Itoobiya oo Boorama in ay dad ka kaxaysato damacday& shacbka oo hor joogsaday qaar dadkaas ka mid ahna xoog ku soo furtay.
Sep 17, 2010 (QOL) Warar naga soo goodhay Magaalada Boorama ayaa sheegaya in uu halkaas jiro kacdoon xoogani, kacdoonkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada gumaysiga Itoobiya damceen in dad shacab ah oo reer Boorama ah loo gacan galiyo, arinatan ayaa la sheegayaa in ay isku maan dhaafeen ciidanka Booliska magaaladaas & shacbku waxaana la sheegayaa in ay shacabku xabsiag xoog kagala bexeen hal nin oo ka mid ah dadka ay Itoobiyo doonaysay isku dhacan ayay dad shacab ah wax ku noqdeen,qaar ak mid ah dadka ay Itoobiya doonaysay ayaa magaalada Booarma ku xidhxidh kuwaas oo aan la garanaynin wax uu xaalkoodu noqon doono.
Wararku waxay intaas ku darayaan in uu kacdoonkani dagaal qarka u saaranyahay dadka shacbka ah ee reer Boorama ayaa muujiyay sida aysan marnaba u ogalaan doonin in dad shacab ah oo deegaankoodii jooga isla markaasna aan Itoobiya & cid kale toona wax u dhimin gumaysiga loo garba duubo arinatn ayaa laga cabsi qabaa in ay keento isku dhac Booliska magaaladaas& shacabka u dhexeeya.
Wixii arintan ka soo kordha dib ayaanu ka soo gudbin doonaa hadii uu Allah idmo
Qorahay Online
qorahay99@yahoo.com





