Cabdi iley oo sigtay: Basbaas Ninkii Beertuu Gubaa!!! Liyuu police laxidh xidhay kuwo baxsaday iyo kuwo qoryo lunsaday
Maalmahan ilaa intii Cabdi iley uu kasoo noqday agagaarka Higlalaeey, Cobale iyo Araarso waxaa leeysla dhexmarayey warar sheegay in uu Cabdi iley kabad baaday isku day ay rabeen in ay kukhaarajiyaan koox liyuu police ihi.
Haddaba intii aay wararkani soo baxeen kadib waxaa noo suurtagashay in aan hello xaqiiqda arintaas iyo sida aay wax uga jiraan ama udhaceen. Hadda kahor waxaan idiin sheegnay in tiro liyuu police cusub ah oo dhameeysatay tababar 2laba bilood ah in taliye looga dhigay shiihalaqe SANYARE oo ahaa waardiyihii Cabdi iley, ciidankan oo gaadhayey ilaa 180 nin ayaa waxaa ladajiey degmada Araarso magaalada dhexdeeda waxaayna daganaayeen iskuullada (school) degmada mid ka mid ah.
Haddaba maalin dhawayd waxaan idiin sheegnay in uu Cabdi iley ukacay meelo ay liyuu police daganyihiin ooy kamid yihiin degmada Araarso. Waxaa la sheegay sababta uu Cabdi iley u tagay meelahaas ayaa waxaa kamid ahaa in uu lasoo hadlo kooxo liyuu police ah oo laga cabsi qabay in ay goostaan.
Haddaba galabnimadii arbacadii hadda ina dhaaftay waxaa ciidan liyuu policeka ah ee Araarso daganaa kagoostay 9sagaal nin oo hubeeysan, kadibna cabdi iley ooy ciidan liyuu police ah oo uu hogaaminayo shiihalaqe “sheikh“Mukhtaar aadna ubadan wata ayaa yimid degmada Araarso, isagoo halkaa shir lagalay liyuu polciekii halkaas kusugnaa; wakhtigaas uu cabdi iley lashirayey ayaa sida lasheegay ayna ciidankan liyuu policeka badankoodu haaysanin qoryahoodii.
Haddaba cabdi iley oo aad ucabsanaya ayaa shirkii ubilaabay ciidankii kadibna “sheikh” Mukhtaar ayaa yidhi ninkii qorihaaystaa haasoo dhigto xeradiisa kadibna hasoo noqdo kadib tiro yar oo markaas qoryahoodii soo qaadatay ayaa soo dhigatay soona noqday waxyar kadibna ciidankii cabdi iley lasocday ee sheikh mukhtaar uu hogaaminayey ayaa ciidankii kale isku xeeray waxaayna kugureen tiro kamid ah ciidankan 3sedex gaadhi oo ah kuwo maxaabiista lagu qaado waxaana lageeyey degmada Birqod halkaas oo uu haaysto ciidanka dagan nin uu Cabdi iley kukalsoon yahay ooy isku qoys yihiin waxaana laxaqiijiyey in aay hada ugu yaraan 6o nin oo ciidankaas kamid ihi aay halkaas kuxidh xidhan yihiin.
Intaas kadib habeenimadii ayaa koox liyuu police ah oo kamid ah kooxihii baxsaday ayaa waxaay soo weerareen magaalada Araarso waxayna xabado badan ku soo harqiyeen ama kusoo rideen goobtii uu Cabdi iley dagganaa dadka shacabka ah ee halkaas kunool ayaa sheegay in aay arkayeen xabado badan oo tareeyso ah oo kusoo hoobaynaya goobtii uu Cabdi iley wakhtigaas daganaa waxaana lacadeeynayaa in aay xabbado badani kusoo dhaceen isla goobtii uu cabdi iley fadhiyey laakiin sidoo kale waxaa iyana run ah in aayna waxba gaadhin Cabdi iley marka laga reebo naxdin iyo qaadanwaa, isagoo wakhti danbe oo habeenimo ah kasoo guuray halkaas oo uu yimid Jigjiga. Dhanka kale oo wax kunoqotay oo kale wareerankan lamasheegin. Ugu dambayntii waxaa lakala diray dhaamaan ciidankii uu xukumay Mr SANYARE waxaayna noqdeen in baxsata in laxidho iyo in direeyskii iyo qoryihii laga qaato shiihalaqe SANYARE ayaa hada waxaa lasheegayaa in uuna haaynin ciidan uu xukumo inkasta oo lagayaabo in loo baadh baadho oo koox leeysugu habeeyo uu xukumi karo.
Bahda Faallo ayaa horay usoo tabisay in Cabdi Iley uu naftiisa uga cabsado Liyuu Booliskii uu isagu dadka ku layn jiray taasoo dhaxalsiisay in hantida umadda waxa uu Ciidanka Federaalka ku laaluusho mooyee intii kale iyaga ku dabbaro, sheekaduna eegga waxay maraysaa Basbaas ninkii beerta unbaa ku gubta!!!



