Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Dagaalkii CirJiidh

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Dagaalkii CirJiidh

Postby EEGA9 » Mon Apr 15, 2013 6:22 am

Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Dagaalkii CirJiidh

Ugu horeyn majirin wax aan ku qiimayn karo niyadayda maalinkii nala yidhi dhaqaaqa. Farxada qosolka iyo islawaynada. Kalina kuma ahayn midan ee qof walba oo ciidankaasi kamid ahaa waxay ahayd mid ay ila wadaagayeen. Aan bal isku dayo inaan tuujiyo xasuustayda anigoon halkan ku soo koobi karin wax walba oo markaasi dhacay siday ahaayeen.

Hawlgaka CIRJIIDH waxa uu bilaabmay 4 bilood kahor wakhtiga uu fulay. CWXO ee ku sugnaa dugsiga tababarka ee SAYID C/WALI waxay ka ruqaansadeen goobtoodii tababarka oo ay mudo ku sugnaayeen 20/04/2006. Ciidanka goobtaasi ka hayaamay waxay ahaayeen 2ba Urur oo ku hubaysnaa qaybaha kala duwan ee hubka loogu talagalay ciidamada lugta amaba ay jabhadi qaadato. Waxaa uu kusii hakaday laba meelood oo dhexda ah; xogtan oo ah xog ciidan daraadeed ayaa magaca goobta 1aad waxaynu ku daynaynaa oo kaliya (goobta 1aad). Waxa uu ciidankaasi soo gaadhay taariikhdu markay ahayd 26/04/2006 waxuuna ku sugnaa G/1aad ciidankaasi ilaa iyo 27/07/2006.

Hadaba Amin aanu salada maqrib tukanay oo aanu markaasi ku mashquulsanahay repot-ka ciidan ee lala soo dheelmaday iyo midaka lagu waabariisan lahaa (Hadii Allaha awooda lihi ogalaado) ayaa waxaa marqudha soo yeedhay oo maamulkii ciidanku isugu yimaadeen report horleh oo ah in ciidanka oo markaasi ahaa Urur iyo Badh ay diyaar garoobaan, subaxnimo horena ay kalahayaan (Hadii Allaha awooda lihi ogalaado). Maqalka wajiibkan oo in badan ay ciidamadani sugayeen waxay ahayd wax ay dhagahaygu maqlan tan iyo maalintii aan garaadsaday midii iigu farxada badnayd iigu wanaagsanayd ee aan xusuusto taarikhda, in badana way ku soo noq-noqotaa maalinta qalbigayga. Kadib waxaan u ruqaansanay oo uu Ciidankii gaadhay goobta labaad (Goobta 2aad) taariikhdu markay ahayd 28/07/2006. Goobtan labaad waxay ku sugnaayeen ciidankaasi laba maalmood iyo habeen kaliya. 30/07/2006 waxay soo istaageen ciidankii loogu tala galay inay fuliyaan Hawlgalkii lamagac baxay Cirjiidh, oo 2badii Urur ah goobta lagu magacaabo Caleen oo ka mid ah dagmada Shilaabo ee gobolka Qorahay.

Marka intaasi aan kaganimaadno taariikha iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka kahor hawlgalka, aan wax idiinka tilmaamo sawiraka, qaabka iyo qiimaha ciidanka. Hawlgalka Cirjiidh waxa uu ku soo hagaagay wakhtigii ay dhaceen dagaalada lagu jabiyay ciidanka gumaysiga Ethiopia, gaarahaan 10 maalmood kadib labadii dagaal ee Quusiye iyo Balisareedo. Wakhtigan waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia ee ka hawlgala dalka Ogadenia kor loo qaaday oo ay gadheen ilaa iyo 50 kun oo askari. Ciidankan gumaysiga Ethiopia ee cadadkaas ka kooban ayaa loogu tala galay in ay ka qaybqaataan hawlgalkii inta badan shacabka S/Ogadenia ay u yaqaaneen (Mulgeeta) macnihiisuna ahaa marka Somali laga dhigo Shanlo; waxaa hawlgalkan ciidmada Wayaanuhu ugu tala galeen in geed iyo geed loo hoos istaago ciida barakaysan ee Ogadenia.

Hawlgalka Cirjiidh waxa uu ahaa midka is-kaba raaciyay riwaayada hawlgalka uu gumaysiga ula baxay Mulgeeta oo lagu maaweelinayay in badan oo ka mida gumaysatada Wayaanaha oo mar uun ku naaloonayay in ay soo afjaraan kacdoonka gobanimodoon ee shacabka S/Ogadenia si-raaxo lehna ay ku joogaan ciida daahirka ah ee Ogadenia.

Dhanka kale Ciidanka WXO ee fuliyay hawlgalka Cirjiidh waxay ahaayeen ciidan tababaran oo kadhisan dhinacyada: cidaan, siyaasad, wadaniyad, daraasadaynta xaalad cadaw iyo mid deegaanba. Waxayna ahaayeen kuwo dihin marka aad ka fiiriso dhinacyada mooraalka, ku-kakanida cadawga, oo u diir-naxaya amba u jiidh-naxaya shacabka S/Ogadenia iyo waliba iyagoo aad ugu heelana mar uun in ay si-buuxda uga qaybqaataan halganka shacabiga ah ee wakhtiga dheer ka socday dalka Ogadenia una adeegsadaan khibrada ciidan ay korarsadeen tababarkii dugsiga SAYID CABDI WALI.

Hadaba aynu dhex-mushaaxno dhulka carafta iyo bilicda wanaagsan ee Ciidankii Cirjiidh uu dhex galay iyagoo Allihii abuurtay mooyee cidkale aan uga waabanaynin. Ciidanka waxa uu ka dhaqaaqay isagoo istaraatijiyad dagaal ku socda Tuulad Caleen waxuuna u jihaystay dhankaa iyo Tuulada hada lagubay ee Qamuuda taariikhdu marakay ahayd 30/07/2006. Wakhtigan waxay saacadu tilmaamaysaa 10:30 barqin-nimo kadib kulan ay yeesheen Abbaanduulaha CWXO N/H Cabdikariin Sheikh Muuse iyo Taliskii Ciidanka fulinaya Hawlgalka Cirjiidh, daqiiqado kahor wakhtigaasi aan kor ku soo sheegnay. Markii uu dhamaaday kulankankaas, CWXO oo marwalba ah kuwo diyaar-garaw iyo feejignaan dheeraada Ilaahay ku manaystay, waxay u jihaysteen iyagoo madaxyo tirabadan ah dhankii qorshu ahaa. Markaad dhawrto waxaa kuu muuqanayay wiilal iyo gabdho wata dirays isku mid ah, leh nidaam ciidan oo si habaysana u wada socda. Hadaad dhagta u sii raaricisana waxaad maqlaysay sawaxanka jaanqaadkooda oo ku dareensiinaya culayska ciidanka meesha socda.

Ciidanka waxa uu dhex qaadayay intiisa badani dhul kaymo ah, mararka qaarna waxaa uu marayay dhul daleed ah iyagoo aan talaabo kala horaynin kala hadhin oo aad moodo in uu hada ka dhaqaaqay rugtii ay daganaayeen. Naftood-hurayaashii hawlgalkasi Cirjiidh fuliyay intay ku jireen socdkan waxay marba sii marayeen bulsha waynta S/Ogadenia ee reer guuraaga ah oo deegaanadaasi ku dhaqan iyagoo abaabul, dhoola-tus, kawarqaadsho IWM ay dhex marayeen. Waxaa sidoo kale xusid-mudan qaabkii diiranaa ee ay u soo dhawaynayeen hooyooyinka, gabdhaha, caruurta, dhalinyarada, iyo Odayaasha S/Ogadenia markay isha saaraan ciidankaasi. Waxyaabah aanan marnaba ilaawaynin waxaa ka mid ahaa Mush-xaradii (elalaaskii) ay ku soo dhawaynayeen gabdhaha iyo hooyooyinka S/Ogadenia ciidankaasi. Waxaan sidoo kale arkayay da’yar wiilal iyo gabdhaba isugu jira oo ciidankaasi dhinacyada iyo xaga danbaba kala ordayay jiirikaano iyo caagada biyo ah. Sidoo kale dhalinyarada koox kooxda u socota ee aan kamid noqono CWXO ku ilmaynaysay iyana xisaab malahayn. Culayska hubkii aan wadanay iyo socdkaba waxaanu ku ilaawaynay waa wajigii iyo farxadii diiranayd ee aan kala kulanay Bulshada S/Ogadenia.

Ciidankii socod raaxa leh kadib waxa uu Tuulada Qamuuda korkeeda yimid barqanimadii danbe. Wakhtigaasi waxaa tuulada Qamuuda ku sugnaa ciidan Wayaana ah oo gaadhaya ilaa 200 oo askari. Sahankii Hawlgalka Cirjiidh oo ka soo horeeyay daraadeed waxaa naloo sheegay in ciidankaasi ku suganyahay Tuulada. Waajibaadku wuxuu ahaa in aan marnaba laga leexanin wixii hor istaaga Hawlgal ka mida hawlaha Ciidanka JWXO. Hadana hawlgalka Cirjiidh waxa uu ahaa mid watay dhiranaan, geesinimo iyo carcar aan la qiyaasi karin. Kulan ay yeeshiin xubnihii sahanka ciidanka ahaa iyo taliska waxaa lagu dajiyay shax dagaal oo dag-dag ah.

Waxaa markiiba meeshaasi u dhaqaajiyay ciidan lix madax ah halka uu madax kuusani isna goobtaasi ku hadhay amaba ka dhigtay goobtii laga hogaamin lahaa dagaalka. Intii ciidankaasi uusan gaadhin Tuulada Qamuuda waxaa 7 gaadhi ku fakaday ciidankii wayaanaha ahaa ee ku sugnaa tulada sababta oo ah waxay ka warheleen ciidan xoog leh inuu ku soo fool leeyahay oo ilaa shalay deegaanka ku jiray iyagoo kor ilaa hoos dareensanaa in ciidankani uu yahay mid aan loo barbac dhigi Karin. Baqadoodii iyaga oo aan dhag laqabto lahayn ayaa waxay isku shubeen Magaalada Qabridahare ee xarunta gobalka Qoraxay. Midan waxay cabsi wal-wal hor leh ku noqotay ciidankii fadhiyay iyo wixii ay u warameen ciidankan khal khalsan ee cagaha wax kasoo dayay.

Naftood-hurayaashii fulinayay hawlgalka Cirjiidh markii ay arkeen in ciidankaasi ka fakadeen waxay dib u qiimeeyeen qorshihii iyo nidaamkii socodkooda, waxaana soo baxday in gumaysigu isna qorshe la iman-doono. Hawlgalka Cirjiidh oo ahaa mid sidii loogu talagalay u fulay wuxuu ka bilaabmay Tuulada Qamuda. Qorshihii 2aad ee ciidanka, waxaa loo qaybiyay 6 madax (Hormo) kadib waxaa lakala siiayay deegaanka ku wajahan oo ahaa degaan oomana ah, ciduna ay ahayd ceel fadhiisi wakhtugun uu ahaa wakhti ay dayr bil ka dhimantahay, guga la soo daba marayna uusan ahayn mid fiican. Jihooyunkii ay ahayd in loo socdo ayuu madax waliba u dhaqaajiyay;

Madaxa 1aad waxa uu uga dhaqaaqay goobtaasi Bari Ilaa Koonfur Bari oo ahayd jihada hawlgalkiisa. Madaxa 2aad waxa uu uga dhaqaajiyay deegaanka Goglo ayuu ka jiidhay Koonfur. Madaxa 3aad waxa uu ka maray badhtanka deegaanka Goglo isagoo cagta sii mariyay deegaanada Dhuure, Buubi & Waab. Madaxa 4aad ciidankani waxay isugu jireen 3 madax, waxaana qorshuhu ahaa in ay kawada maraan dhanka Waqooyi deegaanka Goglo, kadibna laba madax oo wada socdaa ay u gudbaan Galbeedka Ogaadeenia.

Akhyaarta sharafta leh qaybtii 1aad ee barnaamijkeenan intaas ayay ku dhantahay. Qaybaha dambe ee barnaamijkeenan ayaan ku kala qeexi-doonaa waxii lagu danbeeyay iyo sidii uu u fashiliyay Hawlgalkii Cirjiidh Duulaankii ciidamada gumaysigu soo qaadeen ee Mulgeeta.

La soco Qaybaha hadhay.

Qore:- Shamsadiin Cumer (TAKHAL). Waxaanan kamid ahaa Naftood-hurayaashii fuliyay Hawlgalkii Cirjiidh.

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Dagaalkii CirJiidh

Postby EEGA9 » Mon Apr 15, 2013 6:25 am

Image

Qaybtii 1 aad ee barnaamijkan ayaan kaga soo sheekaynay qorshaha Hawlgalka Cirjiidh waxayna qaybtii 1aad inoogu joogtay:- Hawlgalkani in uu ahaa mid sidii loogu talagalay u fulay waxa uuna ka bilaabmay Tuulada Qamuda, iyadoo qorshihii 2aad loo qaybiyay ciidankii 6 madax (Hormo). Kadib waxaa lakala siiayay deegaanka ku wajahan oo ahaa degaan oomana ah ciduna ay ahayd ceel fadhiisi wakhtugun uu ahaa wakhti ay dayr bil kadhimantahay guga la soo dabamarayna uu san ahayn mid fiican jihooyunkii ay ahayd in loo socdo ayaa madax waliba u dhaqaajiyay:- Madaxa 1aad waxa uu uga dhaqaaqay goobtaasi Bari Ilaa koonfur bari waxa ay ahayd jihada hawlgalkiisa. Madaxa 2aad waxa uu uga dhaqaajiyay deegaanka Goglo ayuu ka jiidhay Koonfur. Madaxa 3aad waxa uu ka maray badhtanka deegaanka Goglo isagoo cagta siimariyay deegaanada Dhuure…, Buubi…& Waab… Madaxa 4aad ciidankani waxay isugu jireen 3 madax, waxaana qorshuhu ahaa in ay kawada maraan dhanka waqooyi deegaanka Goglo, kadibna laba madax oo wada socdaa ay u gudbaan galbeedka Ogaadeenia, barnaamijkeenan ayaan ku kala qeexi-doonaa waxii lagu danbeeyay iyo sidii uu u fashiliyay Hawlgalkii Cirjiidh Hawlgalkii ciidamada gumaysigu soo qaadeen ee Mulgeeta.


Kusoo dhawaada Qaybta 2aad ee Hawlgalkii Cirjiidh:


Image


Markii ay qorsha shaxeedkii ku dul dhameyeen warqad iyo qalin dushood saraakiishii CWXO ee nala socotay iyagoo waliba wakhtigaasi xidhiidh dhaw la samaynayay Xarunta Dhexe ee JWXO, wuxuu taliskii wakhtigaasi fulinayay Hawlgalka Cirjiidh u soo dhaadhaceen gudaha ciidanka waxayna saacadu tilmaamaysay markaa 2:00 habeenimo (saqdhexe). Qaybin iyo diyaarin dabadeed abaara 4:00 subaxnimo waxyare kahor uun salaadii subax waxaanu akhrisanay quraan raatib ah iyo 21 bisin, waxuuna madax-waliba (Horinwalba) u jihaysatay dhankii qorshuhu ahaa. Anigu waxaan kamid ahaa labada madax ee ku jira badhtanka ciidanka.

Barqanimodii danbe oo ay taariikhduna ahayd 02/08/2006 waxay Falaadh-waliba kaabiga u soo istaagtay bartii bu’da u ahayd (halbawlaha). Qorsha dagaaleed ayay ciidanka gumaysiga Ethiopia iyaguna dajisteen oo ahayd shax shabagaysan, waxaana ciidanka wayaanuhu la soo daristay xaalad qalafsan oo walaac iyo wal-wal leh. Waxay mudo 12 saacadood gudohooda ku soo dajiyeen saraakiisha ciidankooda ee ku sugnaa xarunta gaaska kaliya ee Ogadenia wakhtigaasi joogay waa Qabridahare, in ciidankan JWXO shabag loo daadsado, in goobaha biyaha laga fadhiisto iyo in jihooyin badan lagaga yimaado. Qorshahani ay ciidamada wayaanuhu ka soo saareen xerada ay magaalada Qabridahar ku leeyihiin ee birgaydhka (Brigade), sahanka CWXO waa uu la socday, iskaba daa mida ay ku fakarayaane xitaa waxa uu fahamsanaa waxay ku riyoonayaan.

Cutubyadii CWXO ee fulinaya Hawlgalka Cirjiidh waxay ku adkaysteen (sidii Jabhad gobanimodoona caadkeed ahayd) in ay horay u socdaan oo ay fuliyaan hawlgalkan iyadoo aan ahayn xaalad dhagaraysan (maneuvering), oon looga leexanin ciidamada gumaysiga Ethiopia wadada ay damceen in looga tago. Wax walba waxay isugu geeyeen xitaa haday noqoto dagaal in aanu marnaba fashil ku dhamaanin hawlgalka Cirjiidh.

Inta badan ciidmada gumaysiga Ethiopia waxay salka ku hayeen biyaha deegaanka Goglo, oo in tabadan marka xili roobaadka la dabamaro ay dadku ku tirsanaadaan ceelasha. Hadana falaadh walba oo kamid ahaa CWXO ee Cirjiidh biyihu fadhigooda ayay ugu tageen, waana mid Ilaahay loogu mahadiyo iyo intii taakulaynta ciidanka ka qayb qaadatay taasoo muujinasa in halganka lagu xoraynayo Ogadenia yahay mid shacbi ah. Waxaa kaloo naloo sheegay ciidanka Wayaanaha tirada ay yihiin jihooyinka ay u haystaan qorshaha iyo waliba sida mooraalkoodu yahay. Waxaa ka mid ah arimaha xusuustayda ku xardhan sida shacabkii wakhtigasi ku sugnaa Tuulada Dhuure iyo nawaaxigeedu ay ugu tartamayeen sidii ay indhaha u soo saari lahaayeen ciidamadan Cirjiidh, xitaa maadan moodaynin in deegaanka cadaw rayidkan wax u dhimi karaa uu joogo. Markastoo aan amuurtan oo kale soo xasuusto waxaan garawsadaa hadalkii axmaarku uu ku yidhi Oday ka mida odayaasha Somalida Ogadneia ee ahaa; Saalladda Idaha iyo Mida riyaha Miyaad kala garanaysaa ee oo Odaygii ugu jawaabay maya, ka dib uu yidhi axmaarku danta aan kaleeyahay waa shacabkiina iyo jabahadiinuba waa sidas oo kale ka qoriga wada, midka taageeraha ah iyo kaan waxababa aan ogayni iskumid uunbaad noo tihiin.

N/Hurayaasha CWXO eenu wada joognay waxay laba kasta oo difaaca kuwada sugani wadaagayeen farxada, qosalka iyo sheekooyin goos-goos ah oo ay maskaxdayaydu soo cel-celinayso ilaa maanta. Cidwaliba oo aan soo marnaa waxay nawaydiinayasay in aanu u dhiibano weel ay caano noogu shubaan. Waxaan sidoo kale isha lasii raacayay marba masaf iyo weel kale oo ay shacabku ku wadaan raashin ama sonkor iyo badeecooyin lamida, oo meeshay ka soo gaadhaan fiilada ciidanka socda ee Cirjiidh ay ugu dhiibayeen. Waxay Ciidamada WXO ee hawlgalkasi Cirjiidh fuliyay intii ay ku jireen socdkan sii dhex-mushaaxayeen bulsha wayntaasi S/Ogadenia ee reer guuraaga ah ee deegaankaas ku dhaqan iyagoo abaabul, dhoola-tus, kawarqaadsho IWM ay dhex marayeen. Waxay sidoo kale hooyooyinka iyo gabdhaha S/Ogadenia ee ciidankaasi isha saarayay hal mar ah isku darayeen Mush-xarad (elalaas) iyo erayo ay kamid yihiin “Alle ha idin guuleeyo”, “Cadawgiina Alle ha jabiyo” iyo IWM oo ay nugu soo dhawaynayeen amaba ay nugku taageerayeen, midan oo ahayd midii aan ku soo bilawnay hawlgalkan. Waxaan hada ku joognaa faafka Qoraxay, sidoo kale culayska iyo socdkaba waxaanu ku ilaawaynay waa wajigii iyo farxadii diiranayd ee aan kala kulanay Bulshada S/Ogadenia.

Amin gaaban oo casar ah ayaanu ka hayaanay Tuulada Dhuure. Markaas anaga iyo ciidamada Wayaanuhu waxba isuma jirno. Xogtayada ah in aan deegaanka dhinac ka joogno waa ogyihiin anana waanu Ognahay goobaha ay fadhiyaan. Habeen labaadkii ciidankii aan kamidka ahaa oo fadhiya afkaBariee banka Qoraxay ayaa sahankii ciidanka JWXO waxa uu wakhti danbe u keenay xaalad ciidan oo dagdag ah. Waxay markiiba maamulkii ciidanku isugu yimaadeen kulan. Wada-tashi iyo falanqan dheer kadib waxaan go’aansanay in aanu dagaal lagalno, balse aanu anagu u doorano dagaalka meesha istaraatijiga noo ah ee dagaalka uu ka dhici doono. Markiiba raadka ayaanu u sii daynay say noo soo dabagalaan. Qorshuhuna waa in aanu u dhaqaajino dhanka iyo buuraha faafka ku yaal sida tuulada Xudur-ayle.

Amin habeenimo nisdambe ah ayaanu ku soo talawnay banka Qoraxay. Waxaanu soo galnay deegaanka ka bilaabma dhanka Galbeed ee Banka Qoraxay. Shaahii aroornimo ayaanu ku karsanay Deegaanka Dhuurta. Waxaa uu wardigii ciidanka oo kolba dib fiirinayay isagoo adeegsanayna qalabka loo isticmaalo fogaan araga (diirada) sifudud u arkayay ciidamda Wayaanaha ee raadkayaga ku soo taagan oo markii hore naloosheegay in ay ahaayeen ciidan dhan 400 oo askari. Laakiin qaabka ay noola socdeen ma’uusan ahayn cidaan weerar ah waxayse u ekaayeen ciidamo gaadmo doon ah. Isla wakhtigaasi waxaa nasoo dul istaagtay diyaarad ay ciidamada gumaysigu lahaan jireen oo fadhiyi jirtay garoonka Magaalada Qabaridahare nooceeduna ahaa Maanqaad, diyaaradan oo wax yar uun kadib hawlgalka Cirdhjiidh ay ku guulaysteen cutub katirsan ciidanka qalabka sida ee JWXO gaar ahaan qabyta Danab in ay ku gubaan garoonka Magaalada Qabridahar waxayna halkaasi ku dileen ciidan gaadhaya 17 askari. Diyaaradani waxay ku duulaysay joog inta badan aysan gaadhin hubka fudud ee gacanta laga rido. Waxa hub ah marido dayaaradda balse waxay si fudud ula socon kartay dhaq-dhaqaaqanaga iyo tiradanada. Markiiba waxaanu isu qaybiyay falaadho yaryar oo is hor iyo dababa maraya una socda qaab ciidan, waxaananu ku guulaysanay in aysan diyaaradani helin tiradayada saxda ah iyo in aanan socdka joojinin ilaa inta aanu ka gaadhayno goobta aanu rabnay.

Kadib markii aan ku guulaysanay in aanu gaadhno dhulka istaraatijiga ahaa ee duleedka tuulada Xudur ayle, gaar ahaan laagta Cadalay, waxay ciidamadii Wayaanah ee wakhtigaasi nagu soo raad taagnaa isu-rogeen oy aadeen dhanka tuula Maracaato. Sidoo kale waxay ciidan soo dageen tuulada Xudur ayle, ciidama kalna waxay soo dageen meel aan sidaasi nooga fogayn oo naga xigta dhanka Tuulada Wabiyar oo waqooyi markaasi naga ah.

La soco qaybta 3 aad ee Hawlgalkii Cirjiidh.

Qore iyo Goob-jooge:- Shamsadiin Cumer (TAKHAL).
shamsadiin@gmail.com

Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Dagaalkii CirJiidh

Postby Faranacab » Fri Apr 26, 2013 6:30 pm

Ugaaas Hanqadh, adeerow war ayaa ugu gaajo kulul, ee harry up with Qaybtii saddexaad.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests