15 Feb 2012.
(Ogadentoday Press)- Gudoomiyaha Degmadda Xarshin Xirsi Cabdullaahi ayaa la sheegay inuu u baxsaday Dhanka Maamulka Somaliland ee Magaaladda Hargaysa.
Wararka ayaa sheegaya in Baxsashan ay timid kaddib khilaaf soo kalla dhex-galay Maamulka Degmadda Iyo Ciidamadda Liyuu Police.
Sida la sheegay Khilaafkan ayaa salka ku haya kaddib Markii Ciidamadda Liyuu Booliska ay toogteen nin darawal ah oo Lagu Magacaabo Maxamed Qowdhan.
Gudoomiyaha ayaa la sheegay inuu ku qabsaday Sababta dillka loogu gaystay Darawalkan isla Markaasna Ciidamadda ayaa la sheegay inay u hanjabeen.
Inta Baddan Maamulka Degmooyinka Xarshin Iyo Awaare ayaa u baxsada Dhanka Somaliland Iyadoo isla markaas taageero ka hella Maamulka Somaliland.
Mahan oo kalli ah Siyaasiyiinta kuwa u baxsadda Dhanka Somaliland balse Fanaaniinta ayaa Marka ay ku soo caan baxaan Magaaladda Jigjiga waxay u baxsadaan Dhanka Hargaysa isla markaasna noqdaan kuwa shaqooyinkoodda Fanka ka sii wadda.
Ogadentoday Press.




