Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby MarsinQorahay » Sat Jun 07, 2014 6:28 pm

Dharbaaxada kulul ee ay ciidamada Liyuupoolisku la tuureen Alshabaab waxay daaha ka rogtay waxyaabo badan oo naga daahsoonaa!
Warar lagu baahiyay lagana baahiyay warbaahinta rasmiga ah ee ddsi iyo qaar ka mid ah telefeshnada caalamka oo ay ku jiraan kuwa soomaalida ayaa lagu sheegay in gobolka Bakool ay dagaalo xoogan ku dhexmareen Ciidamada Dowlad-deegaanka Soomalida Itoobiya iyo dagaalyahanada Alshabaab .
Ciidamada gaarka ah ee looyaqaano LiyuuPolicka ee Dowlad-deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa dagaal ku qaaday fariisimo ay lahaayeen xoogagga Alshabaab, iyaga oo laayay wax ka badan 80 dagaalyahan oo Alshabaab ah, sidoo kale waxay lawareegeen goobihii fariisinka u ahaa xoogagga Alahabaab.
Weerarkan ay qaadeen Liyuupooliska ayaa dhacay ka dib markii xoogagga Alshabaab ay dhamaadki bishii mai weerar gaadmo ah ku qaadeen tuulo xadka dhacda oo lagu magacaabo Caato, kanatirsan degmada Baarey ee gobolka Afdheer, halkaas oo ay ku dileen dad shacab ah iyo qaar kamid ah Policka tuulada.
Ciidamada Liyuuga oo aad uga carooday weerarka Ahsbaab ayaa laga soo bilaabo xilligaas ilaa iyo labadii bishan Juun waxaa ay wadeen sahmin iyo dabagal goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Alshabaab, sida goobaha ay ka midka yihiin Sariir, Lahelow, Shimbiraale, Raxle iyo Lagalay oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Bokood ee dalka Soomaaliya.

Sahmin iyo dabagal ka dib, ciidamada Liyuu Policka waxaa u suuragashay inay weerar qorsheysan ku qaadaan goobihii saldhigyada u ahaa maleeshiyada Alshabaab, iyaga oo gebiahaan la wareegay goobihii ay weeraarka ku ekeeyeen sida: Sariir, Lahelow, Shimbiraale, Raxle iyo Lagalay. Dagaaladan ayaa sida ay wararku sheegayaan ku sii fiday degaano kale, sida deegaanka Garasweyne ilaa duleedka degmada Xudur oo ah caasimadda gobolka Bakool.

Ciidamada LiyuuPolicku ayaa laayay wax ka badan 83 maleeshiyo oo ka tirsan ururka Alshabaab, waxay sidoo kale nolosha ku qabteen 7 xibnood oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah, halka ay gacanta ku dhigeen wax ka badan 123 qori oo isgu jira hubka noocyadiisa kala duwan.
Akhristow waxaa intaa ku dhan war wixii dhacay iyo sida ay wax u dheceen oo aan ka soo xigtay warbahinta rasmiga ah ee DDSI iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka oo ay ka mid tahay tan soomaalida.

Hadaba Jawaabta qalafsan ee weliba degdega ah ee ay ciidamada Liyuupoolisku ka bixiyeen weerarka Alshabaab waxay daaha ka rogtay waxyaabo badan oo nagadaahsoonaa:

Marka hore weerarka ay Alshabaab ku qaaday gudaha ddsi waxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay ee ay Alshabaab ku tijaabisay awooda ciidamada Liyuupolice, bal inuu xaalku noqdo guul iyo qaniimo sida waqooyibari Kenya iyo inkale!.

Dhinaca kale waxaa muuqata in weerarka Alshabaab uu ahaa mid qorsheysan oo lagu beegay dabaldegyada 20 bisha Ginbot. Waxay ahaataba Alshabaab waxay la kulantay jawaab qalafsan oo toban jeer ka xanuun badan intii ay filayeen markii hore, lamana filayo in mardambe ay ku dhiiran doonaan daandaasi kan lamid ah.

Shakki kuma jiro in Alshabaab ay filayeen iska caabin xoogan, si ka duwan weerarada ay ka geystaan dalka Kenya, balse marna maysan fileynin in la ceersan doono oo loogu gelidoono goofyadi iyo godadki ay ka soo baxeen.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidamada DDSI usoo tallaabaan dhanka soomaaliya, waxay dhowr jeer howlgallo kooban ka fuliyeen gudaha maamulka Soomaaliland iyo isla gobolka Bakool, balse ma ahayn howlgallo sidaas u buuran. Hadda waa markii ugu horeysay oo ay dagaal foolkafool ah kooxo hubeysan kulagalaan gudaha dalka Soomaaliya.

Arinka ugu xiisaha badan ayaa ah, in ciidamada Liyuupoolis oo ah ciidamo ay leedahay dowlad maxalli ah ay duulaan ku qaadaan bartilmaameedyo ku yaala dal kale, waxaa laisweidiin karaa, “howlgalkan maxay u fulinwaayeen ciidamada Federaalka Dowladda Itoobiya”, oo weliba aan sidaas uga fogeyn goobaha ay dagaalada ka socdaan? Taas waxay muujineysaa heerka ay gaarsiisantahay awooda DDSI, oo aad uga xininyo waaweyn sida ay dad badani u maleynayaan.

Waxay tahayba, masahlana in dhul miyi iyo howd ah lagu ceersado maleeshiya hubeysan oo mintid ah, islamarkaana u tababaran dagaalka jabhdeynta ah, oo welibana dhulki ay ku dhasheen jooga sida Alshabaab, adiga oo aan aqoon u lahayn dhulka , islamarkaana aan wadanin Taangiyo iyo Diyaarado. Waa qodob muujinaya awooda iyo tababarka gaarka ah ee ay leeyihiin ciidamada Liyuuga.

Dhinaca kale, dhacdadan waxay fasiraad cad ka bixisay farqiga u dhexeeya Dowladaha Kenya iyo Itoobiya, waxay kashiftay ducfiga iyo jileecii lagu xaman jiray kenyaanka, oo karti u yeelan waayay iskacaaabinta weerarada Alshabaab. Sidoo kale, deegaanada soomaalida North-Eastern iyo ddsi. (karaamo iyo dowladnimo iyo ducfi iyo meel maran)

Akhristow, waxaa jira arimo kale oo xassasi ah oo uu dagaalkan soo shaacbixiyay. Sida warbixinta kore ku xusan, ciidamada Liyuupoolisku waxay qabsadeen tuulooyin badan oo uu ka babanayay calanka mugdiga ah ee Alahabaab, sidoo kale waxay laayeen qaar badan oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale waxay qafaasheen qaar kale.
Ciidamada Liyuupoolisku intaasoo dhan waxay sameeyeen iyaga oo aan wadanin Taangiyo iyo Diyarado midna, welibana saacado kooban.
Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya waxay deegaanadaas ku sugnaayeen sanado badan, ilaa iyo maantana waa ay joogaan.
Maxay uladagaalami waayeen Alshabaab? Ma ciidamada Liyuupooliska ayaa ka xoogbadan ciidamada federaalka Itoobiya?)
Arinkan ma aha mid u gaar ah Ciidamada Itoobiya, waa siyaasad marba marka ka dambeysa soo shaacbexeysa oo ay kawada simanyihiin guud ahaan dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya. (Kenya, Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Burundi–).
Waxaa la tuhmayaa in dalalka qaar ay si dadban ula shaqeeyaan dagaalyahannada Alshabaab, sida dowladda Uganda, oo cadeymo loo hayo askar ciidamdeeda ka tirsan oo la sheegay in Kampala lagu maxkamadeynayo , balse loo badinayo inay tahay boor isku qaris.
Dhanka Dowladda Soomaaliyaa waxaa lagu tuhmayaa inay si toos ah ula shaqeyso Ashabaab, ilaa iyo haddana waxaa adag in la kala sooco ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabab.
Waxaa dhacda in inta la soo xiro saraakiil Alshabaab ah hadana dib loo siidaayo oo weliba madax loogadhigo ciidamada Dowladda, taasoo ciidamada dowladda iyo Alshabaab ka dhigtay ceshow milix aan meela ku kala maarmin.

Cidamada Liyuupolice waxay soomaalida iyo caalamkaba bareen in kooxaha xagjirka ah miyiga iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan lagula dagaalami karo, iyadoon loo baahanin Taangiyo iyo diyaarado banbaanooyin tuura, keliyana loo baahan yahay, askari daacad ah oo leh tababar iyo xirfad dagaal oo ku filan.
Waxaa kalooy na bareen in in ciidamada Amisom, dalka ay dooniba ha ka socdeena aanay daacad ka ahayn la dagaalanaka Alshabaab, sababta ay soomaaliya u joogaana ay tahay mushaar oo keliya.
Waxay sidoo kale na bareen in Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya aanay daacad u ahayn dalkooda sida Liyuupolice daacad ugu yahay dalkiisa.
Waxaa kaloon ogaanay in Dowlad-deegaanka soomaalida Itoobiya ay leedahay ciidamo caalami ah oo dibadaha ka howlgelikara, werarikarana bartilmaameedyo ku yaala dalal kale, iyaga oo ka madaxbanaan ciidamada federaalka Itoobiya, leeyihiina awood ku filan oo ay ciidooda ku difaacaan.

Isku soo wada xoori, Amaanka dowlad degaanka soomaalida Itoobiyana waa mid sugan oo laisku haleyni karo. Dharbaaxada kulul ee Liyuupoplisku la tuuray dagaalyahanada Alshabaab waxay daaha ka rogtay waxyaabo badan oo naga daahsoonaa,
:win:
http://www.dhanaanmedia.com/2014/06/maq ... eyni-karo/
Last edited by MarsinQorahay on Sat Jun 07, 2014 6:35 pm, edited 1 time in total.

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby xaliye123 » Sat Jun 07, 2014 6:31 pm

Waryaa ina LabaGo'le, dhibka naga dhaafde aderow.

MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby MarsinQorahay » Sat Jun 07, 2014 6:37 pm

:lol: sxb reer cabdille beefin with the idoors

User avatar
TheGrumpyGeeljire
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3554
Joined: Sun Jan 12, 2014 1:25 pm

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby TheGrumpyGeeljire » Sat Jun 07, 2014 6:39 pm

Just coz they went to balidhiig before being chased out by reer mii doesn't make dabaqoodhis 'liyu police' special.

Xildiiid
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7200
Joined: Thu May 15, 2014 4:45 pm
Location: Since light travels faster than sound, people appear bright until you hear them speak

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby Xildiiid » Sat Jun 07, 2014 6:44 pm

They attack border towns from time to time. I wouldn't call that operations inside Somaliland. If it was up to me I would station troops along the border and tell them to shoot any Xabashi or Xabashi loving cunt between the eyes with soft-point bullets and let the wild animals feast on mashed brains.

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby xaliye123 » Sat Jun 07, 2014 6:46 pm

:lol: sxb reer cabdille beefin with the idoors
Isaaq, Ciise iyo Cawlyahan waxay ku heshiyeen inay reer cabdile ka turaan doorashada soo socota, kolkaas cali yuusuf muxuu fali tolow?

MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby MarsinQorahay » Sat Jun 07, 2014 6:52 pm

:lol: sxb reer cabdille beefin with the idoors
Isaaq, Ciise iyo Cawlyahan waxay ku heshiyeen inay reer cabdile ka turaan doorashada soo socota, kolkaas cali yuusuf muxuu fali tolow?
Sxb Cabdi Maxamuud Cumar weligii kama dagayo, ''muxuu fali '' kulaha, we would adopt another ogadens working for reer cali yusuf, reer caliyusuf is like the TPLF in Ogadenia we would adopt another non reer cabdille and do our favours just how Hailemariam desalegn is for TPLF government in Ethiopia.

User avatar
Warabaha
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1724
Joined: Thu Jan 23, 2014 5:41 pm

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby Warabaha » Sat Jun 07, 2014 6:55 pm

If they call attacking border nomad settlements and being chased out by nomads with no outside help an operation then i will be dammed

User avatar
Corruption1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1297
Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
Location: London

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby Corruption1 » Sat Jun 07, 2014 6:56 pm

Last time they came to Xarshin 34 Liyuu police were decimated in a Single day :win:

Image

http://www.xariiradnews.com/2012/09/jig ... -rayid-ah/

Image

User avatar
Warabaha
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1724
Joined: Thu Jan 23, 2014 5:41 pm

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby Warabaha » Sat Jun 07, 2014 6:57 pm

Wallahi si quruxbadan ba lo wasay

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby xaliye123 » Sat Jun 07, 2014 6:59 pm

Kkkkk. Awowgiini ciirta dhami jiray la janee. Bal waynu arkaynaa halkaad la gadhaan.

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby xaliye123 » Sat Jun 07, 2014 7:01 pm

Corruption.

Xarshin waxa ka taliya waa la ogyahay e waxba sawir benaadka hasoo galin.

HusseinHassan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2980
Joined: Mon Nov 11, 2013 11:12 pm
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby HusseinHassan » Sat Jun 07, 2014 7:03 pm

Last time they came to Xarshin 34 Liyuu police were decimated in a Single day :win:

Image

http://www.xariiradnews.com/2012/09/jig ... -rayid-ah/

Image
:pac: using a picture from the ethiopia-eritrea war.

User avatar
Corruption1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1297
Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
Location: London

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby Corruption1 » Sat Jun 07, 2014 7:03 pm

Corruption.

Xarshin waxa ka taliya waa la ogyahay e waxba sawir benaadka hasoo galin.
:arrow: http://www.xariiradnews.com/2012/09/jig ... -rayid-ah/ :Shrug:

xaliye123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1133
Joined: Thu Nov 01, 2012 6:25 pm
Location: Maxaa iga galay nin geel badan.

Re: Liyu Police Operates in Somalia/Somaliland.

Postby xaliye123 » Sat Jun 07, 2014 7:05 pm

Warkii sacad muuse iyo Waaheen iga dhe.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests