Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Itoopiya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Itoopiya

Postby EEGA9 » Tue Aug 24, 2010 8:36 am

Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Xukuumada Ethiopia.

Dooxa: (Sh. M. Network) Jabhadda ONLF ayaa maanta beenisay in uu jiro qorshe xubno ka tirsan Jabhadaasi ay kula heshiinayaan Xukuumada Ethiopia ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Ethiopia, kadib markii hadal arinkaasi ku saabsan ay sheegtay dowladda Ethiopia.

Kadib markii xukuumada Ethiopia ay ku dhawaaqday in heshiis ay la saxiixaneyso bilaha soo socda Jabhadda ONLF ayaa masuuliyiinta Jabhadaasi waxaa ay wax kama jiraan ku tilmaameen heshiisyadaasi Ethiopia ay sheegtay inay la xasiisaneyso Jabhadda ONLF.

Xuseen Max’ed Nuur oo ah madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF oo Shabelle la hadlay ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warkii maalmo ka hor ka soo baxay Ethiopia, isagoo tilmaamay in Saalixudiin oo ah hogaamiye Ethiopia Wadahadalada la galay ay horey uga saareen sanadii 2006-da kadib markii uu lunsaday dhaqaalo ay laheeyd Jabhadda ONLF sida uu hadalka u dhigey.

Madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalo culus oo inta lagu jida jiro bisha Ramadaan ay kula galeen Ciidamada Ethiopia dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho isagoo sheegay in ay la wareegeen 10 xero oo ay ku jirto xerada Caleen ee u dhaxeysa Shalaabo iyo Balanbale, isalmarkaana ay dileen sida uu hadalka u dhigey saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia.

Xuseen Max’ed Nuur waxaa uu sidoo kale digniin u jeediyay ciidamada New Police ee Maalmihii u dambeeyay dagaalada ka waday dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho, isagoona ugu baaqay in ay hubka dhigaan mudo bil gudaheed ah hadii kalana talaabo ay ka qaadi doonaan.

Warkaani ka soo baxay Jabhadda ONLF ayaa imaanaya xili dhawaan la taliyaha dhinaca maanka ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu sheegay in bilaha soo socda ay heshiis la gali doonaan xubno ka tirsan Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho.

Xogasho: Shabelle.net

Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Itoo

Postby Queen_Arawello » Tue Aug 24, 2010 8:47 am

:up: :up: :up: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest