Caawo Iyo Ogaadeeniya-Xarshin, Dhagaxbuur, Iyo Harta Sheekh oo 112 Qof laga soo xiray.
OTP- Wariyaha Ogadentoday u Jooga Magaalada Jigjiga ayaa soo sheegay in Afar-Baabuur oo sida Maxaabis la keenay Isbuucii la soo Dhaafay Magaaladda, Wariyaha ayaa sheegay in Maxaabiista Baddankeed laga keenay Magaalooyinka Xarshin Iyo Harta-Sheekh, Wuxuu sheegay Wariyahu in Maxaabiistan qaar ka mid ah laga keenay Dhagaxbuur Balse Maalmo lagu hayay Qabribayax sida Illa-Xog ogaal ahi u Xaqiijiyeen.
Wariyaha waxaa loo sheegay in Tiradda Haweenka ee Maxaabiistan ku jirta ay tahay Toddobo(7) qof, Wariyaha ayaa sheegay in Dadkan loo soo xirey arrimo la xariira inay Jabhada ONLF taageero siiyaan.
Taariikhda Gobalka ayay noqon Markii Koobaad ee Dad laga soo xir xiro, Deegaankada Xarshin Iyo Harta-Sheekh kuwaas oo lagu eedeeyo inay Taageero siiyaan Jabhada ONLF. Waxaana Midaas Cadaynaysaa In Tuhunka laga qabo Taageerayaasha ONLF uu gaaray Degmo walba oo Ogaadeeniya ka mid ah.
Inta Baddan ayaa waxaa dadka la xiro ee lagu eedeeyo inay Taageeraan Jabhada ONLF looga Bartay goballada Ogaadeeniya ee hoose sida, Dhagaxbuur, Qoraxay, Godey, Wardheer, Iyo Jigjia.
Dhanka Kale Wariyaha ayaa Caawo loo sheegay in ay Jiraan Dhaq-Dhaqaaqyo Ciidan oo u Dhaxeeya, Baabili Iyo Jigjiga.
Kala soco Ogadentoday Wararka Ogaadeeniya Maalin walb



