Page 1 of 1
Operation Ceel Madigaan
Posted: Thu Mar 10, 2011 3:43 am
by Faranacab
March 10, 2011 (QOL) Wariyaha Qorahay Online uga soo warama Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaal xoogan oo ka dhacay meesha loo yaqaano Ceel Madigaan oo kamid ah aaga Baabili, wararku waxay intaas ku darayaan in Ciiddka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenay ay weerar baalaadhan ku qaadeen Ceel Madigaan dagalkaas oo ay si qorshaysan u fuliyeen ayaa la sheegayaa in ciidanka cadowga dhibaato badan loogu gaystay, ciidkan gumaysiga ee halkaas lagu weeraray oo aad u yaraa ayaa la sheegayaa in si aad ah loo waxyeelleeyay.
Wararka Qorahay Online ka soo gaadhay Ogaadeenya ayaa shegaya ciidanka gumaysiga Itoobiya ee Ceel Madiagan daganaa in ay dhibaato badan ku hayeen shacabka Ogaadeenya ee halkaas daganaa kadib waxayna todobaad ka hor halkaas ku wax yeelleeyeen dad shacab ah oo aan waxab galabsanin waxaana arrintaas ak war helay CWXO oo weerar ku qaaday qaniinyadii cadawgana shacabka ka fujiyaya , wararku waxay sheegayaan in CWXO ay qabsadeen saldhigii ay ciidanka gumaysigu daganaayeen kaas oo ay ka heleen saanad ciidan &qalab akal duwan.
CWXO baryahan dambe weerarada ay ciidanka gumaysiga ku qaadayaan aad u kordhiyaya waxaana dhulka Ogaadeenay ka socda dagaalo aad u faro badan oo ay CWXO si balaadah ugu ekeyunayaan fidhiisimada ay ciidanka gumaysiga Itoobiya dhulka Ogaadenya ka dagan yihiin, waxana ciidanka gumaysiga Itoobiya ku adkaaday in ay qorshe dajiyaan ayaga oo ka aamin baxay dhamaan jawaasiistii u shaqayn jirtay oo kuwo badan oo kamid ahaa ay fashilmeen.
Si kastaba ha ahaateen CWXO waxay wadaan qorshayaal milatari lagu dardar galinyo halaganka huabysan ee dhulka Ogaadeenay gumaysiga Itoobiya lagaga xoraynayo lagana dareemayo dhamaan Gobalada Ogaadeenya oo ay CWXO bilihii u dambeeyay dagaalo qorshaysan ku qadeen saldhigyada ciidanka gumaysiga Itoobita.
Qorahay Online
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Thu Mar 10, 2011 10:03 am
by ina aadan
Walee jawxo way faaftay oo ay fogaatay, war joqoraafiga baaban ku baran e ceel madigaana xaguu ku yala tolow.
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Thu Mar 10, 2011 8:07 pm
by Faranacab
Cududii jwxo ee la xakameyn jirey ,,, ayaa qudha harar hoosteeda gaadhay....ceel madigaan waa baabile aga gaarkeeda..
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Thu Mar 10, 2011 11:58 pm
by Shift
Walee jwxo horeey u socotaa guul insha allah

Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Fri Mar 11, 2011 2:52 am
by hanqadh
Wali JWXO mayna tusin xogeeda militari itoopiya, mar dhow aduunow wadahal noo fura iyo kaalaya nasoo kala gaadha baad maqli doontaan.
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Fri Mar 11, 2011 2:55 am
by hanqadh
Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya oo cagta mariyaya xero uu gumaysigu lahaa
Waxuu shalay ka dhacay dagaal xoogan xero ay ku lahaayeen ciidamada gumaysiga Gabagabo oo ka tirsan deegaanka Xamaro. Dagaalkaa oo dhowr saacadood socday ayay CWXO ku qabsadeen xeradii iyadoo ciidankii gumaysiga ee fadhiyay uu soo gaaray khasaare laxad leh oo bakhtigoodii iyo dhaawacoodii uu geed walba hoos yaalo.
Xeradii ciidanka gumaysiga oy gacanta ku dhigeen naftood-hurayaasha CWXO ayaa laga furtay hub iyo saanad farabadan.
Wararka ugu dambeeyay een ka helnay ayaa waxay sheegayaan inay hadda xeradii ciidanka ay ku jirto gacanta CWXO oo uga sii ruqaansaday goobaha kalee u astaamaysan naftood-hurayaasha.
Dagaala xoogan ayaa ka socda dhamaan dalka waxayna waraysiyo aan la yeelanay dadweynaha noogu sheegeen in ciidamada gumaysiga uu jab weyn ka soo gaaray weerarada ku socda iyadoo ay dagaaladii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ay ka soconayaan gobolada Shiniile, Dhagaxbuur iyo agaagrka Jigjiga gaar ahaan wadada isku xidha Harar iyo Jigjiga.
Guusha gobanimadoonkaa leh Inshaa Alaah.
ONA.
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Fri Mar 11, 2011 8:29 am
by Faranacab
guul iyo gobanimo Idam Alle....
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Fri Mar 11, 2011 12:16 pm
by The_Patriot
JWXO

Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Sun Mar 13, 2011 12:33 pm
by Faranacab
Another successful operation in Cobale...,,,,
Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Mon Mar 14, 2011 5:44 am
by jamols2
guul

Re: Operation Ceel Madigaan
Posted: Mon Mar 14, 2011 7:42 pm
by kismayogedojubaland
GUUL JWXO GUUL INSHALLAH
