Qodobka 3aad:
"Waxaan ognahay in (ONLF) ka hor intii uusan cabdi iley noqon hogaanka nabad galyada ay tiro ahaan yaraaryeen oo Cadaadis badan, dil, kufsi uu isaga kula kacay shacabka deegaanka ay sahashay in qabiilo nabad ahaa jiray ku biiraan ONLF, kuwaas oo aan ahayn ogaadeen, oo ah soomaalida kale ee deeganka ku dhaqan , sida hawiye ( Babile Area) , Gari, ciise, dhulbahante, Mareexaan. Hadii aan tusaale yar u soo qaadano, shacabka deegaanku waa xoola dhaqato, wuxuu u badan yahay miyiga 85%, kadib markii liyuu boolisku kala sooci kari waayeen cida ah ONLF iyo cida shacab ah xiliga hawlgalada ay ku jiraan baadiyaha, waxay sababatay inu dadku cararaan, tusaale, hooyadii laheyd ilmo willal ah oo da’doodu u dhexeeya 13-15 jir inay naftooda ula baqdo oo ay ku dhiiri galiso inay raacaan(ONLF) si ay uga badbaadaan kala soocid la’aanta liyuu boolisku iyo waxyeeladooda".




