Page 1 of 1

latest from FIIQ battle's

Posted: Sat Feb 07, 2009 2:56 am
by ahmed_gurey
Wararkii ugu Danbeeyey ee Magaalada Fiiq

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalkii ka dhacey duleedka magaalada Fiiq,waxaa magaalada meel u jirta 2km qiyaastii soo fadhiistey ciidamo ONLF ah oo mudaba meeshaa deganaa,baabuurtana ku kantaroolayey,Tigreegu waxay joogeen magaalada afkeeda oo iyagana kantarool u yaaley,waxaa fariin u direy maamulkii Fiiqeed,kuna yidhi ONLF waa in aad meesha ka guurtaan, iyagana dhag wey u dhigi waayeen.

Waxaa si deg-deg ah usu soo uruursadey maamulkii magaalada Fiiqeed,waxayna usoo kaceen meeshii ay ku ogaayeen Jabhada, laakiin inta ayna gaadhinba, waxaa qabsadey xabad ayna fileynin, waxaana goobtaas ka dhacey dagaal aad u xun, oo lagu jabiyey nimankii Tigreega la shaqeynayey, kadibna waxaa usoo gurmadey Ciidamadii Tigreega ahaa.

Warku wuxuu intaas ku darey in dhimashadu ay ahayd ilaa 13,oo kala ah xaga kuwa maamulka ay yihiin 8 dhaawucuna 11 oo 3 aad u ildaran yihiin diyaarada Helikapter ah lagu qaadey xaga iyo Jig-Jiga,halkaana ay kujireen khasnajigii iyo gudoomiyihi hore,rag kale oo muhiim ahaa.

Waxaa kale oo aana warkiisa helin dagaal kale oo Ciidamada Tigreega oo soo gurmaday iyo Jabhada ONLF dhexmarey isla goobtii oo jabhadu fadhidey,waxaa kale oo goobtii soo buuxiyey ciidamo ONLF ah,xaalada Fiiq wey cakiran tahay.



Dufaan Jig-Jiga

Re: latest from FIIQ battle's

Posted: Tue Feb 10, 2009 11:28 pm
by Munique05
shaki noogama jiro in itoobiyaanka sida kaliya ee looga adkaano karo tahay jidka ONLF ku taagan tahay oo ah: kuleel waxaa daawo u ah kuleel kale. :up: :up: