..Waxaan lawada soconaa inuu halgan xalaal ah kasocdo Ogadeiya una dhexeeyo mooryaanta caalamka looga yaqaano Itoobiya iyo gobanimo doonnka shacabka soomaalida ogadeniya. Waxuu soo maray halgankaasi marxalado kala duwan. Hadaan kasoo bilaabo 1994 guumeysigu waxuu adeegsaday awoodii ciidan ee uu hayay bilowgii hore isagoo sheegay inuu soo qabqaban doono wiilasha duurka. Dhowr sano kadib waxaa ku cadaatay maah maahdii soomaalida ee aheyd ( haday hawadaadu been kuu sheegto taagataa run kuu sheegta) . Guumeysigu wuxuu bilaamay xeelad kale oo ah inuu qortay kooxo wata magaca somalida oon ku tilmaami karo Juhalo.Ujeedada rasmiga ah ee guumeysigu waxey aheyd inaan caalamku ogaanin waxa kasocda goblka.
Waxaa shanta qaaradood ka hano qaaday jaaliyado loo yaqaano soomaalida Ogadeniya oo xoog badan oo hor kacayaan aqoonyahano khibrad leh soona bandhigay dhibkii shacabka lagu hayay. AKHristow waxaad lasocotaa in IToobiya ku leedahay caalamka safaarado matala, balse ma.aragtay safiir wali lahadlaya warbaahinta? Waxaa afka dhoobo kasaaray jaaliyadahaas.
Horjoogihii gumeysiga Meles wuxuu ogaaday culayska halganka ee ka heysta dibada wuxuuna qorsheeyay qarash badan una wacady dad aan bulshada miisaan ku dhex laheyn taasoo lamacne ah (nin ul waayey qori qaad). Waxaa kale oo guumeysigu u baahday tv ku hadlaya afsoomali oo qaata laaluush. Nasiib darro waxaa galey shabaqii meles
Universal tv oo fahmi waayey dhagarta cadowga somaliyeed,
waxaase hubaal ah in cidkasta oo dhiiga muslimiinta reer Ogadeniya dheef mooda ku dambeyn doonto meel xun iyo taariikh madow. Waxaan u sheegayaa kuwa maamula Universal tv inay waxba qaban waayeen Milatarigii, ciidankii Liyuu booliska,warbaahintii oo dhan , safaaradihii, kuwo sheegtay ONLF oo u huleelay Jigjiga iyo waliba kooxdii cumaamadaha iyo saanadoodii ciidan, sidaa darteed kama fujin kartaan qaniinyada haysata maanta. kkkkkkkkkk
GUUSHA XAQLAHAA LEH INSHA ALLAH.
maqaalku wuxuu gaar u yahey ninka ku saxiixan.
http://somalimidnimo.com/2011/01/04/uni ... -hayaamay/



