Sh. Umal iyo xertiisii waxay yidhaahdeen; La jiifiyaana banaan
Ugu dambayntii waxay soo saareen qoraal aad u dheer oo dhanwalba ay isku dayeen inay ku raaligaliyaan aan ka ahayn dhankii uu xaqqa ka jiray. Diinta iyo sharciga waxa uu ka qabo heshiiskan la sheegayo waxaa horay u dhameeyey oo si fiican oo faahfaahsan uga hadlay Sh. Xasaan oo haddii ay kooxda Sh. Umal haystaan daliil dhab ah waxay radin lahaayeen oy beenin lahaayeen fatwadii Sh. Xasaan. Laakiin waxay doorbideen inay caamada la khidaabaan oo qiila wa qaala aanay dadweynaha aqoon fiican u lahayn ay kolba lugta ku soo maraan. Arintaasna waxay ka mid tahay dhaqanka lagu yaqaano culimada aan rabaaniga ahayn ee danaha shaqsiga ah iyo risaalada diinta isku dhex yaaciya.
Afar qodob oo kooxdan warqaddan siyaasiga ah soo saartay (laguma tilmaami karo inay tahay fatwa diini ah) ay cuskadeen umbaa muhiim ah inaan si toos ah u ifino. Ugu horeeyn hordhaca ay iskaga barii yeelayaan inaysan waxba ka ogayn heshiiskaa oy sidan u qoreen (Waxaan jecelnahay inaan marka hore caddeynno in annaga oo ah culimada ku saxiixan bayaankan aannan waxba kala soconin, tashina nalaga galinnin heshiiska xabbad joojinta markii lagalayay, balse waxaa nala soo gaadhsiiyay markii lagu kala tagey dhaqan galentiisuna billaabatay kadib.) waxay u muujinaysaa qofkii caqli leh in heshiiskan uu ahaa mid si gooni ah loo soo abaabulay oo aan cidna lagala tashan xataa iyagii culimada ahaa ee ururkan uu ku tiirsanaa. Talaabadaasi waxay markhaati u tahay inay jireen heshiisya hore oo culimada ay ku kala saareen iyagoo ku kala soocaya yaa nagu taageeri heshiiska Itobiya yaase naga carqaladayni inta aanan salka soo taabanin.
Markii la dhamaystiray oo heshiiska la sheegayo la kala saxiixdayna waxay yidhaahdeen Sh. Umal iyo kooxdiisa; (Sidoo kale nalooma keenin mana aannan akhriyin qodobada heshiiska intaan lasaxiixin, balse wuxuu nuqulka qodobada heshiisku nasoo gaadhay markii lagu kalatagay xafladii saxiixa kadib.). Idan waxay sharaf iyo diin u hiilinba u ahaan lahayd Sh. Umal inuu faraha kala baxo arintan marba hadaan lala socodsiinin horey iyo gadaal toona. Masa yeeline waxaa la damcay in loo qiil dayo oo loo raadiyo maxlal. Shuruudo ay xuseen ayayna ugu xalaaleeyeen sida ay sheegeen markii ay dhan walba ay u rogrogeen, waxaana la odhan karaa waxayaabaha ay qoreen Sh Umal iyo kooxdiisa - cudurdaar ka xun dambigii laga galay umadda.
Ugu horey waxay u cuskadeen waxay ugu yeedheen fiqhul waaqic taasoo ah xaaladda lagu sugan yahay.
1- Marka ugu horeysa iyagoo taageeraya Meles Zinawi hadaladii uu yidhi ee ahaa (-- waxay ahaayeen koox tabaryar oo ku dhex noolaan kari weyday gobolka oo isa soo dhiibtay) ayay Sh Umal iyo saaxiibadii waxay u sharciyeeyeen Ibraahim dheere iyo intii la socotay inay u banaantahay inay cadawga isu dhiibaan marba hadaanay uga adkaan karin jihaad oo cadawga uu ka xoog badan yahay. Fatwadan (waa haddii ay tahay fatwa diini ahe) waa inuu Sh. Umal u gudbiyaa Falastiin, Ciraaq, Afgaanistaan iyo goob kasta oo dad muslimiin ah ay dhulkooda kaga xoreynayaan cadaw ku soo duulay. Dhamaan shucuubtaa waa inuu u sheegaa inay qaataan fikradda Ibraahim dheere iyo kooxdiisa oo ay hubka mafsadada ah (sida ay yidhaahdeen) iska dhigaan.
2- Waxay Sh. Umal iyo kooxdiisa markii ugu horeysay taariikhda inta la xusuusto ay ka soo qaadeen inay ku yihiin aqaliya dad wadankay lahaayeen dagan oo xoog dibadda uga yimid uu ku soo duulay. "كبرت كلمة تخرج من أفواههم ان يقولون الا كذبا" .. Goorma ayuu shacabka Ogadenya ku noqday dhulkiisa aqaliya loo fatwoodo inay u hogaansamaan sharciga Addisababa? Qofkastoo caqli leh waxaa hubaal ah inuu arkayo ujeedada ay Sh. Umal iyo kooxdiisa u soo qaateen qodobka inuu yahay in loo jideeyo kuwii is-dhiibay inay si dhab ah ugu hogaansamaan fariimaha Meles iyo Itobiya oy noqdaan muwaadiniin Itobiyaan ah oo mukhlisiin u ah dalka Itobiya iyo qawaaniinta u dajisan ee laga maamulo kaniisadda Addisababa. Sidaa umbayna yeeleen Ibraahim dheere iyo kuwii la socday oo maanta ku biiray ciidanka maleesiyada ah ee shacabka dhibaataynaya. Waxaa u haboonayd Sh. Umal inuusan dhagaha ka fureysan akhbaaraha dhabta ah ee ka imanaya wadankiisa isagoo xogogaal u ahna aanay siyaasada la galin meel aan u qalmin oo sharaf dhac ku ah.
3- Waxaa is-dhiibka ay uga qiil dayeen oo kale inay dacwada iyo diinta faafinteeda ay u adeegsadaan oo siday hadalka u dhigeen (.. isla markaana laystuso inay ku badalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh..). Waxaa la yaab leh qof caalim ah inuu iska dhaadhiciyo in Itobiya ogoshahay in dacwada ay ka socoto Ogadenya isla markaana ay kala dagaalamaan Somaliya!! Itobiya waxay sheegtay inay Somaliya ugu soo duushay inay la dagaalanto awooda islaamiyiinta gaar ahaan salafiga oo ku xoogaystay. Waana la ogaa meelaha ay weeraraysay iyo dhibaatada ay u gaysatay ardaydii dugsiyada quraanka. Caqligee inoo ogolaanaya inaan dhahno Somaliyana waxay kala dagaalantaa diinta oo waliba waxay ka asaastay ururka la magac baxay Ahlu-Suna Wal-Jamaaca, Ogadenyana way ogoshahay inay Ibraahim dheere iyo kooxdiisii xarootay ka hirgaliyaan dacwada saxda ah. Sow hadal meel waayay ma'aha?
4- Ugu damabyntii waxay Sh. Umal iyo ragii la fadhiyay yidhaahdeen (Waxaa noo suurto gashay inaan walaalaha waydiinno waxa ku kalifay inay arintaa aqbalaan oo ay saxiixaan, waxayna noogu jawaabeen inay isku qanciyeen in uusan u furnayn khiyaarka diidadu, oo ay ku qasbanaayeen (مكرهين) haysatayna xaalad ay rukhso u heli karaan inay saxiixaan qodobka ku saabsan dastuurka iyo qawaaniinta Itoobiya, ayna tahay sidii Allaah yidhi: من كفر بالله من بعد إيمانه إلا من أكره وقلبه مطمئن بالإيمان …). Intan ayaa ku filan qokii doonaya inuu ogaado ra'yiga Sh. Umal iyo kooxdiisa inuusan caqli iyo diin toona ku fadhiyin. Sababtoo ah koox cagahooda ugu tagay cadawgii ay la dagaalamayeen oo iyagoo jooga dal xor ah intay ka dhuunteen walaalahood iyo xataa culumadii ay isku jeelka ahaayeen saxiixay waxyaabahan diinta ka fog, in la yidhaado waxay ahaayeen -مكرهين – waa la jiifiyaana banaan. Waxay sheegeen Sh. Umal iyo wadaadadii la fadhiistay inay jiraan koox muslimiin ah oo wali dagaalka ka wada Ogadenya, iyagoo yidhi waxaa banaan inay koox heshiis qaadato iyadoo kuwa kalena ay dagaalamayaan. Waxaa isweydiin leh, sababta kuwaana ay weli u dagaalamayaan uguna adkaysteen dhibka uu leeyahay dagaalka iyo jihaadka oo waliba uu shacabkii dalka lahaa ugu taageerayo, Ibraahim dheere iyo inta la socotana uu Sh. Umal ugu baneenyay inay xaroodaan!!
Isku soo duub; Sh. Umal iyo kooxdii la fadhiday waxay muujiyeen inay taxasub dartii uga fogaadeen sharciga wuxuu ka qabo is-dhiibka Ibraahim dheere iyo intii la socotay, xaqqa oo la qariyana way garanayaan cawaaqibta ka dhalata iyo sifada ay ku leedahay diinta.
ONA.




