Page 1 of 1

Bakhtifuul Cabdifataax iyo Suldan wali oo la eryay

Posted: Mon Jul 25, 2011 2:26 pm
by EEGA9
Cabdi fataax iyo Suldaan Wali waa la cunay Cabdi ileyna kawaankuu saaranyahay

Warar aan ka helnay ilo-xogogaal ah oo xafiiska Cabdi iley ku sugan ayaa noo soo tabiyay goor dhaweyd in laga qaaday dhamaan xilalkii ay u hayeen xisbi ku sheega ESPDP iyadoo warar kale ay sheegayaan inuu Ina Iley qudhiisu kawaanka saran yahay.

Sanadihii la soo dhaafay wuxuu Cabdi fataax ku magacawnaa gudoomiyaha xisbi ku sheega ESPDP ay abaabuleen EPRDF-tu ee lugooyada shacabka loogu talagalay halka uu ku xigeenka koobaadna ka ahaa Suldaan wali.

Cabdi fataax ayaa ilaa iyo 2003dii ahaa xubnaha oogu firficoon maamulka gumaysiga uu dhigtay Jigjiga iyadoo Dr.Suldaan Wali-na uu sanooyinkii u dambeeyay madax ka ahaa xafiiska Biyaha oo mashaariicda ugu badan qaata. Khilaafka Cabdifataax iyo Cabdi iley ayaa ka bilowday socdaalkii labadooda loogu soo diray dibadaha, kolkaasuu uu aad uga maagay dhaqan xumada Cabdi iley iyo aqoondaradiisa, halka uu Cabdi iley uga shakiyay inuu dacwada badan oo laga geeyay Addisababa uu isaga ku lug lahaa.
Warar la hubo ayaa sheegaya in Cabdi ilay oo ilaa hadda ka baxsaday shirqoolo badan oo loo dhigay isagoo marwalba ka dhigta damaanad laynta shacabka iyo lacagta xad dhaafka ahee uu siiyo saraakiisha xaaraan quudatada ah, ayaa laga yaabaa in lagu eryo shirarka ilaa hadda u socda guamsyi kalkaalka.

Warka kama dabeeysta ah waxaan heli doonaa marka laga soo dareero shirka. Waxaana hadda si ku-meel gaadh ah loogu badalay Cabdi fataax oo shirka gudoominaya afhayeenka xisbiga lugooyada Mahamed rashiid Isaaq.

ONA /Jigjiga hoolka shirka

Re: Bakhtifuul Cabdifataax iyo Suldan wali oo la eryay

Posted: Mon Jul 25, 2011 6:03 pm
by The_Patriot
No need to enlightnen us I mean we knew what will happen :lol: :lol:

Re: Bakhtifuul Cabdifataax iyo Suldan wali oo la eryay

Posted: Mon Jul 25, 2011 7:51 pm
by Hyperactive
ma mid kale o dabaqoodi ba la weyni. mid isaka ka hun omba la keeni.

Re: Bakhtifuul Cabdifataax iyo Suldan wali oo la eryay

Posted: Mon Jul 25, 2011 11:35 pm
by Hard-Rock
Music to my ears :clap:

Re: Bakhtifuul Cabdifataax iyo Suldan wali oo la eryay

Posted: Tue Jul 26, 2011 4:29 am
by ina aadan
Ninwalba ha daydaydo gabadh caliyuusuf ah, waayo waxa soo socota saldano la yidhaahdo caliyuusufiya.

ninkii abtigiis ahaa ee hadana saxibkii ahaa ba la cunay.