Page 1 of 1

Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 8:36 am
by hanqadh

Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

10 tikniko ayay kusoo dagaal tageen, waxay kasoo duuleen wadada banka Jiiro soo dhexmarta ee Afmadoow kasoo gasha Diif, daqiiqadihii ugu horeeyey ee dagaalka waxa ay la beeyraqeen farxad markii ay xuduuda ku shubeen 50 askari oo ka tirsan ciidamada Axmed Madoobe

Waxyar unbeey ka ogaayeen duulaanka kusoo fool leh, iyagoo war moog ah ayay baroorsinka dhigteen Diif oo ay wiil ku dileen, labbo kale oo shacab ahna ku afduubteen, waxay isu diyaarinayeen in ay xoolo ka qaniimeystaan boqolaalka reer Miyiga ah ee kumanaanka xoolaha ah ka waraabsanayay dawda cusub ee Diif

Laakiin maxaa ku dhacaya?

Ciidamadnii Axmed Madoobe oo lagu qiyaaso kun iyo dhowr boqol oo Askari oo intooda badan fadhiyey deegaanka Dhadhajabuula ayaa duulaan kusoo kiciyey Diif oo markaasi waxoogaa ay xabadii istaagtey

Meydka Shabaabka 7 ayaa laga tiriyey, baabuurtii ay wateena midkood ayaa la gubey, firxadkoodana waxa uu gaaray Banka Jiiro iyo Afmadoow, qaar ka mid ah dhaawacyadooda ayaa la geeyey Isbitaalka Afmadoow iyo Kismaayowuxuu ahaa dagaal ay ku dhadhamiyeen dareenka geerida iyo xanuunka maarta ay dadka ku cabsi galiyaan.

Maalin ka hor ayay ku goodiyeen in ay Axmed Madoobe madaxa kasoo jarayaan islamarkaasina geyn doonaan Afmadoow iyagoo ku hanjabay in aysan jirin cid aasi karta meydkiisa, laakiin waxaa hadda muuqda cida meydkooda bahalada loo tuureyMaanta Diif waa ay degentahay, waxaana dib ugu soo laabtay xooladhaqatadii ceelka ka cabayay kuwaasoo kala cararay markii uu dagaalka dhacay Lama oga talaabada xigta, laakiin wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ciidamo dheeraad ah ay sugayaan ciidamada Axmed Madoobe ka hor inta aysan Dhoobleey ku kicinin dagaal kama dambeys ah.

Kismaayood.com

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 8:38 am
by hanqadh
Dulyadeyn oo la hadlay dadka reer Kismaayo

Image
Ninka Shabaabka ay usoo magacaabeen in uu horboodo dagaalada Jubbooyinka Sheekh Maxamed Dulyadeyn ayaa faraagaha beerta xoriyada kala hadlay dadka magaalada oo banaanbax la’isugu keeney.

Dulyadeyn ayaa ahaa sargaalkii ugu horeeyey ee ka hadla banaanbaxa oo Shabaabka lagu taageerayay, waxana uu xitaa ka hor hadlay waaliga Shabaabka ee Jubooyinka Sheekh Yuusuf Cali Adan iyo gudoomiyaha Kismaayo Xassan Yacquub Cali.

Dulyadeyn ayaa dadka ku booriyey in ay difaacaan magaalada, islamarkaasina ka hortagaan wax uu ku tilmaamay cadawga diinta oo duulaan kusoo ah gobolada
Dulyadeyn ayaa lagu wadaa in uu horboodo dagaalada ay Shabaabka ku difaacayaan gobolada Jubbooyinka maadaamaa uu kasoo jeedo beesha gobolada Jubooyinka degda oo kasoo wada horjeeda Shabaabka

Markii uu banaanbaxa dhacayay waxay shabaabka soo wada xireen dhamaan goobihii ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqii magaalada, dadkani waxaa si qasab ah la’isugu keeney beerta xoriyada

Dulyadeyn iyo saraakiishii kale ee Shabaabka ayaa eedeyn u jeediyey dowlada Kenya iyo Ethiopia oo ay sheegeen in ay ciidamo kusoo hubeynayaan, ugana digeen cawaaqibka ka dhalan kara

Kismaayood.com

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 8:40 am
by hanqadh

Goobihii lagu dagaalamay oo saaka degan

Deegaanka Diif oo dagaalo culus shalay kadhaceen ayaa saaka degan iyadoo magaalada Diif ay weli gacanta kuhayaan ciidamadii Axmed madoobe halka ciidamadii Alshabaabna ay diyaar garoow xoogan kawadaan Dhoobley.

Ciidamada Axmed madooba ayaa iyaguna dhankooda kawada is abaabul iyadoo lagu soo waramayo inay sugayaan ciidamo dheeraad ah oo xoojin doona.

Dagaaladii shalay ayaa ahaa kuwo culus oo labada dhinac aysan waxba iskula hadhin waxaana dagaaladaas ku gacan sareeyay kuwa Axmed madoobe oo ay usuurta gashay inay xoog kusaaraan ciidamadii Alshabaab oo gelinkii hore magaalada Diif qabsaday kuna celiyaan deegaamadii ay kasoo duuleen .

Dhanaan.com

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 8:42 am
by hanqadh
Waa sidee xaaladda Deegaanka Diif ee shalay dirirtu ka dhacday?

Published: 13 March 2011

Deegaanka Diif ayaa laga soo sheegayaa xaaladda deganaansho kadib markii ay dagaalo gacmaha la isula tagay ka dheceen maalintii shalay ahayd.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay labada ciidan ee dirirtu dhexmartay ay bidhaan arag isu jiraan isla markaana ay isu diyaar garoobayaan si ay mar kale foodda isaga maleegaan. Waxaa jira gurmadyo xalay ilaa saaka soo kala gaadhay labada dhinac.

Ilo madax banaan ayaa KismaayoNews u xaqiijiyay in khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay uu gaadhayo 4 dhimasho ah iyo ku dhawaad 15 dhaawac ah oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, ayadoo Deegaanka Diifna ugu yaraan laba jeer la kala qabsaday ayadoo kooxkasta ay isku dayayso inay u awood sheegato kooxda kale. Weerar iyo weerar celisyo badan kadib waxaa la xaqiijinayaa inay Diif u hartay kooxdii markii hore gacanta ku haysay.

Sidoo kale waxay KismaayoNews xaqiijisay in dirirta Deegaanka Diif ay ahayd mid dhex martay ciidamada Xarakadda Alshabaab iyo ciidamada Xarakadda Raaskaambooni.

KismaayoNews.com

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 8:44 am
by hanqadh
Meydadka Shaababka oo wali duurka laga soo bixinayo

Wararka ka imanaya Diif waxa ay sheegayaan in wali duurka laga soo helayo meydadka Alshabaab oo shalay dagaal lagu jabiyey tuuladaasi
Illaa toboneeyo meydad ayay wali xabaalayaan dadka deegaanka, walina waxaa miyiga laga baadi goobayaa meydad kale.

Dhanka Kaambooniyiinta oo ay guusha ku raacday dagaalkii shalay ayaa waxaa la sheegey in ay 2 askari uga dhaawantaya, mid kalana uu ka dhintey.

Kismaayood.com

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 11:12 am
by grandpakhalif
Black Ahmed I thought you guys hated him?

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 12:10 pm
by The_Patriot
Black Ahmed I thought you guys hated him?
Who said everyone loves Iley :lol: :lol: :lol:

Anyway Blackie is not good for the region he better stays out of it.

Hanqaad any news of Juboyinka should be posted where appropriate :up: 8-)

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 12:24 pm
by Faranacab
....since October first, Muslim blood is being shed for a small port and power gain. We know how it started and what happened. Genuine calls for peace were denied and the poor locals were not ready to be evacuated by their sons. Ather Raaskambooni & Alshabaab can finish their own war with out me....but that don't mean it has to be done.

Allow Islaamka kala qabo.....

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Sun Mar 13, 2011 10:14 pm
by hanqadh
Ok Jubba news in Jubba sections from now on.

Re: Alshabaab oo dagaalkii Diif ku jabay

Posted: Mon Mar 14, 2011 8:14 pm
by Shift
Hanqadh,

Garaad nafta ha dhibin..you know well madoobe inuu kenya ku laaban doono within maalmaha soo socda.