Shir Xasaasi ah oo Dhoobleey ka furmay
Written by dhamac
Saturday, 07 March 2009
DUF:Dhobley_Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi shir uga furmay Masuuliyiinta ka arrimisa gobollasda jubbooyinka ee Degaan ahaan ka soo jeeda isla gobollada jubbooyinka. Shirkan oo looga arrinsanayo maamul u samaynta Gobollada jubooyinka ayaa waxaa la isla qaadaa dhigayaa qodobadi ugu dambeeyey iyo qaabka loo soo gunaanadayo arrinta maamulka.Masuliyiinta shirka u fadhiya ayaa waxay ka mid: Sheekh Xasan Turki, Sheekh Axmed Islaan "Axmed madoobe" ,Sheekh Ibraahim Shukri, Sheekh Daahir ,Sheekh Dulyadeyn waxaana la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqi doono maamulki gobollada jubbooyinka.
Dadka u dhuun duleela arrimaha Jubbooyinka ayaa waxay sheegayaan in maamulka loo samaynayo Jubbaland uu yahay mid ay ka wada tashadeen Raaskambooniyiinta iyo Odayada degaanka waxaana la rajaynayaa in uu halkaas ka soo baxo maamul u horseeda dhamaan degaanka Jubbooyinka xasilooni iyo horumar.Gobollada Jubbooyinka oo ka mid ah goobaha ugu khayraadka badan dalka Soomaaliya ayaa waxaa la hadhay Colaado iyo dagaalo ay inta badan soo abaabulayeen dad aan degaanka u dhalan taasoo ay sabab u ahayd kala qaybsanaan iyo damani saamaysay dadki degaanka.Shirkan oo caddayn u ah sida ay ooga go'an tahay dadka ka soo jeeda gobollada jubbooyinka in ay mustaqbalkooda hantaan ayaa aad looga war dhowraya natiijadiisa rasmiga ah, ayadoo aan la socono in uu dhamaaday xiligi loo qabtay maamulka wadaaga ah ee ka jira magaalada Kismaayo.La soco Dufaan