacad kadib markii ay Culmadi ka soo safartay magaalada Jigjiga ayay ahayd markii ay gaadeen magaalada Godey ee Gobolka Godey.

Culimada oo ka dhoofaysa Madaarka Jigjiga International
Gudigaa Culimada ahaa ayaa la dajiyay Hotel la daris ah Xarunta Maamulka Gobolka Godey,waxaana qaar kale oo culimadaa ka mid ahi la dajiyay Hotelka Dabaqa kadib markii uu buuxsamey Hotelkii markii hore loogu tala galay.

Culimada oo ku sugan madaarka Magaalada Godey
Culimada ayay magacyadoodu kala ahaayeen
1- Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul
Muuqaalo ka mid ah Magaalada Godey

2- Sheekh Maxamed Cabdi Nuur (casowe)
3- Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)
4- Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (Madani)
5- Sheekh C/rashiid Xasan Aabi
6- Sheekh Axmed Maxamed nuur.
7- Sheekh Cumar Maxamed Xuseen (Faaruuq)
8- Eng axmad cabdi nuur
9- eng c/rashiid sh xuseen dayib
10- Wariya C/raxmaan Yare (ikhlaas)
Muuqaalo ka mid ah Magaalada Godey

Muuqaalo ka mid ah Magaalada Godey

Isla fal galkii Culimada & dadka gobolka Godey & Muxaadaraardkii xidhiidhka ahaa ee Culimada

Dr C/raxmaan Madani oo muxaadaro ka jeedinaya Masjidka jaamaca ee Godey
Culimada markii ay soo gaadhay magaalada waxaa muxaadaraad kala duwan ka soo jeediyey masjidka jaamaca ah ee Magaalada ,waxayna Muxaadaraadka ay culimadu jeediyeen ahaayeen kuwo xidhiidha
Habeenkii Kowaad

Sheekh Max'ed Ibraahim Shakul oo ka Muxaadaro ka jeedinaya Masjidka Jamaca ee Godey[/img]
Habeenkii koowaad ee ay Culimadu u hoyatay Magaalada Godey waxaa masjidka Jaaamaca ah muxaadaro ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul.
Sheekhu waxa uu Muxaadaradiisa uga hadlay iqbaalu Ramadan iyo waxyaabaha laga doonayo qofka muslimka ah inta lagu guda jiro bishaa barakeysan e Ramadanka ,Sheekhu waxa uu Muxaadradiisa ku xusay in Bisha Ramadaan ay u qeybsan tahay sadex qeybood oo kala ah – 10 casho ee hore ay tahay raxmad ,10 casho xigana Dambi dhaaf ,10-ka u dambeysana Naarta ayaa la isaga xoreeyaa.

Dadka oo dhageysanaya Muxaadarada Sheekh Shakuul
Habeenkii labaad

dadka oo dhageysanaya Muxaadarada Sheekh Abuu Xasaan
Habeenkii labaad waxaa Muxaadardo ka soo jeediyay Masjidka Jaamaca Godey Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abuu Xasaan” waxayna Muxaarada Sheekh Abuu Xasaan ka hadleysay mowduuc uu ciwaankiisu ahaa (u toosnow sidii lagu amray).
Sheekhu waxa uu Muxaaradiisa ugu hadlay toosnaanta ay diintu ina amartay ee laga doonayo qofka muslimka ah ragg iyo dumar jinsiga uu doonaba ha noqdee ,wuxuuna Sheekhu tilmaamay in Diintiinu ay tahay mid dhameystiran suurta galna aysan ahayd in wax lagu soo daro ama laga reebo ,Nabigeena Suubana CSW uu jideeyay Shareecada uuna Umadiisa uga digay cadaabta ay muteysanayso cidii Diinta wax aan ku jirin ku soo darta ,si guud waxa uu Sheekh Abuu Xasaan u bidhaamiyay in qofka muslimka ah laga doonayo in uu u hogaamsamo wixii uu Alle amray.
Habeenkii Sadexaad

Dr C/raxmaan madani oo Muxaadaro ka jeedinaya Masjidka jaamaca Godey
Habeenka Sadexaad ee Muxaadaraddka waxaa muxaadarada soo jeediyay Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (madani) ,wuxuuna ka hadlay Muxaadaro uu ciwaankeedu ahaa (Xaqa uu Alle ku leeyahay Adoomadiisa),Dr ku waxa uu Muxaadaradiisa gogol dhig uga dhigay in Alle SW uu Umadiisa ku maneystay nimcooyin kala duwan waxa laga doonayo qofka Muslimka ahna ay tahay in uu Alle caabudo si uu Alle uga raali noqdo ,wuxuuna Drku tilmaamo ka bixiyay waxyaabaha uu Alle dadka ku waajib yeelay in ay ugu horeyso Cibaadadiisa iyo Caabuditaankiisa .
Dr-ku waxa uu tilmaamo ka bixiyay acmasha Alle uu adoomadiisa uga raali noqonayo iyo kuwa uusan uga raali noqoneyn ,qofka muslimka ahna laga doonayo.

Dr C/raxmaan Madani oo Muxaadaro ka jeedinaya masjidka Jaamaca ee Godey
Is badalkii laga dareemay Magaalada intii ay Culimada timid
Kadib muxaadaraadka xidhiidhka ahaa ee ay Culimadu Masjidka ka jeedisay waxa ay horseeday in magaalada is badal xagga dawacada laga dareemo.
Culimadu waxa ay kulan gooni ah la qaateen Ducaada magaalada ku dhaqan waxayana Culimada Ducaada ku aamaaneen dhabar adeygiii ay u soo dhabar adeygeen Dacwada iyo dhibaatooyinkii ay ka soo mareenba waxayna sheegeen in dadka ducaada ah ay yihiin kuwo inta badan dhib la kulma taasina ay tahay wadadii lagu yaqiinay Ambiyadda Alle soo diray wadadaasina ay tahay wadada ugu kheyrka badan.
Bilowgii Booqashooyinkii Culimada ee Degmooyinka gobolka Godey

Biyo Xidheenka ku yaala Galbeedka Magaalada Godey ee GIDHIBKA
Maalin kadib markii ay Culimadu soo gaadhay magaaalada Godey ayay ahayd markii ay booqashada ku tageen Gidhibka oo ah halka laga sameeyey biyo xidheenka Wabiga Shabelle ee mara Magaalada Godey.
Gidhibku waxa ay 59 KM galbeed ka xigtaa Magaalada Godey waxaana Biya xidheenka halkaa laga sameeeyay loogu tala galay in lagu waraabiyo dhul beereed kor u dhaafaya ilaa 2 kun oo Hectare, qaabka uu u dhisan yahay biyo xidheenkaas ayaa ah qaab farsameysan waxayna biyaha wabigu si fudud ugu leexanayaan Kanaalka loogu tala galay in uu waraabiyo ama biyaha gaadhsiiyo dhul beereedka.

Biya Xidheenka GIDHIBKa

Qeybta Biyo xidheenka ee loogu tala galay waraabka Beeraha
Dhismaha biya xidheenkaa ayaa qaatay in ka badan 7 sanadood oo xidhiidh ahayd waxaana jirtay in Shirkadii ugu horeysay ee Mashruucaa qaadata ay wadi wayday ,markaa kadibna laga badalay waxayna shirkada dambe ku guuleysatay in ay dhisto biyo xidheenkaa

Bidix -Sh.abu Xasan -dhex Bidix Dr C/raxmaan madani -Midig dhex Sh. Saadaq Shibli - Midig Sheekh C/rashiid Aabi
Culimada oo ku sugan GIDHIBKa

Godey Hospital

Degmadaa Haar Salaad iyo sidii ay ku asaasantay, Muxaadaradii Haar Salaad iyo Sheekh Abuu Xasaan
Sheekh Abuu Xasaan oo Muxaadaro u jeedinaya dadka Tuulada Haar Salaad
Kadib markii ay Culimadu ka soo laabteen Biyo xidheenka Gidhibka waxa ay soo mareen Degmada Haar Salaad oo markii hore la dhihi jiray Haar Bariis.
Degmadaa waxa ay asaasantay kadib markii la sameeyay Dhul beereedka loogu tala galay in lagu waraabiyo biyo xidheenka Gidhibka waxaana Degmada Dagan dad isugu jira beeralay, iyo xoolodhaqato.
dadk Tuulada Haar salaad oo dhageysanay Muxaadarada Sh. Abuu Xasaan
Magacaas waxa uu ku baxay kadib markii Dadka Degmadaa loo qeybiyay Bariis loogu tala galay in uu ka qeyb qaato degnaanashahooda Degmadaa iyo in ay ku sii nagaadaan beera falashadooda iyo wax soo saarkoodaba, waxayna Degmadaa wixii xiligaa ka dambeeyay qaadatay magaca Haar Bariis waxayna Degmadu xiligaa ka hor laheyd magac kale
Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim “Abuu Xasaan” ayaa muxaadaro Salaada ka hadleysa ka jeediyay Degmadaa wuxuuna Dadka Degmada u sheegay in ay Degmada Magacaa ka badalaan kana dhigaan Haar Salaad halka markii hore ay u bixiyeen Haar Bariis ,waxayna Dadkii Degmadaa isla qaateen in ay Magacaa badalaan .
Sheekh Abuu Xasaan oo u Muxaadareynaya dadka ku dhaqan Haar Salaad
Muxaadarada Sheekh Abuu Xasaan uu ka jeediyay Degmadaa ayaa ahayd mid uu si gaar ah ugula hadlayay Bulshada halkaa ku dhaqan oo u badan Xoola dhaqato iyo beeraley wuxuuna Sheekhu muxaadaradiisa ku sheegay in Salaadu ay tahay tiirka labaad ee Diinta Islaamka qofkana uusan Islaam dhameystiran ahayd hadii uu Salaada tukan waayo sidoo kale waxa uu Sheekhu shegay in Salaadu tahay camalka ugu horeeya ee Maaalinta Qiyaame hadii ay Salaadiisu hagaagsanaatana uu hagaagayo camalkiisa intiisa kale.
Booqashadii Culimada ee Isbitaalka Godey
Isbitaalka Guud ee Magaalada Godey
Isbitaalka guud ee Magaalada Godey waxa uu dhisan yahay in ka badan 50 sano ,wuxuuna Isbitaalku yahay Isbitaalka guud ee Gobolka Godey iyo Deegaanada u dhow dhowba ,Isbitaalku waxa uu ka kooban yahay qeybo kala duwan ,waxaana sanadihii dambe Isbitaalka lagu kordhiyay qeybo caafimaad iyo dhismayaal kale , qeybaha Isbitaalka ayaa kala ah ,Qeybta maamulka ,Qeybta Shaqaalaha ,Qeybta Bukaan socodka,Qeybta Jiifka,Qeybta Raajada,Qeybta Qaliinka,Qeybta Daawada ,Qeybta Dhalaanka,Qeybta Gar Gaarka Deg Deg ah .
Culimada ayaa mudo yar ku sugneyd Isbitaalka kadibna waxa ay uga sii gudbeen Magaalada Dhanaan
qeyb ka mid ah dhimaha Isbitaalka Godey
Booqashii Degmada dhanaan iyo Hadhaawe
tuulada Hadhaawe
Culimada,Engineerada ,iyo wariyayaashu waxa ay Booqasho kale ku tageen Tuulada Hadhaawe iyo Degmada dhanaan oo 70KM dhanka Bari ka xigta Magaalada Godey. Culimada intii aysan u gudbin Dhanaan waxa ay xooga yar ku hakadeen Tuulada Hadhaawe waxayna Tuulada Hadhaawe kala badhaa Degmada Dhanaan iyo Magaalada Godey.
Tuulada Hadhaawe
Culimada ayaa Salaadii Duhur ku tukaday Magaalada Dhanaan ,Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi (madni) ayaa Masjidka Jaamaca ah ee Magaalada Dhanaan dadka kula hadlay Salaadii Duhur ee 9-08-2010 sidoo kale waxaa sidoo kale Masjidka kale oo Magaalada ku yaala isla kalamad kale ka soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan),Culimada waxa ay dadka ku baraarujiyeen xiligaa ay ay fooda ku soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadan loogana baahan yahay ,acmaasha laga doonayo bishaa barakeysan inta lagu guda jiro iyo ajarka ay bishaa xambaarsan tahay,sidoo kale waxa ay Culimadu kalamado ka yidhaahdeen cibaadada iyo ciqiidada.
Dr C/raxmaan madani oo Wacdinaya dadka ku tukaday masjidka Magalada Dhanaan
Gudaha Masjidka Jaamaca ee Dhanaan
Culimadu intaa kadib waxa ay dadka magaalada ku dhaqan kula hadleen Meel fagaaro ah oo ay isugu yimaadeen ,waxaana fagaarahaa dadka kula hadlay Sheekh Abuu Xasaan wuxuuna dadka ku booriyay in ay ku adkaadaan arimahooda diinta sidoo kalena ay lagama maar maan tahay in ay ka shaqeeyaan walaaltinimadooda iyo wada noolaanshahooda ,wax wada qabsigooda iyo iskaashiga guudba arintaasina ay keeneyso in ay bulshadu noqoto mid isku xidhan kala shaqeysa is kaalmeysi.
Dadka ayaa Muxaadarada gaabneyd ee uu Sheekh Abuu Xasaan u jeediyay aad u soo dhaweeyay waxayna gaba gabadeed Muxaadarada dadku Culumada xasuusiyeen in magaaladu aysan lahayd madarso lagu barto culuumta Diinta islaamka balse ay magaaladu leedahay Dugsi Quraano iyo Iskuul hoos taga Dowladda .
Culimada ayaa markii ay dib ugu soo laabteen waxa ay dooneen in ay Dadka ku dhaqan Tuulada Hadhaawe la hadlaan balse dadkii tuuladaa oo u badnaa Xoola dhaqato ayaysan suura galin in ay isku yimaadaan waxaana sidaa aan ku suura galin kalmadii ay Culimadu u qorsheysay in ay u jeediyaan dadka ku dhaqan Tuulada Hadhaawe.
dadka oo dhageysanaya Muxaadarada Culimada
qaar ka mid ah Odayaasha Magaalada Dhanaan oo Muxaarada dhageysanaya
dadka Rer Dhanaan oo kala dareeyaya kadib markii ay Muxaadarada dhageysten
Socdaalkii Culimada ee Gobolka Af dheer
Gudoomiyaha Gobolka Af dheer
Culimadu markii ay ka soo laabteen Degmada Dhanaan waxa ay Culimadu u ambabaxday Gobolka Afdheer oo dhanka Koonfur bari ka xiga Gobolka Godey waxayna Culimadu qaadeen wadada marta Buundada magaalada Godey sidoo kalena sii marta Degmada Cadaadle ama Bohol Xagarre.
Safarkaa Culimada ayaa ahaa sidii ay u soo arki lahayeen Xaalada dacwadeed ee gobolka Af dheer kadib markii ay ******** xaaalada Gobolka Godey .
Masaafada u dhaxeysa Magaalada Godey iyo Magaalada Hargelle oo ah Caasimadda Gobolka Af dheer waa 220 KM oo ah Jey ,waxaana labadaa magaalo u dhaxeeya ilaa 10 Tuulo oo dhamaantood la dagan yahay.
Culimadu wax ay Magaalada Hargeelle gaadheen casar gaabadkii maalintii Koowaad ee Soonta ,markii ay magaalada Gaadheen Culimada waxaa la dajiyay Guriga martidda ee Gobolka waxaana halkaa ugu yimid ku simaha Gudoomiyaha magaalada Sheekh Shukri oo halkaa Culimada ugu keenay wixii ay ku afuri lahaayeen.
Kadib afurka waxa ay Culimadu aadeen Masjidka Jaamaca ah ee Magaalada wuxuuna Sheekh Abuu Xasaan Salaada Taraawiixda ka hor dadka u jeediyay kalmad ku saabsan bisha Baraykeysan ee Ramadan,Sheekhu waxa uu Bulshada xasuusiyay in bishaa ay ku jirto habeen ka kheyr badan Kun bilood marka sanad loo badalana gaadheysa 83 sano iyo dhowr bilood,wuxuuna sheekhu tilmaamay in qofka nasiibka lehi uu yahay kan ka faa’iisayta habeenkaa kheyr lagu sheegay.
Culimada ayaa Salaadaa Taraawiixda kadib waxa ay socod gaaban ku sameeyeen Magaalada dhaxedeeda .
Maalinimadii habeenkaa ayay ahayd Markii ay culimadu Hoolka weyn ee Shirarka Barlamanka kulan kula yeesheen dadka Deegaanka halkanaa ay Muxaadaro iyo kalamdo kala duwan uga soo jeediyeen waxaana Hoolkaa isgu yimid dad weyne fara badan oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Hargelle.
Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abuu Xasaan” ayaa ugu horeyn halkaa kalmad ka jeediyay wuxuuna Sheekhu kalmadiisa ku faahfaahiyay Bisha Ramadan ,ku dhaqanka Diinta islaamka,salaadda iyo cibaadada qeybaheeda kala duwan,wuxuuan Sheekhu si gaar ah u amanay dadka magaalada Hargelle oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad diin jecel sidoo kalena leh is maqal iyo kala dambeyn,sidoo kale waxa uu Sheekhu wax ka tilmaamay waxyaabaha laga doonayo qofka Muslimka ah ,wxuuna dadka ku booriyay in ay Salaada ku dadaalaan sidoo kalena ay ka shaqeeyaan wanaaga dhexdooda .
Kalmadda Sheekh Abuu Xasaan kadib waxaa kalmad kooban soo wada jeediyay Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (madani) iyo Axmed Maxamed Canshuur Dr madani ayaa dadwaynaha u sheegay inay ka faaiidaystaan isbadalka dhacay, xuquuq badan oo ay dawladu u diidi jirtay hada ka horna hishiiskan dartii lagu ogolaaday, ayna tahay shacabku inay si fiican u hantaan xuquuqdooda, oo ay ugu horayso diintoodu! Kadibna maamulka ayuu ku waaniyay drku inay shacabka u turaan dhibkana ka daayaan, masaalixdooda siday ugu xaqiijin lahaayeena ku dadaalaan, waxayna labada Sheekhiba carabka ku dhufteen in ay haboontahay in laga faa’iidaysto sidoo kalena la dhaqan galiyo waxyaabihii uu Sheekh Abuu Xasaan ka hadlay ,waxayna intaa ku dareen in waxa kaliya ee ay Gobolka u tageeni tahay sidii ay u soo arki lahaayeen xaaladda dhabta ah ee Gobolka ka jirta ayna si gaar ah ugu kuur galayeen xaaladda dacwadeed ee gobolka iyo baahidda Diimeed ee ka jirta haday noqon lahayd xagga Masaajidda ,xagga Madaarista iyo dhanka Barashada Diinta Islaamka.
Kulankaa waxaa dhanka kale hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Hargelle waxayna sheegeen in aysan taariikhda intii ay noolaayeen aysan arag Culimo intaa la eg oo Deegaanka u dhashay oo deegaanka mar qudha yimaadda ,waxayna shegeen in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin ayna soo dhaweynayaan.
Booqashadii Culimada ee Goobaha Muhiimka ah ee Hargelle
Kadib kulanka ay Culimadu la qaadatay dadka Deegaanka ee Hargelle waxa ay booqdeen Iskuulka sare ee Magalada Isbitaalka iyo masjidka Jaamaca weyn ee uu dhismuhu ku socdo.
Masjidka Jaamaca Magaalada iyo Dhismihiisa
Masjidka jaamaca ee magaalada Hargelle waa mid uu dhismihiisu qabyo yahay wuxuuna masjidkan yahay mid ku fadhiya dhul weyn ,marka laga gudbo dhimaha masjidka waxa masjidka u banaan dhul ay gudigu ugu talageen in laga sameeyo Madaraso ,Musqulo iyo qeybta weysada.
Masjidka waxa mid ay dhisteen dadka deegaanku mana jiraan caawinado ah oo ay dibadda ka heleen ,kharashka lagu dhisay masjidka waa mid ay soo aruuriyeen dadku qofba inta uu awoodu waxaana sidaa Ilaahay ku suura galiyay in ay sidaa ku dhisaan Masjidka.
Masjidka ayaa hadda maray kala badh marka loo eego kharaska ku baxay iyo kharashka dhiman,waxyana gudiga Masjidku culimada u sheegeen in fariinta ay gaadhsiinayaani ay tahay dhameytirka masjidka.
Iskuulka sare oo Magaalada iyo Dhismihiisa
Iskuulka sare ee Magaaladu waa mid uu qabyo yahay dhismihiisu wuxuuna dhismaha masjidku ku yimid kadib markii Ardayda Gobolku ay sameeyeen hormar dhanka waxbarashada ah taas oo ka dhalatay tayo lagu sameeyay Ardayda iyo macalimiinta oo ahayd in ay dhibcaha guud ardayda Dugsiyada Itoobiya oo dhan ay ka ka galeen Kaalinta Sadaxeed.
Kartida ay muujiyeen Ardayda Gobolka Afdheer iyo Macalimiintu wax ay dhaxalsiiyay in ay abaal gud u heleen in loo dhiso Iskuulka sare ,waxayn Ardaydu horey wax ugu baran jirtay guryo yar yar oo cidhiidhi ah
Sirta ka dambeysay in Gobolku uu abaalmarintaa helo ayaa ahayd kadib markii ay jaaliyadda dibadda ee Gobolkaa iyo dadka Deegaanku isla qaateen in Macalimiin tayo leh loo soo kireeyo Ardayda si heerkooda waxbarasho loo soo qaado una noqdaan arday wax la qeybsan karta Guud ahaa Itoobiya waxayna arintaasi tusaale muuqda u noqotay Gobolka oo lagu amaanay talabada uu qaatay ee ah in uu si gooni ah wax u barto Ardaydiisa.
Isbitaalka guud ee Hargelle
Isbitaalka guud ee magaalada waxa la dhisay mudo haatan laga joogo ku dhawaad 2 sanadood wuxuuna dhismahiisu qaatay ku dhawaad 2 sano oo kale ,wuxuuna Isbitaalku yahay mid leh qeybo kala duwan oo loogu tala galay qeybaha kala duwan ee Bukaanka haday noqon lahayd kuwa laga dabiibo iyo kuwa la seexiyaba ,Isbitaalku waxa uu sidoo kale leeyahay qeybta qaliinka guud Qeybta Gar Gaarka Deg Deg ah ,Qeybta dhalmada Dumar ,iyo qolalka lagu dhaqo Meydka,
Dhismaha Isbitaalka ayaa ku yimid kadib dadaal ay dadka Deegaanka ka sameeyeen dhanka amaanka guud iyo nabad galyada waxayna Dowladdu ugu abaal guday in ay u dhisto Isbitaalkaa
Dhismaha Isbitaalku uu ku fadhiyo ayaa gaadhaya ku dhawaad 1KM isku wereeg ah ,waxaana Isbitaalka ku yar adeegga uu bixiyo waxayna arintaas tahay mid ka dhalatay waayidda la waayay dhakhaatiir ka howl gasha oo ay Dowladdu ku soo qortay si ay uga shaqeeyeen.
Caqabada Isbtitalka ayaa ah qalab la’aan iyo wax qabad la’aan waxaana dadka xanuunsan loo qaadaa dhanka dalka Kenya iyo Magaalada Godey ,waxayna taasi muujinasaa in uu Deegaanka ay ka jirto baahi dhanka Caafimaadka ah.
Booqashadii Culimada ee Degmada Jarrati
Magaalada Jarrati waxa ay 40 KM dhanka galbeed ka xigtaa Caasimadda gobolka Af dheer ee Hagelle ,Magaalada waxaa mara Wabiga Weeb ,waxayna Magaaladu tahay Xurunta Ganacsiga ee Gobolka Af dheer , magaaladu leedahay wax soo saar dhanka Beeraha ah wallow uusan wali ahayd mid hana qaaday haddana waa talaabo muuqda oo laga dareemayo Deegaanka, sidoo kale waxa Magaalada ku yaala Biyo Xidheen lagu sameeyay Wabiga iyo suuqa ugu weyn ee Xoolaha Nool ee dhulka Soomaaligalbeed.
Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi ayaa kalmad ka jeediyay Salaadii Casar kadib Masjidka jaamaca ah ee Magaalada wuxuuna Dr-ku ka hadlay soonta iyo sida loo guto ,wuxuuna sidoo kale Sheekhu kalmado ka yidhi salaadda,
Culimada ayaa Hotelka ay magaalada ka daegeen waxaa ku soo booqday maamulka Degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmadaa C/casiis , Gudoomiyaha Xisbiga ee Degmada ,Af hayeenka Baaralamnka Degmada iyo Duqda Magaalada Jarrati,kulanka ay qaateen Culimada iyo maamulka waxa ay isku waydaarsadeen xaalada guud ee Degmada iyo xaalada Dacwada ee Degmada iyo tuulooyinka ku xeeranba.
Wakhtiga oo xiligaa ku dhawaa habeen waxa ay maamulka iyo Culimadu isla qaateen in ay subaxnimada ay dadka deegaanka kalmad u jeediyaan .
Culimada waxa aan u suura galin in ay dadka Deegaanka kalmad u jeediyaan waxayna Culimadu ku daaheen booqasho ay ku tageen beeraha magaalada iyo Madaraso iyo Masaajidka magaalada oo la dhisayo,waxayna taasi keentay in uu baaqdo kulankaa ay wada yeelan lahaayeen dadka Degaanka iyo Culimadu .
Soo gaba gabeyntii Culimada ee Safarka gobolka Af dheer
Culimada safarkii ay ku tageen Gobolka Af dheer waxa uu ka qaatay 2 habeen iyo laba maalmood oo ay ku kala sugnaayeen magaalooyinka Hargelle iyo Jarratti wuxuuna Safarkaa Culimada u ahaa mid taariikhi ah marka laga eegmo mudada ay deegaanka ka maqnaayeen oo ku dhaweyd 20 sanadood ama ka badanba,wuxuuna safarkaasi ahaa mid si weyn dhanka dawacada gobolka wax uga badalay.
Soo gaba gabeyntii Guud ee Safarka Culimada
Culimadu waxa ay safarkooda si guud u soo gaba gabeeyeen 18-08-2010 oo ahayd maalintii Arbacada ahayd waxayna Culimadu dib ugu laabteen Magaalada Jigjiga oo ay hadda ku sugan yihiin.
Safarka Culimadu kuma eken doono oo waxaa Culimada u qorsheysan in ay safar ku tagaan Gobolada Qoraxey iyo Wardheer ,waxaana sidoo kale xusid mudan in Gudi Culimo ah ay shalay 20-08-2010 ay u amba baxeen Gobolka Shiniile .
Somalimirror+Halgan.net
Jigjiga