Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Miyaad Iloowday Xasuuqi Magaaladda Qabridahare ee 15 Nov 200

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Miyaad Iloowday Xasuuqi Magaaladda Qabridahare ee 15 Nov 200

Postby ina aadan » Wed Nov 16, 2011 7:15 am

Warbaahinta Qorahay Media oo kaydisa dhamaan tacadiyada & xasuuqa shacabka loo gaysto ayay maanta idiin soo gudbinaysaa dhacdadii 15 Nov 2005 ka dhacday magaalada Qabridahre oo noqotay kuwa ugu caansan waana kan qoraalkii aan xiligaas ka qoray.

Markaan dareenkayga xuuraamay een xilliyada daba-galay, xusuus qorka maskaxdaydana xirrib feejigan ku eegay, waxaan xiskayga ka helay xaqiiqda ay xanbaarsan tahay 15 Nov. Xusuustayda kama aanay bixin, xiskaygana kama aanay lumin xanuunka ay maalintani leedahay iyo taariikhda ay xanbaarsan tahay.

15-ka Nov waxay astaan u tahay damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga, waxayna maalmaha kale dheer tahay dhacdooyinka ay xanbaarsan tahay, oo marna danqasho iyo daanno kuu horseedi, marna dareen iyo ciil-dirir kuu tusmayn. Maalintani waxay ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen magaalada Qabridaharre.

Waxay ahayd maalin talaado ah, taariikhduna waxay ku beegnayd 15 Nov 2005, markii ay ciidammada Itoobiya si waxshinimo ah suuqa magaalada Qabridaharre ugu xasuuqeen dhalinyaro ka badan 30 qof oo ciidammada Itoobiya ugu xidhxidhnaa xabsiga Qabridaharre.

Maalintani waxay ehel la tahay oo summada taariikhda la wadaagtaa maalmoo kale oo ciidammada Itoobiya ay xasuuqa ka gaysteen meelo kale oo ka mid ah dalka Ogaadeenya.

Maalintani waxay sannadkan ku soo beegantay iyadoo ciidammada Itoobiya ay ku mashquulsan yihiin gumaad saf-mar ah oo ay ka wadaan dalka Ogaadeenya. Waxay ku soo hagaagtay iyadoo ciidammada dad-cunka ah ee Itoobiya ay wali gacmaha kula jiraan dhiiggii maatida iyo duqayda Ogaadeenya ee aan awoodda u lahayn inay cadowgooda iska caabiyaan.

Ciidammada Itoobiya markii ay ku guul-darraysteen inay u babac-dhigaan dagaalka ay hormuudka ka yihiin CWXO ayay dib ugu noqdeen dadka maxasta ah ee aan u diyaarsanayn inay cadow iska caabiyaan. Waxaa magaalo walba oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay gumaad iyo gabood-fallo kale oo Ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha nugulka ah ee Ogaadeenya.

In kastoo uu gumaysigu quud-darraynayay in dadwaynaha Ogaadeenya ay is-dhiibi doonaan marka si naxariis darro ah loo xasuuqo oo cadaadis nacabnimo ah la saaro, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale ku guul-darraystay rajadii uu qabay.

Sida uu dagaalkii ugu guul-darraystay ayuu cadaadiska dadwaynahana ugu guul-darraystay. Ilaa iyo hadda waxaa cad in dadwaynaha Ogaadeenya ay u dhabar adaygeen dhibaatooyinka gumaysiga kaga imanaya, isla markaana uu halgankii Ogaadeenya sii karaar qaatay.

Sida ka muuqata taariikh-halganeedk a shacbiga Ogaadeenya, mar kastoo uu gumaysigu kordhiyo cadaadiska iyo dulmiga uu ku hayo dadwaynaha uu gumaysto ee Ogaadeenya, waxaa sii koradha dhiirranaanta ay dadwaynaha Ogaadeenya ku dhiirradaan halgankooda.

Tan iyo markii dalka Ogaadeenya ay ku habsatay masiibada gumaysigu waxaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhacay dhacdooyin xasuuq oo gumaysigu gaystay.

Waxaan marna la illoobi doonin xasuuqii Dhagaxbuur, oo loo yaqaano Kanoonigii, kaasoo Lixdameeyadii ay ciidammada Itoobiya magaalada Dhagaxbuur ku laayeen in ka badan 70 qof oo rayad ah.

Waxaan marna dareenka waddaniga daacadda ah ee Ogaadeenya ka lumi doonin xasuuqii Wardheer, oo ciidammada Itoobiya si bahalnimo ah magaalada Wardheer ay ugu xasuuqeen dad rayad ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof horraantii sannadkii 1994.

Waxay dadkayagu waligood xusuusnaan doonaan xasuuqii ay ciidammada Itoobiya ka gaysteen Tuulada Hunjurri iyo nawaaxigeeda ee gobolka Jarar badhtamihii bishii June 2007, oo ugu yaraan 21 qof oo rayad ah ay ciidammada Itoobiya ku dileen.

Waxayna dadkaygu marna illoobi doonin xasuuqii bahalnimada ahaa ee ciidammada Itoobiya ka fuliyeen Tuulada Babaase ee gobolka Doollo 24 July 2007, oo ugu yaraan 10 qof oo rayad ah ay halkaas ku daldaleen.

Waxay dadkaygu maanka ku hayn doonaan xasuuqyadii Shilaabo, Dhagax-madow iyo meelo kale oo Ogaadeenya ka mid ah. Waxaan marna ka gadsoomi doonin maanka waddaniga daacada ah ee Ogaadeenya gabood-fal kasta oo ciidammada Itoobiya ku sameeyaan dadwaynaha Ogaadeenya.

Dhibaato kasta oo shacbiga Ogaadeenya ka soo gaadha gumaysiga iyo cawaantiisu waxay dhidibbada u sii aasi doontaa go’aankiisii ahaa inuu ka dhidhiyo waxyeellada gumaysiga, waxayna saad u noqon doontaa dareenka waddaniga keena-diidka ah ee Ogaadeenya.

Waddaniga diiday inuu gunnimada aqbalo. Waddaniga diiday inuu xumaha yeelo. Waddaniga diiday inuu sharaftiisa quudho. Waddaniga diiday inuu gudobtiisa illaawo. Waddaniga diiday inuu sinta u dhigto summada quudhsiga.

Anu waaban mayee, Wacad waxaan ku marayaa ama aniga laywaa ama waasan kuu bari.

User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Miyaad Iloowday Xasuuqi Magaaladda Qabridahare ee 15 Nov

Postby Shift » Thu Nov 17, 2011 3:46 am

Lama iloowin buug madow oo gaar ah ayeey ku qoran tahay,when the dark clouds depart and norm returns waala xisaabtami insha allah.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Miyaad Iloowday Xasuuqi Magaaladda Qabridahare ee 15 Nov

Postby The_Emperior5 » Sat Nov 26, 2011 12:23 pm

Ilaahay Naxariistu Musliminta Somaliyeed eventually Xaqa will prevail every single innocent civilian lost shall be remembered by us, ilahay godka ha u nuuro wixi xaqdarada lugu dilay.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest