The Liyuu have been in disarray with lack of pay and direction, they will melt away soon according to reports from the region.
JIGJIGA - The government of the Somali National Regional State (SNRS) on 28 September asked the federal government to postpone the dissolution of the Liyu Police that Prime Minister Hailemariam Desalegn is keen to have disbanded. The PM thereby hopes to allay criticism of its atrocities and its use in inter-tribal conflicts in the region.
Hailemariam Desalegn therefore instructed General Abraham Woldemariam Genezebu, the head of the army Eastern Defence Command, to quickly devise a plan for its dissolution in coordination with the regional authorities.
However, Addis Ababa’s decision has hit against strong opposition in Jigjiga from the president of SNRS Abdi Mahmud Omar aka Abdi Ilay. The latter wants to convince the government that this police force is necessary to fight the Ogaden National Liberation Front (ONLF) combatants and Al-Shabaab radical Islamists (ION 1409). Created in 2008, the Liyu Police has manpower of 10-15,000 and is under the command of an Abdi Ilay loyalist, General Abdirahman Abdillahi Burale generally known as Abdirahman Labagole.
Source: Africanintellegence.com
IGJIGA - Xukuumada DDSI ayaa ka dalbatay dawlada dhaxe ee Itoobiya in dib loo dhigo qorshe lagu doonayo in ciidanka Liyuu booliska lagu kala diro, waxaa saas qortay mareegta caanka ah ee Africanintellegence.com.
Warbxinta ayaa xustay in ra'isulwasaare Hailemaraim ku dhiiran yahay kala-dirista ciidanka oo ku caan-baxay falal naxariis-darro ah iyo hurinta coolada beelaha u dhaxeysa.
Ra'isulwasaaraha ayaa faray taliyaha ciidamada koonfur-bari ee Itoobiya, Abraham Woldemaraim Genezebu in uu la yimaado qorshe ciidamada lagu kala diro isaga oo kaashanaya Ismaamulka Soomaalida.
Waxaa waayadan soo baxayey warar aad isusoo taraya oo sheegaya in qorshayaas hordhacaoodi la hirgaliyey. Waxaa la sheegay in saraakiil Liyuuga ah loo magacaabay xilal degmooyin, halka ciidamo badan lagu amray in ay ku biiraan mashaariicda dib-u-dajinta ee ka soocda gobolka Shabeele.Waxaa kale oo jirta in xubnaha Liyuuga ah ee qalma in ay booliska caadiga ah ku biiraan laga baaran degayo.
Cutubyo Liyuu booliska ah ayaa hadda qayb ka ah gulufka ay ciidamada Itoobiya ka wadaan Soomaaliya ee lagu baacsanayo Alshabaab.
Ciidankan oo kolkii hore loo aasasay in ay ka hortgaan jabhada ONLF ayaa qorshahoodi ka leexday. Siyaasin iyo waxgarad badan ayaa tibaaxay in Liyuugu noqdeen aalad uu madaxweynaha DDSI, Cabdi Cumar, ku adeegto si uu ugu cabodhiyo siyaasinta saluugsan maamulkiisa iyo shacabka.
Waaxda daacayada u qaabilsan Kililka ayaa duubay cajalado dhawr ah oo ay ka muuqdaan falal naxariis-darro ah oo ciidamadan ku kaceen. Muqaaladaas waxaa ugu murugo badana kuwo muujinaya ciidmada oo ku dul dhaanteynaya mayd. Falalka noocan ah ayaa loogu talagalay in lagu argagixiyo dadweynaha.
Waxaa warbxinta lagu xusay in madaxweynaha DDSI doonayo in uu xukuumada dhaxe ku qanciyo jiritaanka ciidankan si ay ula dagaalmaan wax uu ugu yeedhay ONLF iyo Alshabaab.
Afrcanintellegence ayaa tibaaxday in ciidanka Liyuuga la aasaasay 2008-kii iyada oo tiradooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 10,000 - 15,000, laakiin dadka u kuurgala siyaasada DDSI ayaa sheegay in tirada ciidanka aad loo buunbuuniyey oo ay intaa ka yaraan karaan.
Ciidamada ayaa toos uga amar-qaata madaxweynaha deegaanka, laakiin waxaa hogaamintooda ku magaacaban C/raxmaan Laba-go'ale oo ay madaxweyne Cabdi Cumar ilmaadeer yihiin.
Warbxintan ayaa ku soo aaday wakhti udbaha loo taagay xukuumada cusub ee Hailemaraim Desalegn dhawaan ku dhawaaqay taas oo ballan qaaday in ay wax ka qabato dawlad-xumida, musuqmaasuqa iyo cabashooyinka dadweynaha.
Waxaa xusid mudan, in 3 maalmood ee ugu dambeesay aad DDSI Itoobiya looga hadal-hayey mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha. Warbxino aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in ay suurtgal tahay in madaxwene Cabdi Cumar qayb ka noqdo dawlada cusub ee Hailmaraim si loo dhaafiyo jagada oo hadda hayo.
Haddii warbixinta Liyuu boolisku u jirto sida loo dhigay, waxa ay noqon karta talaabo muhiim ah oo bilow u ah isbadal ku yimaada siyaasada Ismaamulka Soomaalida.







