Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mas'uul Sare oo Qaramada Midoobay Ushaqeeya oo Laxidhay

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Mas'uul Sare oo Qaramada Midoobay Ushaqeeya oo Laxidhay

Postby EEGA9 » Sun Jul 10, 2011 11:25 am

08 July 2011

Addis Ababa (Kilil5) ---War aanu ka helnay qaar kamida shaqaalaha hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in masuulkii u sareeyay laanta arimaha nabadgalyada ee UN ta ee marka lasoo gaabiyo looyaqaan UNDSS ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo magaciisa layidhaahdo Cabdi Bakool xabsiga ladhigay. Masuulkan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan mudo 2 cisho kahor ah ay ciidamo iskudhaf ah oo isugu jiray Faderaal iyo Liyuu Boolis ay saqbadii dhexe kalabaxeen huteelkii uu deganaa oo ku yaala xaafada Boole ee magaalada Addis Ababa. Ciidankan ayaa lasheegayaa in ay jidh dil u gaysteen masuulka, isla markaana ay kaxaysteen.

Xadhiga masuulkan ayaa sabab looga dhigayaa inuu door kaqaatay siidayntii iyo badbaadintii labadii nin ee katirsanaa shaqaalaha hay'adda cuntada aduunka ee WFP, kuwaas oo ay qafaasheen jabhada ONLF, mudo kadibna siidaayeen iyagoo geeyay magaalada Hargaysa ee Jamuuriyada Somaliland, iyagoo kuwareejiyay laamaha hay'addan ee wadankaas. Labadan nin ayaa kadib markii Hagaysa lageeyay looduliyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna lagu soo celiyay magaaladan Addis Ababa ee dalkan Itoobiya.

Labadan nin ayaa ilaa hadda lasheegayaa in ay gacanta kuhayaan laamaha amniga ee Qaramada Midoobay, iyaga oo looga baqaayo waxyeelo inay soogaadho. Waxaa ilaa hada la iswaydiinayaa sababta amniga labadan masuul looga cabsiqabo ee loogu diidanyahay inay deegaanka yimaadaan oo ay kusoo laabtaan reerohoodii. Jabhada ONLF, ayaa hore ugu andacootay in jid gooyadii lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha hay'adda WFP ee lagu qafaashay labadan nin oo kadhacday degmada cusub ee Galaalshe ee Gobolka Fiiq ay kadambeeyeen ciidamada Liyuu Boolisku. Waxaa kale oo ay ONLF maalmo kadib ayay warbaahinta caalamka ku faafiyeen in labadii nin ay dagaal kusoofurteen iyaga oo kasoofurtay ciidamada Liyuuga iyo inay gacanta u galindoonaan Qaramada Midoobay.

Hadaba waxaa iswaydiin leh sababta Qaramada Midoobay ay ugu baqayso nolosha iyo amaanka labadan nin? Iyo sababta looga ilaalinaayo inay deegaanka yimaadaan, ilaa hadana ay ugu jiraan gacanta hay'adda. Waxaa kale oo iswaydiin leh sababta looqafaashay masuulkii kashaqeeyay soodaynta labadan nin. Miyaanse loo arkikarin inay run tahay andocooyinkii jabhadu ay ku faafiyeen saxaafadaha caalamka, mar hadii aysan xukuumaddu raali ka ahayn soodaynta labadan nin, lana xidhay mas'uulkii hawlahan u qaabilsanaa Qaramada Midoobay.

Dhanka kale shaqaalaha hay'adaha UN-ta ee nasoo gaadhsiiyay warkan, ayaa saadaalinaya in xadhiga mas'uulkan iyo damaanad la’aanta labadan mas,uul ay sababi karto in hay'adaha kubahoobay dallada Qaramada Midoobay ay joojiyaan dhamaan shaqooyinka ay kawadaan dalka, gaar ahaan deegaanka Soomaalida, xili ay abaaro darani kajiraan guud ahaan Geeska Afrika.


Xuseen Caraale
Addis Ababa, Kilil5

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Mas'uul Sare oo Qaramada Midoobay Ushaqeeya oo Laxidhay

Postby EEGA9 » Sun Jul 10, 2011 11:31 am

Kilil5 marar bay runta iska qirataa :lol:

Raggii WFP Itoopiya dishay, ONLF baa so furatay kuwii ay qafaashatay hadana gacanta u galisay UN ta.Itoopiya ceeb baa ka raacday, hadana hayadii shaqalihii oogu sareeyay bay xidhaysaa.

Riwaayada Itoopiya, Meles isku dhex yaac!

U.N, ONLF bay xidhiidh la leedahay
Saxaafadu ONLF bay xidhiidh la leedahay, waanu eryi
Laanqeyrta Cas iyo haayadaha samafalka xidiidh bay ONLF la leeyihiin waanu eryi
Ururada xuquuqda aadanaha ONLF bay xidhiidh la leyihiin, dhulka ma iman karaan

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Mas'uul Sare oo Qaramada Midoobay Ushaqeeya oo Laxidhay

Postby ina aadan » Sun Jul 10, 2011 1:33 pm

Beentaadu haday badato adaa maalinka dambe aan is aaminayn e sow ma ogid.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests