DEGMADA HARGEELE EE GOBOLKA AFDHEER OO LAGA FURAY SUUQA(SEYL
Posted: Tue May 07, 2013 6:41 am
HARGEELE - Dadweynaha ku dhaqan xaruunta gobolka Afdheer ee Hargeele ayaa nasiib u helay in ay yeeshan seylad lagu kala gato xoolaha oo casri ah. Muanasabad weyn oo xadhiga lagaga jarayo suuqa xoolaha ayaa waxaaka soo qaybgalay musuuliyiin ka socda gobolka Afdheer ee DDSI.
Gudoomiyaha gobolka Afdheer, Jaamac Yuusuf, oo munasabadii furitaanka hadal kooban ka jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsaday fa'iideyda ay sayaladu u leedahay degmada Hargeele iyo gobolka Afdheer degmooyinkiisa kala duwan.
Ganacsatada xoolaha ee gobolka Afdheer ayaa dhankooda ka sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan suuqa xoolaha ee laga furay degmada Hargeele iyaga oo sheegay in talabadani kor u qaadeysa ganacsiga xoolaha gobolka iyo daryeelka xoolaha nool.
Gobolka Afdheer ayaa kamid ah gobolada xoolaha qaniga ku ah, gaar ahaan geela oo kaalin weyn ka qaata dhaqaalaha iyo dhaqanka bulshada Soomaalida.