Cumar Buur of djibouti remains silent.
OgadenToday Press)- War Goordhaw Nagasoo Gaadhay Magaalada Shiniile ee Xarunta Gobolkaasi ayaa Sheegaya in Dad Rayid ah ay Ciidamada Itoobiya kulaayeen Tuulada Bali-Ciise oo udhaw deegaamada Canfarta lagu wareejiyay.
Sida ay Warar lagu kalsoon yahay Sheegaan waxaa maanta Calanka Cafarta laga taagay Deegaamadii Canfarta lagu wareejiyay, waxaana Arintaasi kadhiidhiyay Dadkii Shacabka ahaa ee Dhulka Iska Lahaa kadibna waxay dajiyeen Calankii Canfarta.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ujoogay Gobolka Shiniile wareejinta Sadexda Tuulo ayaa soo Gaadhay mudo yar kadib waxay Madaxa katoogteen 7 ruux oo Shacab ah halka ay Dhaawaceen in kabadan 35 Qof .
Iskusoo wada Uruuriyoo waxaa dadkan la’laayay udhinteen Difaaca Dhulkooda Hooyo, waxaa maalintii Shalay Banaanbax balaadhan lagu Qabtay Tuulada Bali-Ciise kaasoo looga soo horjeeday Dhul-boobka ay Itoobiya kuhayso Dhulka Soomaaliyeed.




