August 27, 2013 (QOL) Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabab ayaa abaaro duhurnimadii maanta waxaa ay weerar Xoogan ku qaadeen Degaan u dhow Mustaxiil oo lagu magacaabo Samad Xume kaas oo ay gacanta ku hayeen Ciidama ka tirsan hawaarinta oo ka amara qaata Ciidamada gumaysiga Ethiopia.
Sida Goobjoogyaal ay u sheegeen Warbaahinta deegaankaasi ayaa waxaa la wareegay Dagaalyahanadii Weerarka soo qaaday ee Al- Shabab ka tirsanaa, wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Dagaalka lagu Dilay Gudoomiyihii Degaankaasi oo lagu magacaabi jiray Axmad Feelow.
Waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay Gudoomiye ku xigeenkii iyo Madaxii arimaha Bulshada ee deegaanka Samad Xume oo u dhow Deegaanka Mustaxiil ee dhuka ogaadeenia.
Axmad Kacaan
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com