Page 1 of 1

ONLF capture's strategic dhagaxbuur base

Posted: Sun Mar 08, 2009 5:39 am
by ahmed_gurey
ONLF oo qabsatay Saldhigii ugu weynaa ee Militeryga Ethiopia.

ONLF oo qabsatay Saldhigii ugu weynaa ee Militeryga Ethiopia.

{ Jabhada ONLF } 7-3-09"Jabhada ONLF ayaa waxay xoog kula wareegtey Saldhigii ugu weynaa ee Ciidamada Lugta ee dalka Ethiopia.

dagaal ba'an oo si xawli ah u soconayey Todobaadyadii u danbeeyey aya wuxuu suura geliyey in ONLF ay qabsato Saldhiga dhinaca Dhegax buur o ah mid ka mid saldhigyada ugu waa weyn ee Militeryga Ethiopia ku leeyihiin Gobolkaasi.

Warar madax baanaan oo naga soo gaadhaya deegaankaasi ayaa xaqiijiyey qabsahada Saldhigan, waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidamada Gaarka ah ee Ethiopia ay halkaas kala kulmeen dagaal dhab ah oo keenay in la qabsado saldhigoodii ugu weynaa Gobolka. Garabka lagu Magacaabo Duuffaan ee Jabhada ONLF ayaa xoog ku jiidhay Difaacyadii ay halkaas ku lahaayeen Kumaanaan ka tirsan Ciidanka dalka Ethiopia.

waxayna halkaas ka Qanimaysteen Kumaanaan Hub ah oo kala dududwan ayna ku jiraan Banbaanooyinka Gacanta laga tuuro iyo qoryahah Daran dooriga u dhaca. Ciidankii fadhiyey saldhigaas ayaa u gurtay xaga magaalada Caasimada ah ee Adis Ababa ayagoo quudareenaya Gurmad iyo bal in ay isi soo abaabulaan si ay dib ugu qabsadaan deegaan kaasi mar kale.

isku soo wada xaadhoo beryahan u danbeeyey waxaa marba marka ka sii danbeysa soo Kululaanayey xiisadaha iyo dagaalada ka fool ka fool ka ah ee ay isaga hor'imaanayeen Jabhada Xoreynta Ogaadeeniya iyo Taliska Meles Zanawi. waxayna ahayd shalay markii Afhayeen u hadlay ONLF uu xaqiiyey in ay Qudha ka jareen Ugu Yaraan Labo darsin oo ka dirsan Ciidamada Dalka Ethiopia.

Xigasho: Widhwidh News Desk

Re: ONLF capture's strategic dhagaxbuur base

Posted: Sun Mar 08, 2009 6:39 am
by Munique05
OMG dats awesome news wallahi :up: :up: :up: :up: :up: :P :P :P :P :P :P :P :P :P :P

Re: ONLF capture's strategic dhagaxbuur base

Posted: Sun Mar 08, 2009 7:29 pm
by new-york24
the rules of engagment have changed,instead of the usuall hit&run,JWXO is now directly confronting the enemy face to face.
the the numers of the movement have increased and their milatry hardware has been upgraded :up:

this time the revolution will be telavised so stay tuned :lol: