Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ciidamada JWXO oo Hawlgalo Culus ka bilaabay Gobolka Afdheer

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Ciidamada JWXO oo Hawlgalo Culus ka bilaabay Gobolka Afdheer

Postby EEGA9 » Tue Feb 26, 2013 2:28 am

Ciidamada JWXO oo Hawlgalo Culus ka bilaabay Gobolka Afdheer kadib Heshiiskii beenta ahaa ee Afrcan Oil.


Written by nogob
Monday, 25 February 2013 13:30

Image


Warar aanu kahelay Magaalada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeele ayaa sheegaya in Magaalada Godey ay saaka Waji Cusub ku waabariisatay kadib markii laxaqiijyay Hawlgalo Culus oo Ciidanka JWXO ay bilaabeen.


Gaadiidka u kala Goosha Magaalada Godey iyo Magaalooyinka Gobolka Afdheer sida God Cusbo Hargeele iyo Jarati ayaa Habeenkii Xalay ahaa ku dhextuuray Magaalada Godey war Dadka intiisa badan aad ugu Farxeen, balse Maamulka Dabaqoodhiga ah iyo Maleeshiyadoodu ka Nixiyay.

Warkan waxaa soo Tabiyay Magaaladana ku sii dhexdaayeen dhawr Gaadiidley ah oo sheegay in ilaa 4-Goobood ay ku soo Mareen Ciidamada Jabhada ONLF oo si aada u Hubaysan, Meelaha ay Gawaadhileydu kula kulmeen Ciidanka ONLF ayay sheegeen inay kamid Yihiin Tuulooyinka Shimbiraale Dharaaye iyo Laaso Dacawo, kuwaasi oo dhamaantood kuyaala inta u dhaxaysa Godey iyo God Cusbo.

Warkan waxaa uu Hanqadhnews.com kahelay Muwaadin ku sugan Magaalada Godey oo kamid ah Dadkii sida Tooska ah uga waraystay Gaadiidleyda wixii ay arkeen, Muwaadinku waxaa uu noosheegay in Dhaq dhaqaaqani yahay mid ku Cusub Wadada Xidhiidhisa Godey iyo Afdher.

Waxaana uu sheegay in ay Dadku aad ugu Malaynayaan inuu Jiro Hawlgal Culus oo Jabhadu kaga Hortagayso Shirkadii Maalmahan lasheeg sheegayay ee lahayd Dooxada Ogaden ayaan Shidaal ka soo saaraynaa.

Image

Muwaadinkani waxaa kale oo uu sheegay in Magaalada Laab ay mareen Habeen Hore Ciidamo Xoogle oo lagu sheegay Jabhada ONLF, Dhinaca Karinka Qalaafe iyadana waxaa laga sheegay Ciidamo socdaal ah oo Deegaankaasi maray kuwaasi oo la leeyahay waxay ku Jeedeen Dhinaca Gobolka Afdheer.

muwaadinkan ayaa yidhi dhinacaa Ceel Qooxle iyo Dharaayeba waan ku Maqli jiray Ciidamo ONLF ah ayaa Jooga mana badnayn Dhaq dhaqaaqoodu laakiin Hada waxaad moodaa inay Qorshe wadaan oo Dibada ayay u soo baxeen waxayna Joojinayaa Gawaadhida isticmaasha Wadada, waana ilaa Habeen Hore inta dhaq dhaqaaqan la dareemay ayuu intaasi kudaray Muwaadinka aanu Xogtan kahelay.

Image

Isku soo wada duube Shirkada African Oil ayaa Heshiis Dhalanteed ah lagashay Xukuumada Wayanaha kaasi oo dhigaya in Shirkadu ay baadhitaan iyo Qodisba ku samayso Shiddaalka Dooxada Ogaden, waxaan se la Ogayn sida uu Heshiiskani Midha dhal u noqon doono maadaama ay Ciidamada Xoraynta Ogadenia sicad uga soo Horjeedaan Boobka iyo Xadista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka Ogadenia.


Hanqadhnews.com

MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Ciidamada JWXO oo Hawlgalo Culus ka bilaabay Gobolka Afd

Postby MarsinQorahay » Tue Feb 26, 2013 8:28 am

:blessed: :blessed:

Allahu akbar, Ogadenia ha xaroowdoo!


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 2 guests